IKEA oo 62$ milyan ugu deeqday abaaraha Soomaaliya

Shirkada qalabka guryaha ee laga leeyahay dalkaan Sweden IKEA ayaa hayda UNHCR ugu deeqtay lacag gaaraysa 62$ milyan oo dollar taasoo la doonayo in wax looga qabto abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Lacagtaan oo si tartiib ah loo bixin doono ilaa 3-da sano ee soo socota ayaa noqoneysa deeqdii ugu badneyn ee shirkadi ay ugu deeqto UNHCR ilaa maalintii la aasaasay.

Hayada UNHCR ayaa u mahadcelisay shirkada IKEA iyagoo sheegay in lacagta ay u isticmaali doonaan in ay ku quudiyaan oo dib ugu dejiyaan kumanaan Soomaali ah oo ka soo qaxay abaaraha geeska Afrika. ilaa 120,000 oo qof ayaa la sheegay in lagu caawin doono lacagtaan.

IKEA ayaa ah shirkada sameysa alaabada guryaha ee ugu weyn caalamka iyadoo uu aasaasay wiil 17 sano jir ah oo lagu magacaabo Ingvar Kamprad sanadkii 1943.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. maxamed says:

    salaan dhaman akhyarta somaliska jimcale somaliskacom loguma talagalin wax ku sabsan siyasad laakiin aniga manta wan kaga hadlaya waayo waxan u naxaya masakiinta ku nool dalkii waxan ku soqadanaya waxa kamida lacagta lodiro dadka barkacyasha horta mahelan aya mesha tala aniga waxan qaba waxa iska mamusha lacgta kuuwa isku sheega madaxda xita keen isku sheegayo waxan ahay madaxweyne wa tuug tuug dhalay wuuxuu kadhaman layahay safar ma isagaba warkahayo dadkii masakiinta ahaa maliin kasta wuuxuu saran yahay diyarad oo wuuxuu kujira baryo lacagtana lama arku barka yasha waxay cunan galay qarax ah marna wey helan marna wey wayan galayda xuna qaraxa ee aniga waxan oranaya waxa xuna iska sheega waxanunahay dawlad umada wax afaca siiya wa aduuye beri aya lagula xisabtamidona wa ninka isku sheega waxan ahay sheekh sharif axmde

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Abdiraxman says:

    Asc all somali gar ahan jimcale waa arin farxad leh ookudayasha mudan shirkadaha kale san camal ayan ugu baqa eney kudayadaan IKEA oosameysay kudayasho fican alaha naga bixiyo abara iyo colaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. rukija says:

    masha allaah ilahy ayaa usikhiray galada lakiin tolo magadhi donta ayaa meesha tala

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. okash says:

    asc anigu waxaan aaminsanahay inaysan gaarayn dadkii loogu talo galay
    waxaana laka goosanaa dadka ama madaxda hayadaha gargaarka qaar waxaa lagu seexanaa hoteelo qaarna sideeda ayaa loo haysanaa marka waxba gaari maayaan waxa gaaraana waa waxaan waxba katarayn dhibaatada xoogaleh ee hada jirta ..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. ramla says:

    dad miskiiman ah wax loogu tala galay dadkii cuna alaah yaa la xisaabtamaayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. daarood says:

    wixii la siiyo umada soomaliyeed waxaa ***[QABYAALADA WAA KA MAMNUUC SOMALISKA]*** marka ilaahey ilaahey umada haka qabto loogu ma tala gelin maamul lkn waxaa loo gutalagaley iney dameeraha ilaa shaan biyhana ku dhaan sadaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Hussein says:

    sc dhamaantiin, jimcaalle waa mahadsanyahay balse waxad moodaaa webka in ay ku dheelayaan dad aan waxba garan sida ninkaan magaca daarood soo qaatay.

    wallaallayal horta runtii shirkada Ekea aadbay u dadaashay waxaanan dhihi karnaa dadka waa muslim dhimaataysan alle ayaana u qasbay muslim iyo gaal intaba laakin waxaa meesha taalla ummad dhamaanteed noqotay wax lala yaabo cid gargaari karta malahan tusaalle ahaan , ciidankii qaranka ayaa dhacaya wixii loo wedey dadka dhiban, waxaa dhacaya kuwa madaxda isku sheegaya, waxaa dhacaya kuwa gobolada jooga ee dhahaya maamul aan nahay madax banaan oo hada ku waan kale ee madaxda sheeganaya kula heshiyey in ay la qaybsadaan lacagta dadka dhiban loo soo dhiibayo waxaa dhacaya odayaashii markii hore dhaqan aan nahay dhihi jiray laakin hada bahaloobay oo heer ay hay adihii inta la shiraan ay la qaybsadaan lacagta masaakinta gaaray, waxaa dhacaya qofkasta oo meel uu gacanta kala gaaro hella. marka aniga somali waan ku rajo xumahay sababtoo ah hadii caqliga somalia saan arkeyno noqday deriskeenana yahay dalalka aan wada garanayno walhi aniga rajadeyda somalia in ay sii jirto ah aadbbey u hooseysaa balse allaah waxaan ka baryaa in uu dadkaan u gargaaro oo noo gargaaro oo dad wadaniyeen ah oo allahii abuurtay ka baqaya oo garanaya waxa uu qaran yahay in uu talada noogu dhiibo aamin aamin aamin aamin aamin aamin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. raaxeeye says:

    waxaan codsan lahaa inaad qabyaalad iska hilmaantaan waayo qabiil waad aragtaan faaiidada laga dhaxlay! tankale waxaan idin kuboorin lahaa inaadan wax yaabihii saminki jaahiliya iska hilmaantaan waa haddii aad rabtaan inaad sii noolaataan

    yours sincerely,

    ugaaska sade.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0