Imisa ayaa lagu dhameeyaa koorsada SFI [Video]

Koorsada luuqada Swedishka ee SFI (Svenska För Invandrare) waa mid qasab ku ah dhamaan soo galootiga cusub ayadoo qofba waqti ku qaadata soo afjarideeda. Soomaalida cusub ayaa u muuqda kuwo aad uga firfircoon kuwii hore ayadoo macalimiinta iyo maamulada iskuulada SFI-ga ay amaan u dirayaan dadkaan cusub oo dadaalkooda la dareemi karo.

Magaalada Fagersta waxaa ku nool Soomaali badan oo SFI-ga dhigata ayadoo ay waqtiyadii dambe ay dhameeyeen koorsada dad badan oo waliba waqti gaaban ku dhameeyay. Hadaba waxaan wareysi la yeeshay 3 ka mid ah dhalinyarada waqtiga gaaban ku dhameeyay SFI-ga iyagoo iiga waramay dareenkooda iyo qorshohooda mustaqabalka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. muktar says:

    asc dhaman inta maqal iyo muuqaal ii taqaana sidookele waxaan salamayaa ardeydan dhameysay sfi gii waxaan ku boorinayaa in ay sii wadaa wax barashadooda run ahaantii sfi ga qofkii didaala waqti yar waa uu ku dhameen karaa lkn sida somalida qaar sameeyaan in ay dhahaan waa adagtahay luqadan oo sahal laguma baran karao haaaaaa waa adagtahy luqada lkn adiga ayay kugu xirantahay marka waxaan ku boorinaya inta kale ee aan wali dhameenin sfi in fadhiga ka kacaan oo aniga ayaa ka mid ah waxaan rajeenaya in aan waqti yar ku dhameeyo in shaa alaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

    • Muhammed says:

      Wswr Mukhtar mahadsanid sxb runtii waaa ku mahadsantahay dhiiri galinta iyo wacyi galinta. Runtii bulshada soomaalida waxay u baahantahay dad dhiiri galiya.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. Haawa says:

    Asc walahi aad aya umahadsantihin dhaman shaqalaha iyo inta so diyarisay barnamijkan waxan kalo u hanbalyeyna ardada dhamaysay sfi ka waxaana sileyahay siiwada dadaladin insha allah waxa kalo way din laha o mesha ku jirta qofkii horay u haystay aqoon way sacidaysaa aqontiisi hore waxa aragnay rag kudhameyay sfi 3 månader därför waxa sacida aqon toodi hore waxa idin ka codsana way diiya qof ad waraysanaysan inuu lahan jiray aaaqon hore.Hadan aniga iska soqaado malahayn aqoon markaa bilabayay sfi ka wana dadalay waxay iku qadatay sfi 1sano iyo 2 bilood intasna waxa ika caawiyay waxan adi jiray melaha laka cawiyo dadka waxan mar walba soqadan jiray bokakta biblioteka o an dhagaysan jiray alx hadana wa wada wax barashadi somaliyay dadadla mar walba waayo dadala wuu garaa sida lasocda waxa kalo arge mamma dhahaysa maxa ku fala sfi iyo wax barasho ayado ilmaheda ku ag xamanaya sidaas wa qalay hada dumar nahay wa ina kacna mar waba o dan tena ogana weka waxaa leyahay jazakumu llahu kheyr asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Massago says:

    SFI,Ga runti madhibayro aniga 2,5 år aw igu qaadtay hasinka iyo halaan jinirn an kudhameeyay saas ay tahayna luqada 100%40 aan fahmaa kana jawaabi karaa.
    Lakin Khajiida waxaan warsahaaa 15-nov —- 1- mars mudadaas aadka u yar o ay kujurto juledig + sprtlov mm
    say ugu sahlanaatay iney ku dhameeyso waxaan dhihi karaa Naqtiin aw ahaay SFI,G ee ma,ahin mid ahuur jeed ah Anyway god luck 4
    all

