Imisa qof ayaa shaqo heshay 2-dii sano ee la soo dhaafay?

Sanadkii 2010 ayaa dowlada Sweden waxay ku dhawaaqday isbedel weyn oo lagu samaynayo qaabka dadka soo galootiga ah loo qaabilayo marka ay wadanka sharci ka qaataan. Barnaamijkaas ayaa loogu magacdaray “etableringsreformen” kaasoo ujeedkiisa ahaa in dadka ay shaqo ku helaan 2 sano gudahood.

Hadaba labo sano ayaa ka soo wareegtay markii la abuuray barnaamijkaas. Warbixin cusub oo la soo bandhigay ayaa muujisay in dadkii galay barnaamijkaan oo ka badan 14 000 qof ay 10kii qof 3 ka mid ah shaqo helaan. Waa 30% . Wasiirka isdhexgalka ayaa ku tilmaamay arintaan mid aan xumayn isagoo sheegay in hada dowlada iyo dadka soo galootiga ah ay xooga saarayaan shaqada balse ka hor barnaamijkan uusan cadayn ujeedka.

Xaqiiqada ayaa ah in barnaamijkaan uu fashil u muuqdo maadaama aysan muuqan isbedal weyn oo ku yimid dhinaca shaqada. Aniga ayaa ka mid ah dadka ka shaqeeya arimaha la xiriira dadka cusub iyadoo ay ii muuqato in uusan jirin dareen dheeri ah oo ku aadan shaqada. Hal arin ayaa la dhihi karaa horumar ayaa laga sameeyay taasoo ah in dad badan loo diray waxbarashooyin ay ku baranayaan xirfadaha shaqada taasoo mustaqbalka ka saacidi doonta in ay shaqo helaan. Balse labadii sano ee ugu horeysay barnaamijkaan ayaa u muuqda mid niyad jab ah.

Dowlada ayaa u xilsaartay shirkadaha lagu magacaabo “Etableringslots” in ay ka saacidaan dadka soo galootiga ah in ay shaqo helaan balse ujeedadaas lafteeda ayaa u muuqata mid marin habaabin ay ku dhacday iyadoo inta badan shirkadaha nuucaan ah aysan dadka ka saacidin in ay shaqo helaan, taasoo ay ugu wacantahay dadkii oo aan xirfad lahayn iyo shirkadaha qaar oo aan daacad ahayn.

Wasiirka isdhexgalka ayaa ii muujiyay markii aan shalay la kulmay in uusan sidaas ugu faraxsanayn halka wax marayaan isagoo sheegay in ay jiraan isbedalo ay soo wadaan inkastoo uusan ii faahfaahin.

Haddii aad ka tirsantahay Arbetsförmedlingen oo aad Sweden timid labadii sano ee la soo dhaafay. Waa sidee dareenkaaga ku aadan in aad shaqo ka hesho Sweden? Ma aaminsantahay in aad haysato fursado ka  wanaagsan kuwii ay heleen dadkii hore? Maku qanacsantahay xafiiska shaqada iyo shirkadaha la shaqeeya taageerada aad ka hesho? Fadlan fikradaada hoos ku qorn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. warsame says:

    Asc, waxaan imid dalkaan 2010 januari waxaan shaqeeyey muddo hal sano ah ka dibna waan waayey wax shaqo ah Arbetsförmedlingenka waxaa kaaga horeeya oo maamulaya
    Iiraaniyiin iyo Ciraaqiyiin beri hore soo galay dalka shaqadii soo baxda mid ayaga ah ayaa la siinayaa adigana waa lagu madadaalinayaa waxaa na gabay oo jid xun noo falay Soomaalidii dalka soo gashay sagaashameeyadii magaceenana ku shaabadeeyey ma shaqeystayaal aan aqoon lahaeyn.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 5

    • bravom says:

      soomaalida badankood waxeey iskuulka u tagaan yaanan lacag lagaa goosan ee runta hala isku sheego soomaliyey luqada hadaan laga adkaan sidee shaqo loo helaa ????????????????

