Ingiriiska oo derbi uu qaxootiga uga hortagayo ka dhisaya Faransiiska

1
Xeryo qaxooti oo ku yaala magaaladda Calais ee waqooyiga Faransiiska. Sawirka: Jack Taylor/Getty Images

Bishan eeynu ku jirno ee sibteembar ayaa dowladda Ingiriiska waxaaay si tar tatiib tartiib ah u bilowday derbi ay dooneeyso ineey kaga qorto qaxootiga kaga imanaya dalkaasi Faransiiska.

Derbigan ayaa horudhac u ah qorshe loogaga hortagayo qaxootiga faraha badan ee dalkeeda ku soo qulqulaya, waxaana derbigan laga dhisayaa magaaladda dekedda ah ee Calais ee ku taala waqooyiga dalka Faransiiska. Warbixintan ayaa waxaa daabacay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalkaasi Ingiriiska.

Silig
Silig lugu heereyn doono dekadda Calais ee waqooyiga Faransiiska. Sawirka: The Guardian.

Wasiirka socdaalka dalkaasi Robert Goodwil, oo hadalkaan sheegay ka hor intaanla gaarin  komoshinka baarlamaanka dalkaasi. Wuxuu sheegay in weli qaxootiga Ingiriiska ku soo qul qulayaan, hase ahaate la bilaabay in siligyo la xir xiro. Bishii maarso ee sanadkan ayey labada dowladood isku af garteen dhismaha derbigaasi, waxaa lugu wadaa inuu noqdo  badkiisu afar mitir oo dherer. Derbigan ayaa sidoo kale waxaa laga dhisi doonaaa labada dhinac ee Faransiiska iyo Ingiiriiska, qarasha ku baxayana waxaa bixineeysa dowladda Ingiriiska.

Ugu dameyntii derbigan ayaa waxa uu dhameeystir u noqon doonaa silig horey ugu xirnaa magaalada dekeda ah Calais, halkasoo ay qaxootigu dhibaato ku hayeen gaadiidleeyda beeraleeyda ah ee marta wadooyinka, kuwaas oo qaarkood ku qasbi jireen in ay geeyaan xadka Ingiriiska.

 

Waxaa soo arruurisay;
Ikraam Cali-kaar
Göteborg- Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here