IKEA oo malaayiin ugu deeqday qaxootiga Soomaalida

Shirkada IKEA ayaa isbuucii hore ku dhawaaqday in ay ku deeqayso lacag gaaraysa 356 milyan oo kr taasoo inta badan loogu tala galay qaxootiga Soomaalida ee ku nool agagaarka Doolow-Cadoow ee xuduuda Ethiopia iyo Somalia. Lacagta oo ay maarayn doonto UNHCR ayaa 309 milyan waxaa lagu taageeri doonaa qaxootiga Soomaalida halka inta kale loogu tala galay wadanka Burkina Faso.

Lacagta ayaa loo isticmaali doonaa in lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha ee qaxootiga si ay u gaaraan isku filaasho. Iyo in kor loo qaado heerkooda nolosha. Sida uu qoray wargeyska Expressen.

Ma ahan markii ugu horeysay ee IKEA ay lacag ugu deeqdo qaxootiga Soomaalida ee ku nool Ethiopia. Sanadkii 2011 ayay IKEA sidoo kale lacag ugu deeqday qaxootiga Soomaalida.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad kor ugu kacday taageerada loo samaynayo qaxootiga, iyadoo shirkado iyo urur badan ay bixiyeen lacago badan. Taageerada inta ugu badan ayaa hada ku socota bariga dhexe qaasatan wadanka Syria balse IKEA ayaa u muuqata in aysan hilmaamin qaxootiga Soomaalida.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. filis says:

    Maaha Allah waa ariin waanagsan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. Qurxiye says:

    Lkn 356m kr ayuu ugu deeqay baatidhi hadana 309 m kr ayaa qaxoontiga lagumaraynaya inta kalena burkina faso markaa xisaabta burkina faso iyo somali maxaa isu keenay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

    • Sayid says:

      Qurxiye si fiican qoraalka u aqri, hadaad fahmi waydo mar kale ku celi.
      Waxay ku deeqeen 356.
      Somalia=30
      Burkino=47
      Iyagoo u marinaya UNHCR.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0