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Hussein says:

    asc walaalayaal dhamaantiin waad mahadsan tihiin bahda Somaliska.com mideeda kale ardayda dhameysay SFi hambalyo waxaana leeyahay soomaaliyey aan ka kacno fadhiga maxaa yeelay addunnka wuxuu naga aaminsan yahay inaan nahay dad doonaya inay ceydh qaataan.
    aniga xussen ah marka hore alle ayaa mahada iska leh marka xigta waalidkey & macalimiinteyda & welibana dadaal aan sameeyay alle mahadii waxaan ku dhameeyay muddo 4 billo ah waxaan Sfi bilaabay 11 august-06-12-10 oo aan galnay imtixanka waxaana qaatay shahaadadeyga Sfiga 23december 2010 hadana waxaan dhigtaa waxbarashada dadka waaweyn waxaana jeclahay oon niyada ku hayaa inaan gaaro ilaa heer jaamacadeed.
    marka luuqadaan ma adko lkn dadka hadalkood hadaad maqasho weligaa hormar ma gaareyso inta kalena waxaan leeyahay aan wada dadaalno waadna mahadsan tihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. doolar says:

    allah madaxaay, ina calasow ma anaga waxas noo keentay , dadka is barayysa haye xayeesiinta wagacansiga barikis camal, sxb all station waa adiga ee dadaal kkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Abdukadir Hoshow says:

    Luqada waa furaha dalka , dadaalka waa horseedka guusha .
    Sfiyada kuyaalla Sverige waa kala duwanyihiin qaabka eey u shaqeeyaan qaar wax eey sameeyaan qofka ma gudbi karo ilaa tarmiin uu xirmo marka laga reebo kurA oo uu ka gudbi karo sida kan aan dhigto oo kale. Aad ayaan ugu faraxsanahay walaalaha muujiyay dadaalka iyo skoolkooda oo fududeeyay horay usocoshada ardayda. Waxaan kula talinaa dhammaan walaalaheey inu ku dadaalaan luqada iyo laqabsiga nidaamka dalka kajira.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Anders says:

    6 bilaan sfi ku dhameeyay luqada waan aqaan yaanan lala tagin suuqyada sfi qofka dhameeyo ma yaqaano luqad ee furaha luqada ayoow haastaa laakiin waxaa muhiim ah is dhax galka bulshada qofba sidoow bulshada u dhax galo ayow wadaan ku fahmayaa sfi till guriga waxba kuma keeneeysid ama 6 bil ku dhameey ama 5 sano ku dhameey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. kayfo says:

    asc salan kadib habalyo walalah sfi ga dhameyay walalayan dhalinyarada kadaya niyad jabka wey didaalen aan didalkooda uqirno inta aan didalina waa in eey didaalan hadan somali nahay waxaa cado noo noqotay dadka horusocon laha in aan niyad jabino hadii aan dadka dhirigalin lahen all somalida dhan mutacalimin beey noqon lahayee khadiijo iyo wilasha kalaba waxey mudan yihiin ku dayasho marka waa in aan ku dayana maha in aan kadaba qadano waxan leyahay didaal kiina siwada didaala waa gara insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. raaqiya says:

    asc dhaman walalkayga aniga ra yigayga waxay ila tahay mahan muhiimado waaan dhameen SFI iyo orad wax matarayso ee waxa muhiim ah in aad ilaa heer sare ku hadli karto oo aad fahmi karto bulshada sida la ogyahay svensku qoeraalka iyo hadalka waa ku kala duwan yahay oo markii war qad lagu keeno badanaa waad ka shaqayn kartaa lakinse hadalku mahan wax fudud markaas sidaas daraadeed igu soo orad mahan markaas waqti uu rabaa taas talada ku dara asc wr wb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. farta says:

    asc walalyaal aaad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay dadaalkiina anagana ilaheey ha naga dhigo sidiinoo kale kuwa dadalailaheyna ha inoo fududeyo aamiiiiiiiiiiiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. zaciimka says:

    asc dhamaan dhalinta somaliyed oo gaartay horumarka
    waa ku faraxsanahay hadan waxaa dhihi lahaay dadaalki
    ha ahaato sidee hore yaana laga daalin wadanku anaga ma lihi waa laaban doonnaa marka waa in aan la laabanaa cilmi wax tar u ah wadankeyna iyo dadkeena

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. saadaq says:

    calasow hambaliaya sxb waan filaayay in aad muda gaaban ku dhameeneeso adiga iyo asxaabtaada guul ayaa idiin rajeeynaaa iyo in aad gaartaan meelsare hamaliyo mar 2aad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. C/kariim says:

    Hal su,aal ayaan u baahnaa in uu wariyuhu weydiiyo asxaabta Sfiga dhameysay,taas oo ah aad dhameyseena kuhadalku Luqadu Swedishku sidee idinku yahay.tack.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

    • Jimcale says:

      Sxb SfI laguma barto Swedish balse isha ayuu kuu furayaa, qofka marka uu SFI dhameeyo waxaa uu awoodayaa in uu wax fahmo hadal aan dhib badneyna ku hadlo balse barashada Swedishka waqti dheer iyo wado dheer ayaa u dhiman.

      U codee: Thumb up 4 Thumb down 2