“In aan Muslim ahay darteed ayaa la ii garaacay”

Gabadha lagu magacaabo Jennifer waa gabadh Muslim uur leh oo ku nool magaalada Umeå ee waqooyiga Sweden, taasoo weerar foolxun lagu qaaday isbuucaan. Jennifer oo wiilkeeda kula ciyaaraysa xadiiqada maalintii talaadada ayaa waxaa weeraray labo nin oo dhalinyaro ah kuwaasoo dhabarka ka haraatiyay isla markaana ku yiri hadalo hanjabaad ah.

“Dhacdadaan darteed waxaan dareemayaa caafimaad xumo iyo cabsi joogto ah. Maadaama aan xijaab xiranahay waxaan hubaa in la ii weeraray Muslim ahaan. Waan wacay booliska balse cidma iima imaan” ayay SVT u sheegtay Jennifer.

Waxay booliska ugu baaqday in uu si xoog leh u baaro weerarada naceybka ku salaysan ee ka dhanka ah Muslimiinta. Iyadoo intaasi ku dartay in aysan dooneyn in ay guri maxbuus ahaato cabsi ay ka qabto weerar lagu qaado.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. nuurtomacalin12 @hotmail. com says:

    Asc maxa waye cusiryentaa ka jirto Umeå Allah ha ka qabto Muslimiinta cursiryayaasha aamiin Yaa Allah! 👏👐❤👌

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. wiil somaiyeet says:

    Asc runti ahaanti aad ayaan uga xumahey waxa ku dhacey ilaahey ha u saqiro kuwa gesteyna waxan rajeynaya in cadaalada la horkeeno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. shankaron says:

    Asc wr wbt alle haka qabto sh ayaa diinta ku soo duulay gabadha muslimada ah iyo intii kale oona ogayn oo dhib kaa haysto

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Suxufi somaliyeed says:

    Anagaa Umeå joogna wax cunsuriyad oo ka jirtaa MA jirto Waa magaalada Swedan ugu fiican dhankasta nolosha Sxb beenta jooji sheeg meeshaad warkan ka soo xigatey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0