      U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. kadar says:

    run ahaantii barnaamijka 2 sano ee xafiiska shaqadu dadka ka caawinayo waa fikir wanaagsan run ahaantiina wax badan ka qaban kara is dhex galka bulshada iyo shaqo u abuuris dadka cusub , hase ahaate waxa ii muuqata in aysan arinta sidii la rabay u dhicin sababo jira awgeed , sababahana waa sida uu usheegay wasiirku .
    hadaan fikirkeyAga cabiro waxan u arka in ay mudo 2sano ah ay aad uyar tahay , waxaynu wada og nahay in qofka cusub ay waqti ku qaadanayso inta uu luqada ka baranayo + xirfad , markaa qofkii marka qofkii cusba marka uu luqadii xooga ka barto nidaamkii wadankana fahmo ama xirfad uu ku shaqeysto barto ayeey mudadiina ka dhamaaneysa sidaa ayeey ku dhamaatay 2 sano
    xalka waxan u arka in mudada la kordhiyo oo ugu yaraan ilaa 3 sano laga dhigo in kastoo aan dareen sanahay in kharash aad ubadan ku baxayo
    Ama in wax laga badalo oo fursadan la siiyo qof ugu yaraan wadanka 2sano joogay oo iskuulka luqadana soo dhameeyey qofkaasoo kale ayaa ubaahan in uu helo fursadan halka maanta fursada la siiyey dad cusub oo aan wali luqadii baran waqtigiina ku socdo ama xirfad barta isla markaana mudadii 2sano ku socoto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  3. ali says:

    aniga ka mid ah dadkaas waana lugooyo wax aan ka faa diay malahan. hadii aad shaqo weydiiso xitaa waxay ku lee yihiin adiga raadso kkk wlhi waa arin dhib badan hadan shaqo raadsan karo miyaan hoos fadhin lahaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  4. sadiq says:

    asc marka hore kadibna runtii waa arin u baahan marka hore in dadka laga dhiso xagga luqada iyo waxbarashada xirfadaha taas oo qofka ku dhiirin karta inuu shaqo uu ku kalsoon yahay raadsado,balse sfi ayaa adigoo dhiganaya hadana laguu dirayaa waxadan garaneyn oo praktik ah markad mudo wadid baraktiigii ayaa lagu leeyahay raali noqo hadan shaqo helno wan ku soo waceynaa ruuxiina waqti waa laga diley uu aqoon ku kororsan lahaa shaqana maleh waa niyad jab aan u malaynayo in ajnabiga loogu talo galey in waqtiga looga dilo, taasna waxaa sabab u ah somalidii waagii hore timid.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  5. abdihamiid says:

    aniga ka mid ayaan ahayn kuwas arbets lkn sxb ilaa wax ayay ku qabanayaa ,malaha qofku 8 sacadood luuqad ku dhigan lahaa ayuubay kaga dheelaaan oo meel bilaa yacni ah kaaga luminayaan asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. rashka says:

    A.s dadka rabo iney shaqo helaan waxa muhim ah marka hore inaad luqada barato kadibna aad xirfad barato.sababtoo ah meelkasta oo aad shaqo u tagto waxa muhim ah inaad is fahmi kartaan qofka aad shaqada ka rabto misne aad xirfad u ledahay shaqada laguu diraayo.Dadka cusub waxay heystaan fursad aad u weyn taas oo ah iney waxbarasho iyo tababar shaqo(praktik) isku wadan karaan.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. yusuf says:

    asc magaceygu waa yusuf waxan ka mid ahay arbetsförmedlingen waxaan ka aminsanahay in dadka meeshii iney shaqeystaan laga caain lahaa waqtiga leyskaga lumiyo meelo malaayacni ah oo qofka wax faaido ah u laheyn.
    waxaa ila fiicnaan laheyd qofka luqada in laga caawiyo maadama furaha wax walbo ay tahay luqada lana baro xirfad uu ku shaqeysto,kadib loo diro baraatig,xitaa baraatig in loo diro intii qofka meelo malaayacni ah loo diri laha intuu luqada barana
    meelaha u daran oo waqtiga leyskaga lumiyo waxa ka mid ah lernia meelo kale oo la mid ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. wiil hoog says:

    maya mana helin wax shaqaa thanks

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  9. Cabaas says:

