ila dareema xanuunka cunsuriyada

Waa maxay cunsuriyad? erayga cunsuriyad waxaa lagu qeexaa in uu yahay “marka dadka qaar ay aaminaan fikrado ka soo horjeeda dadka kale oo ku dhisan dhaqan ama diin. Waxay aaminaan in ay ka wanaagsanyihiin ama ka fiicanyihiin kuwa kale” taasoo keenta in markaas ay dhalato cunsuriyad xaga ficilka ah sida in loo diido adeegyada iyo in lala qeybsado nolosha.

Macnahaas cunsuriyada ee aan kor ku xusay waa mid aan filayo haddii aad dib u milicsataan noloshii Soomaaliya in ay ahayd mid si waadix ah uga jirta. Waxaa jiray dad la cunsuriyeeyo maalinkasta oo loogu yeero erayo bahdil ah ama loo diido adeegyada bulshada, lagu adkeeyo nolosha, loo geysto waxyeelo. iwm. Cunsuriyadaas xitaa waxay gaadhay in laga dhigo sharci oo lagu daro dastuurka wadanka iyadoo loogu yeeray 4.5 system taasoo dadka qaar laga dhigay in ay nusyihiin. Waa dadka isku dhiiga ah, isku dalka ah, isku luuqada ah, iskuna diinta ah.

Markii la yimid Sweden iyo qurbaha ayaa Soomaalidii qeylo dhaan ku dhufatay “waawareey waa nala cunsuriyeey” qofkasta waxa uu dareemay waxa cunsuriyadu ay tahay. In cunsuriyada dhabta ah aysan kala sooceyn midkii aad shalay ku oran jidhay Midgaan, tumaal, laangaab, jareer, iwm. Iyo adiga oo ka dhashay waxa aad ugu yeedhi jirtay reer laandheere. In qofka cunsuriga ajanabiga ah uusan kala jecleyn qabiilka aad tahay iyo inta qori ay leeyihiin beeshaada. Waxa uu arkaa waa in aad madowdihiin, waxa uu kuugu yeerayaa “neger” ama wax ka daran. Waxa uu arkaa in Maxamed lagu yiraahdo, ka dibna waxa uu kuu diidayaa adeegyada bulshada.

Soo ma ahan wixii aan ka dhaxalnay ficilkii lagu haayay Soomaaliya? ee hada sharciga laga dhigay. Sidee ayaan uga eed sheegan karnaa cunsuriyad marka anagu aan nahay kuwa cunsuriyada ku dhaqma, ee aan kala guursan, aan iscaawin, is adoonsada. Sidee ayaad uga caroon kartaa in lagu dhaho Neger? marka aad adigu dadka ugu yeeri jidhay erayo ka liita? Sidee ayaad uga xumaan kartaa in shaqo laguugu diido midabkaaga dartiis? marka aad adigu shaqada ku bixin jirtay ina adeer iyo ina hebel?

Soomaalida markaan u fiirsaday waxaan nahay dadka ku nool “isburin” ama waxa loo yaqaan “contradiction”. Haddii ay ahaan la’hayd xaga diinta, xaga dadnimada iyo xaga dareenka. Waxaan jecelnahay in aan ku faano diinteena iyo sida dadkeenu yihiin kuwo hal diin iyo hal af wadaaga balse markii hoos loo dhaadhaco, diintiina kuma dhaqano oo waxaan sameynaa waxyaabo badan oo isburinaya, dalkiina iyo dadkiina waa kala qeybinay.

Waan la socdaa qaar ayaa dhihi doona Jimcale Soomaalida ayuu diidanyahay, balse Soomaalidu waa dadkayga, Somaliya waa dalkayga. Balse waxa aan jeclahay in aan laga leexan xaqiiqada, in aanan iska indho tirin wacyiga jira. Kuwa iigu dhow ayaa hormuud ka ahaa cunsuriyada ka jidha Soomaaliya. Adiguna ha dhihin nadiif baan ka ahay, haddii ugu yaraan aad kaga soo horjeesan waydo fikirkaaga.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

