Ingiriiska: Haweeney soomaali ah oo loo heeysto ka been sheegista qoyskeeda

1

Magaaladda London ee dalka Ingiriiska waxa haweeney magaceeda lugu sheegay Shukri Yuusuf, loo heeystaa dacwad ah in si bareer ah  ceeyrta xaafadaasi ka qaadan jirtay lacago aad u badan, taas oo la sheegay ineeysan xaq u laheyn.

Sheekadda haweeneydan ayaa bilaabatay sanadku markuu ahaa 2008-dii, markaas oo ay sheegtay ineey tahay hooyo keligeed ah oo ay heeysato dhibaato dhaqaale iyo iyadoo aan ku filneyn xanaaneeynta carruurta keligeed. Xafiiska ceeyrta ee xaafadda Southall ayaa tan iyo sanadkaasi waxaa u siin jiray dhaqaale  aad u farro badan. Hase ahaatee shaki yimid sanadkii 2014-kii ayaa baaritaan ay dowladu sameeysay ku ogaatay in ninkeeda oo lugu magacaabo Cumar Tarab eeysan kala  egin ee  ay is qabaan islamarkaasina darwaal bas ka ah basaska magaaladda London.

Haweeneydan ayaa muddadii u dhaxeeysay 2008 ilaa 2014-kii qaadaneeysay la ogaaday ineey iibsatay guri iyo gaari aad qaali u ah. Haatan waxaa laga rabaa ineey dib u soo celiso adduun gaaraya 102.000 oo ganiga istarliinka ah iyo dulsaar.  Arrimahan ayaa waxeey ka mid yihiin dhaqamo fool xun oo soomaalida qaarkeed la soo baxeen markeey yimaadeen qurbaha.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here