Ilhaam Cabdalla: Gabar gabdhaha ku dhiiragelisa ineey ciyaaraan kubadda cagta

0

Ilhaam Cabdalla ayaa ah gabar ah soomaaliyeed ayaa qorsheeyneysa siddii ay sameeyn laheyd koox gabdho ah oo ciyaara kubadda cagta kana yimid dalal kala duwan.

Ilhaam oo degan magaaladda Växjö ee dalkaan Iswiidhan ayaa iyadoo u warameeysay wargeyska SmÃ¥landsposten u sheegtay in ay Iswiidhan timid sanadkii 2o08-dii. Waxaa ay sheegtay in dalkii ayka timid ee Soomaaliya aan gabdhuhu ciyaarin kubadda cagta, go’aana ku gaartay markeey dalkaan timid in ay sameeyo dhaq dhaqaaq isbadal ah oo gabdhaha yar yar sare u qaadaya iney ka sal gaaraan hamigooda. Waxaa ay haatan isku duwtay gabdho gaaraya 100 gabdhood oo meelo kala duwan oo caalamka ah ka yimid.

Dhawaan ayey ku guuleeysatay abaalmarin la xirriirta da daalkeeda wax ku oolka ah ee dhinaca is dhex galka. Waana gabadhii ugu horeeysay oo soomaali ah oo qaada talaabo la xirriirta gabdhaha doonaya ineey bartaan ciyaarta kubada cagta.

 

 

Somaliska.com РG̦teborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here