31 Responses

  1. xaawo luula says:

    asc marka horewaan idin salaamey dhamaan tiin hadaan ka dhiibto fikirkeyga waa runtaa walaal jimcaale, waxaad arkeysaa somali qurbo joogo ooka sheeganayo cunsurinimo lagu same4eyey misana asagii sameynayo , waxa kamida mowduuc ayuu wxaka dhiibanayaa isla markaasna ma joogi karo asagoon qabiil ceynin oo mowducii laga hadlayeyba kama hadlayo taasina lama ahan cunsurinimo wuu isla saxan yahay marka walaal umadeena way habowsan tahay aduun iyo aaqiro allaha soo hanuuniyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. abdirahman sh. dahir osman says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 12

  3. iskufilan says:

    asc wr wb
    waa salaaman tihiin dhamaan gaar ahan jimcaale ,jimcaale wa kugu raacsanahay fikirkaaga alaahna hana cafiyo hanana soo hanuuniyo, ta kale wiilkan yiri inkastoon isgenin hadana yiri hada yiri in lays naco alaah ayaa ka caroonayo insha alah bal haku laabto walalka fikirkiisa hadaadan geynin gabar soomaaliyeed kula dhaqana kula diina kula midaba islamakaana kula af ah ma waxad geydaa gabar jamaykaan ah? taasi waa tan gabdhaheena ay u wada guursadeen wax ayan gaynin oo ah cadaan iyo madawba oo aan nagu dinn ahayn marka ilaahay haloo wada toobad keeno.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  4. Khadija says:

    Asc, walaalkey Jimcaale waan ku raacsanahay inaan nahay dad is cunsiriyeeya weliba si ka baxsan xadka ayaan dhihi karaa. Waxaan aad ula yaabaa gobolada soomaaliya qaarkood dadka aad kor ku magacowday ee walaalaheena ah waxay deggan yihiin xaafadda gooniya oo xitaa dadka kale ma dhex degaan waana wax aad iyo aad looga xumaado. Waxaan rajo weyn ka qabaa in dhallinyaradeena waxbartey iyo culimadeenaba ay wax weyn ka beddeli karaan arrintaan iyagoo wacyigelin iyo wax isu sheegid ku gaari kara yoolka sinaanta. Ma jiro qof qof ka fiican ilaa taqwada Alle oo lagu kala fiicnaado maahee. Abuur ahaan dadka oo dhami waxay kasoo jeedaan Nebi Aadam iyo Xaawa ee soomaaliyee aan ka baxno qarawga qabiilka iyo cunsiriyada oon ognahay meeshey na dhigtey. Allaha naga dhigo kuwa is jecel oon is cunsiriyeyn.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  5. naana says:

    asc walalaha somaliyed jimcaale warunta somali hadan nahay wan ku dhaqana taas beenta ma,ahan lakiin waa wax dadki naga horeyay ay ku dhaqmi jireen mana u maleynayo taas iney ba ba,eyso somali cuunsuri nimada lafaha ayey noga jirta hada sweden hadi guri magalo laga siiyo waxan lenahay somali madegano marabo magaladas marka si kaste cunsuri wanahay walaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. shadiya says:

    asc baraawo jimcaale aad iyo aad ayaa u mahad san tahay jahliga ha laga baxo aan is jaclaano walala yaal aan wax isku qabano abdirahmaan oo dhahay anan is geynin walaal maxaadna isku geyn ino sheg fadlan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. Sundsvall says:

    Umada Soomaalida qofkasta oo aad waydiiso qabiil, waxa uu kuugu jawaabayaa in uu yahay waxa dhibta ku haya Soomaalida, haddana dhinaca kale markii ay gooni, gooni isugu tagaan kolba intii isku dhow ay qabaan in qabiilku tusinayo wax wanaagsan ama qaytooda ama haybtoodu fiicantahay. Waa laba arimood oo iska hor imanaya!

    Aan unoqdo erayga qabiil iyo sida aan u arko.

    Erayga qabiil waa eray asalkiisu ka yimi afka carabiga. Laakiin marka aan afsoomaali ahaan u eegey, waxa uu iila muuqday laba eray oo isu tagay. Kuwaas oo kala ah, QAB oo laba micno ah ku leh afka soomaaliga iyo IIL.