    Aniga ayaa kamid dadki kaqatay sharciga wixi ka danbeeyay 1 november 2010, runti barnaamijkaan waan la dhacsanahay waana barnaaminj aaad u wanagsan oo dadka iyo hor mar ku samayna karaan , wayo hadu qofka shaqo helo isla musharka iyo kaalmada ayuu isku qadanayaa oo waa niyad dhis kale oo ad farxad badan , teedakale Af, ama xafis ka shaqada waddanka dhan ayuu xukumaa marka in lahosyimaada wax kawanagsan majiraan inkasto ay jiri karaan wax yabaha qaar oo dhibaatada kenay ay kamid tahay Guurguuritan oo arintan fududeeysy Sweden dhexdeeda , taas in lajoojiya ayan jeclan lahaa si qof walba mesha lageeyo oo nolo ugu bilaabno…… Wallaahu Aclam.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. waberii says:

    ASC.waxan sharci gaa qataay 2011-07-16 waxan rabaa inaan kahaadlo iskuulka iyo shaqadaa.waligaay maa araag qoof cusub 4macalin uu dhigaayso marka macalinwalba wuxu danaya inaad xafiidi casheerkisa waada cusub tahay ee maxad samayn.markan dhameyaay SFI waxan raadsaday bartiik waan wayaay waxan kasoo baxaay jamicaad xagaa xisabaadka ahaaa waxan uu tagaay tukano badaan waay iga idideen marka maa qaldano somalida cusub ee waxa qaldan somalidii hore,wayoo wuxu kuleyahay maa helaaysiid shaqoo anigaba waan fadhiyaye iska fadhisoo,qaarka shaqeeyana waxaay leyiihin somalidaa masha qaastan ayaay kuu leyiihin sheifka haasta shaqadaa(wsc)

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Gabadh Sool says:

    waxan wadanka imid 2010 bishii desember markaan iskuulka dhameeyay albab kasta oo shaqo waydiin karo waan garacay number kayga iyo magacaygana waan dhigay wax isoo wacayna malahan kumana jirin xafiiska shaqada ee 2 sano ee interdhakhuunkan ku jiray balse markan caydha wayn aan galay oo anan wali lacag ka qadan ayaan helay shaqo nasiib wanag ilahayban u mahadiyaa aan caydha wayn i galin markaa wax i cawiyay majiran xafiis shaqona ima cawin idinkaa is cawin kara somaliyey albab kasta garaaca dhiga numberkina iyo magaciina wad helaysaan hadii alle idinku garab galo wax xafiiska shaqada ku xidhan ban jirin sas amainsanahay aniga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Mohsen Afgooye says:

    sxb meesha waxa oolin wax layirahdo waayo dadka shirkadaha iyo kuwa ganacsatada waxay jecelyihiin dadka loo soo diro baraatik xirfadeed markay ku dhamaato waxay kuleeyihiin ninka iima cajibin ama kama helin hooshiisa waa been midkale ayuu dalbanaya inloo sodiro baraatik sida oo kale waayo asagaa kuqadanayo lacag gaareeso 6000 bishii inta meesha anku ahay baraatiik way is ogyihiin ayaga iyo qeebta mas uulinta oo diro baraatoka waana ujednaa inuu ninka ubaah neen shaqaalo ay isku filan yihiin asaga iyo lashaqeeso dhinaca waxbarashada xirfaha adrabtit inad kafa ideesato sii daacad wax maligu baraayo meesha lacag ayaa leska cunaya been baa lagu hayaa waa wax laysku og weeyan
    mar ban weydiyay sida mas uulinta soo dhaweyta dadka cusub iyo isku dawaridka shaqada iyo baratiik anigoo hada kula hadlaayo ayaan wax kasii weydiyay arinteeda iyo sida usocoto iyo see noqon doonto
    marka hore baratiik ayaa leediray oo galenka dabe oo ah afar saacadood kal fadhigii udambeeyey ayn wareestay kuwa anaga lakulano sida information aan uhelo sida soo socota, hadan shaqada an helo exampel afar sacadood ama sidetan sacadood bishii efter iskaat waxay noqonay lexkun iyo xoogaa waxay isku adanyihiin lacagta soo dhaweynta waxa dheerat ii ah kawetanka guriga ay iiga kabto försäkrinkassan oo ay garayso 3200 waayo guriga ankujiro waa 5000 hadhow miyan leega kabaa waxay calaan jiyeen su asha an weydiyay markale waxee yirahdeen anleegarkada weydii ayagii loo xilsaray sidii ay kuhelilahayeen dadka labada sano udhamaa rabto sanadkan haday dhaheen ma aqaano waxan u arkay meesha inay been talo madama ay naqabileen certa sida wan ku daayay anigoo og inan heli doono afar saacadood shaqo malintii aniga waxan u arkay inaan lugta meesha angu bixin marna hada kabaxdid way kuu dhamatay sidii carabta aytiri yay kuu dhecen laa hunaa walaa hunaak aniga waxan u arkaa Arbetsförmedlingen been bay wadaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Aden says:

    Anigu waxaan ka mid ahay dadkaan.Lkn iskuma mashquulin shaqo ee waxaan xooga saaray waxbarasho waayo waxaan hubaa qof aan aqoon lahayn in uusan Sverige shaqo ka helayn.Marka culayska saara waxbarashada hadii kale noo wada tahriiba illaa U S A

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. Yaska says:

    Aniga ugaaas arintaa dawladu shegatay ee ah 30% ayaa shaqahelay waxaan u arkaa mid been ah oo ay dawladu iska hadashay…. ee adiga ugaas shaqo wayn ayaad noohaysaa ninkii fahmi kara yaa fahamsan……….

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. naana says:

    aniga waxaan ahay dadka kujira arbetka lakiin wax faido malahan. kolay waxey ila tahay inuu kammunka ka fican yahay aniga sfi waan dhameyay praktik ayan kasameyay äldareboande markii danbe anaa shaqo iskeyga uu kensaday lotskane waxba dadka ma caawiyo wax fican uma arko,alxamdulilah hada waan shaqeya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  16. cabdi casiis says:

    waxa la kulmay somali ku jirta programkan 2da sana ah meelo aya loo diraya waxa igu yaabka badneed waxa ay eheed marki aan arkay KURS loo diray oo CVgooda kaliya loogu diyaariinaayo mudo 6bilood ah CV qoritaankisa wa saacad ama 2saac aya lo qoraa yaab sweden lol

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. somali says:

    asc sweden waxa imid 2011 januari ila hadana wan shaqeyaa sababto ah waxan ka faideystay 2 sano oo arbetsivaraha lacawinayo wana kuqanacsanahay shaqada adey kuku xirantahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. abdi says:

    aniga waxaan katir sanahay dadka cusub 2011 o katirsan

    xafiska shaqada ma arkin wali rux katirsan oshaqo helay

    waxaan ahay shaqo doon mana hayo shaqo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. cabdi says:

    runti barnamujkan 2 sano ha ee cusub waa barnaamuj fiican
    anigu waxaan imid sweden 2008
    xafiiska shaqada waan la kulmay waxay i direen shaqo
    1 sano markan kashaqeeyay
    waxaan helay shaqo jogto ah
    marka waxaan u arka qorshahan mid fiican

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. Abukar says:

    Waxey ila tahay in ay ku fashilmeyn xafiidka shaqada dadka ay gacanta ku haayaan in ay shaqo helaan waxaaba ka fiicnaay kamuunki oo qof walbo oo cusub 6 bil shaqo siin jiray

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1