    1. Qab waa isla wayni ama kibir ,iyo ta kale wax meel ku dhacay, oo cod micnaynaysa dhawaqa.

    2. IIL waa xabaasha qaybta maydka la dhigo, waxa kale oo dhici karta in xaraf lumay marka laba eray laysku daro taasi oo asal ahaan noqon karta QAB+HIIL, hiil waa taageero sii, sida u hiili ama ka hiili qof aad rabto iyo qof aanad rabin.

    Inkastoo dad ila qabaa ay jiraan, aniga waxa ay ila tahay in magaca qabiil ay tahay kibir ama isla wayni iil ama xabaal ku jira.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. axmed jamac says:

    walaal jimcaale walahi ilmo aya iga imatey markaan akhristey qoraalkan ilahay aduun iyo akhiroba haku naxaristo waxan kufarxasanahay inu jiru dadsidan oo kale ufikirayo iney soomali kujiran masha allah adiga iyo inta kutabacsan hambalyo waxan qoro magaranayo waxan nahay dad damiir ahan iyo dad ahanba isku duleyey diintana ficiil ahan been kasheegey wa siida an u badanahay runta wan necebnahay ‘khiyaliga iyo faanka jecel ilahaw ino danbi dhaaf dalka nabad noogadhi kuwa jabkii nasoo gaadhey cashar ku qaato inagayeel amiim

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  9. Somalijecel says:

    Kkkkkk. inkastoo aanan is geynin! war somalida si kastoo wax loogu sheego waxba ma fahmaayaan. waxaaba xataa ku qufulan inaanba dadkaan la liido ee magacyada xunxun loogu waco aysan is geynin somalida kale. waa yaab! wallee dadkaas waa dad si aad ah loo dulmiyay fikrad aad u khaldanna laga aaminay. waxaad arkeysaa hooyo somaliyed oo gabadheeda u ogol nin Jameican ama ajnabi kale ah iney guursato islamarkaana aanan u ogoleyn ninkaan la dadka, diinta iyo luqada ah ee la liido iney guursato. Jimcaale mahadsanid walaal mowduucaagan qiimaha badan. Wabillaahi Towfiiq.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. zaki says:

    Runtii aad ayd ugu mahadsantahay Mr jimcale waxana tahay qora mustaqbal fiican leh oo xaqiiqda dhoora runtii aad ayuu maqaankan wax tar u leeyahay ,
    waa sax waxan nahay dad ku dhisan dhaqan ahaan CUNSURIYADA , hadii aad dunida dib u fiirisa sida wadamada ASIA IYO AFRICA dhaqan ahaan aad iyo aad ayuu ugu xoogan sdida in aan la kala guursan dadka uunan isku mid aheen yahay laakin dooladaiyo Dastuuryada kuma qorna laakin somaliada wax ey ku qoran tahay Dastuurka ,waa wax laga naxo , su,aale sidaa lagu yaren karaa ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. sharlaawe says:

    aniga waxaan u arkaa inay yihiin somalida dadka adunka ugu caqliga yar ugu axmaqsan, ugu diinta liito, uga aqoonta yar xagga wax fahanka , waayo wixi aw aaminsan yahay oo diinta ah oo ahdana aw og yahay ayuusan ku dhaqmaynin, marka waxaan nahay dad wareersan ee Ilaah hanoo kaalmeeyo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  12. Maxamed says:

    SCW!

    Soomaalida wax ka cunsuri badan weligeey markin, Illaahow iga magan geli cudurkooda, Aaamiin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. Hajir says:

    Mid aniga waan kaga soo horjeeda taas oo ah waxa aad sheegay umada Somalied oo dhan kama wada sina marka sida aad wax usoo qortayna waxay udhigantaa si JAMAC ah marka siaas waan kaga so horjeeda,, mida kale sidas Somalied iyo dadka Somalied qaar kamid ah way ku dhaqmaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. abdulkadir says:

    asc walaal salaan kadib wax waliba oo aad sooqor tay xaga dhanaka somaliyed oo ah xaga cusurenimada waa was waana kugu raac sanahay waana wax jira walaal biin taana maaha laga soobelaabo 1991 waxee kadan beeyay waa codor nagu hab saday hadee ay ahaan lahed aqoon yahay hadee ay ahaan laheed oday dhaqamed hadee ay ahaan lahed dhalin yaro hadee ay ahaan lahed macalim ama sheekh hadee ay ahaan lahed hooyooyinka iyo dhaman inta aad isleeda hay waxbey gar taan marka waxaana wada nahay dad iskudiin ah isku dhaqan ah marka sedaa daraade walaal wax waleba oo soomali laga sheego waa wada ansax waa feker keyga mahad sanid jicaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Abdifitah says:

    asc all tan labaad hadii aan fikirkeyga ka dhiibta waan ku raacsanahay in somalidu ay cuncuriyada isticmaalan lkn somalidu sida ay u isticmaasho waa sida ugu xun xag diin xag dhaqan iyo mid bini aadanimo qof dhan oo ilaahey abuurtay ayaa waxaa la dhahayaa waa midgan iyo waa jareer taas waxaaba ka daran in la takooro sida ey camal yaaaab! aaway diintii aaway dhaqankeyniiiiiiiii!????????? somalia wali cunsuriyadii waa ay jirtaa waliba ayadoo dad badan ay wax fahmeen diiniyan iyo dhaqan ahaan hada dad baa wali aamin san fikirkaas xun anigu waxaan arkay wali dad ku indha adag kuna doodayaa fikirkaas ah qabaliga ah ilaahow soo hanuuni markas ayaa waxa laga cabanayaa erey neger iyo wax la mid ah anigu waxaan leeyahy aan is xisaabino marka hore ilaahna halaga baqo qof walalkaa ah in aad dhahdo waa looma ooyaan iyo wax la mid ah waa jaahilno weyn Jimcale waad mahadsantahay runtii waan kugu raacsanahay fikirkaaga saliimka ah ee aad u soo bandhigtay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  16. abdulkadir says:

    walaal tan kale hadee aan somali nahay dhibka madareeno markii aan joogno wadan keyna hooyo lkn mar #kee aan usafarno xaga qorbaha ayaan ogaanaa dhaqan keyna waxee sax ah iyo waxee qalad ah walaal dhibka naheysta ayaa nuucaas noqday waayoo hadee aan wadan keyna joogno waan iswaalnaa asaan isdhanaa aniga oo heer hebe lahaa kkkkkkkk hadee aan gaarno wadama nago dhow oo aan dereska nahayna waxaan naqanaa doora biya kudhac day asaan hada kudar naa waanala takooray marka walaal dhaqan keyna danbe ayaa xun mana garanayo hal kee aan kakeenay dabee casaas qalaf san walaal mahad sanid waa fikir keyga mar labaad mahad sanid jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Fm says:

    Anigu 4.5 xumaan uma arko sad qeybsi laakiin qofku inuu bar yahay maaha waa qabiilo isku tegey oo aan qabiiladaas kale ku tiro aheyn sidaas ayaa loo oon deeyey laakiin iney wax dheer yihiin maaha hadalka qofna si u yiri qofna si u dheh, waxyaabaha kale waa caadooyin liita Alle ha naga koriyo waligeyyna qof Soomaali ah waxaas ayaad tahay ma oran Afkeyga waa ka nabad galeen, Jareerku cay maaha waaba ay faanaan taas ka saar.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. axmad faluuja says:

    Waan ku racsanahay jimcaale nambar 1 sxb hadii an hadalka xodiisa faahfahin kabixiyo wa sax hadii eynu nahay somali enaga ayaa iscunsuriyeyno wayo waxaad arkeysaa nin lagu dhahaayo waa aqoonyahan ayad waxad arkeysaa asigo qabiil kale aflagaado ugeysanayo shekadu aqoon marabte caqli ayee rabaa Asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Abdi-Noor Mohamed says:

    Jimcaale wuu mahadsanyahay.
    Waxaa yaab leh in ummadda Somaliyeed dembigi ay gashay aysan darennsaneyn oo aaney ogeyn in xaqddaridi ay walaalahood ku sameeyeen ay u sabab ahayd in dalka oo dhan uu ka burburo, waxaana taas ka sii daran in ay maanta u birtumanayaan sidii ay ugu sii fogaan lahaayeen dembigaas culus iyagoo u fadhiya sidi ay u dhisan lahaayeen nidaam dawladeed oo ku saleysan 4.5. halki laga rabay in ay baabi´iyaan 4.5 kana towba keenaan dembigaas ay galeen. Cunsuriyadda Somalia ka jirta wey ka xanuun badantahay middi uu Nelson Mandela la diriray oo ahayd midab kala sooca, waayo qofka aad xaqireyso dadnimadiisa iyo sharafkiisa waa qof kula dhashay oo kula diin iyo af iyo dhaqan ah. Waa inaan ka waantownaa falkaas unsuriga ah, haddii kale kama hadli karno midka inaga la inagu hayo. Wasaq haddaad rabto inaad dhaqo horta farahaa la soo dhaqdaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. run sheeg says:

    asc aniga waxan la yabanahey markaan aqriyey kuli fikradihiina war sow ma tihiin soomali kuligeen waxa macquul ah in ay idiin soo martey in aad ku dhaqantaan cunsurinimo marka yaa ah cunsuri mar hadii uu qof walbo dhaliiley oo uu ku sheegay wax xun in lays cunsuriyeeyo marka waxa aniga ila wanagsan in aan ka duceeysano in illaah ka dulqaado isnaceybka is xaqirida iyo qabiilkan naga hari la in illaah qalbiyadeena uu ka masaxo wad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  21. Saredo1 says:

    Waakaxumahay fikradaydi an sooqoray waa i shaqayni weyday netka awgiis

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. MR NICE MAN says:

    abdiraxmaan waa mid ka mida soomalida cunsuriinta ah ee aan walaladood u ogolayn waxba waayo waxa uu ku leeyahay anan is geyin, diinta meel kagama taal qof islaam ah oo ashahaadanaya inaad tidhaa isma gayno aan ahayn ehelkaaga sida diintu sheegtay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  23. Eyman says:

    ASC!War nasbimo Janno kuma geyso ee camalkaada ayaa kugeeyo iyo waxaad hore u soo falatay oo kheyr ah Anigas kula hadlaayo waxaa igu dhacday qiso. Gabar baan jeclaaday, oo midgaan ah, waxaan damcay in aan guursado waxaan u tagay tolkeedii gabadhii waa leysiiyey markaan ku soo laabtay gurigii waxaan ka war helay ama ayada ama anaga!war waxaan dhahay aniga ma dooqeyga mise waxaad ila rabtaan horta, hade hala iisheego 3 qodob aad ku diideen gabdhaan, waxaa leeyiri isma geeyno oo kaliya ayeey ku soo aruureen. waxaan dhahay ma cadow bee idiintahay maya ma caruurtey dhashaan calaamad gooni ah saarantahay maya, ma cilad cuuryaan ah bey leedahay, maya, hada cidey halkaas nakala marsha waxaad wadataan waa danbi, gabdhii waan guursaday intii xil iyo xoola ahaana waan hor dhigay hada waa xaaskeyga, marka jimcaale sxb. Somali waa ey buktaa ilaah ayaa caafin karo. Ragga iyo dumarkaba ciladaas waa ey leeyihiin inkastuu ragga nasabka isku sheega ah rayigooda waa daciif marmarka qaar qof uu rabo ayaa laga celiyaa oo diinta u diidin. Dad hadalkooda waxba kuu ma taree hala guursado dadka somaliyeed ee ayaga ayaa ku mudan marka hore ka bacdi ayaan dhihi lahaa wixii kalee soo haro. Reerkeygii waxey bateen al aaqir gabadhii shalay la ceynaayey hada xaqa waa uu soo baxaa aduunayadaan waa game wada socdo oo dhinacuu doono galaayo. marka somalay qaluubtiina fura isku nasteexeeya inta aad heysataan fursada. isna gacaleysta.OO hagarta ka daayaa Dadka qaar. WBT i love my Caziiza.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. bishaaro says:

    Asc qof kasta siduu iska dhigo weeyaan … maaxaa yelay markaay dadka midguhuu iska dhadhicyaan in aay liitaan sow ayaga uma ahan horseed waxaa fiicneed in aay ku fanan sida kuwa kaldeba ugu fanan magacaydooda foosha xun dadku aadaan iyo xaawo bay ka yimaadeen isma kala dheera .. allaha loo toobo keeno bes ba lagu kala wanagsan yahay .. dadkan ayagaba naar is geeynaya waa nala yasa why u dhahaan … intaay allaha quraankisa iyo nimaciidisa ku mashquuli lahayeen bay leeyihiiin waa nala takooray … ani waxaan qabaa in wax kasta dhagaha fur laga gashto ,,, ani laan dheer wax la yidhihado iyo laan gaab .. ma aaminsani umaada waa islaam waana kala qabiilo sidan qabilkeyga uga mid ahay bay ayagana qabilkoda uga mid yihiin waa in aay dhulka iska qaadan aaysan niyada iska dilin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. somaalidhaba says:

    asc walalayaal waxaa nasab dhiman ah qofkii ilaahay hortiisa ku ceeboooba maalinta qiyaamaha dhalinyaradu ha u is taaageen inay bedalaan dhaqankaas intaan meesha ku qortay fikirkooda waa fiican tihiin lkn walalayaal ficilkii ku dara sida EYMAN oo kale oo burburiya caadada xun ee fircooniga ah ninkastaana ha guursadao gabar muslimada gabarkastana ha guursato wiil muslim ah oo la heyb sooco markaas ayaa la gaarayaa runta waxaytahay
    jimcaale waxaaan kaaga mahad celinaa maqaalkan cajiibka ah ee ku salaysan caqliga saliimkaa THANKS

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. somaalidhaba says:

    asc walalayaal waxaa nasab dhiman ah qofkii ilaahay hortiisa ku ceeboooba maalinta qiyaamaha dhalinyaradu ha u is taaageen inay bedalaan dhaqankaas intaan meesha ku qortay fikirkooda waa fiican tihiin lkn walalayaal ficilkii ku dara sida EYMAN oo kale oo burburiya caadada xun ee fircooniga ah ninkastaana ha guursadao gabar muslimada gabarkastana ha guursato wiil muslim ah oo la heyb sooco markaas ayaa la gaarayaa runta waxaytahay
    jimcaale waxaaan kaaga mahad celinaa maqaalkan cajiibka ah ee ku salaysan caqliga saliimkaa THANKS BRO..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. YAAAP says:

    somalieyey aniga hoyaday iyo abahay waxay igu naceen ninkan gursaday mana ahan xata qabiilada yar yar eee qabiil naga fog waye ba laygu deeriayay haben iyo malina waxan taaganahay inan ninkayga iyo ilamahayga cidla uga cararo wax qaladane manan samen ee sidii diintu la fartay ban ban sameeyay sanad ba dad culimada iskaga dabo kalabanayeen i hate dhaqankeena so much, make over ban ku samen duuna hadii dadkan danbe alle wanaajiyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. SOMAALI " JAREEER" says:

    asxaabey JILEECDINA somaliya ya idinka cunsuri nimo badan ??? wa idinkan JAREER caqli 6sac iyo ADOON na dhihi jiray anaga cunsuri inaa tihin Wepsiteka kuma so qori jirin wa aamusi jirny wa sabri jirna e idin kane is sabraa ”AW JILEEC ”

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. ifraax says:

    wu saxan yahy somali jareer wa runtis wa dhihi jirnay wax ya buxu shegey dhan e allah anu kacabsano Jareer iyo jileec wa isu mid . Somaliyey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. Runlow says:

    waa ka baxsatay jimcaale aad iyo aad waxaan kale oo aan ku raacsanahay Run sheeg datkii oo dhan waxey soo qoraayaan waa ku saxantahay jimcaale ee waxaad moodaa datkaani iney somaali aheyn hadii datkii oo dhan ey dhaliileen yaa xun jimcaale walaahi maanta wax cajaaib ayaa soo qortay soomaalidana wax kasta waxaa ukeenaayo walaahi waxey tahay jahliga oo aad ugu badan datka caqliga ley ci,magana leh oo aad ugu yar

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1