Injineer ka shaqeeya qashinka

Ninka lagu magacaabo Bonnie waa nin Injineer ah oo jaamacada Umeå ka baxay balse mudo badan shaqo la’aan ku haysay Sweden. Qisada ninkaan oo ku nool magaalada Borlänge ayaa waxaa soo daabacay wargeyska Dalarnas Tidningen. Bonnie ayaa jaamacad xaga Fiisikiska uga baxay Nigeria isla markaana shahaado ka qaatay jaamacada Umeå oo ka tirsan jaamacada ugu afka dheer Sweden. Balse uma suurto galin in sahal shaqo ku helo.

Bonnie ayaa doortay in uu baraatiik ka sameeyo nadaafada qashinka taasoo uu sheegay in asxaabtiisa ay ku qosleen. Balse sababta uu u doortay ayuu sheegay in ay tahay si uu xiriir cusub uga sameysto goobta. Fikrada Bonnie ayaa ah in baraatiika shaqada qashinka ay fursad u noqon doonto in uu helo shaqo u qalanta waxbarashadiisa. Arintaas ayaan ka soo daahin Bonnie, isagoo ka dib baraatiigii qashinka shaqo ku meel gaar ah ka helay shirkada weyn ee Borlänge Energi halkaasoo uu ka shaqeeyo waaxda bixinta korontada.

Mar uu ka hadlaayay sababta uu markii hore u aqbalay baraatiiga shaqada qashinka ayuu yiri Bonnie

– Waxaan u arkay in ay tahay fursad aan dad cusub ku baran karo, oo aan ku soo bandhigi karo shaqsiga dhabta ah ee aan ahay.

Bonnie ayaa ah nin furfuran oo aan isla weyneyn. Waxa uu nolosha ka eegay dhinaca wanaagsan. Luuqada Swedishka ayuu si fiican uga hadlaa balse waxa uu aaminsanyahay in wali uu barasho ku jiro. Dhinaca kale, waxa uu aaminsanyahay in xirnaashaha Swedishku ay tahay dhibaatada hortaagan in soo galootigu shaqo helaan. Waxa uu sheegay in qofku uu luuqada ku baran karo shaqada oo aan shuruud looga dhigin inta uusan shaqo helin. Waxa uu ka dhawaajiyay in soo galootiga oo dhan aysan Sweden u imaan in ay cayr qaataan balse uu doonayo in uu shaqeysto oo reerkiisa biisho, isla markaana dib ugu faa’ideeyo Sweden.

Inkastoo shaqada uu hada helay ay tahay mid ku eg xiliga xagaaga oo keliya, ayaa Bonnie ku rajo weynyahay in uu helo shaqo rasmi ah. Inta uusan shaqada helin ayaa waxaa u go’naa tikitkii uu Sweden kaga bixi lahaa, isagoo ku sii jiiday dalkaasi Ingiriiska. Balse markii loo sheegay in shaqo ku meel gaar ah la siiyay ayuu iska dhaafay safarkii.

Sheekada Bonnie ayaa la mid ah dhibaato shaqo la’aan oo haysata qaar badan oo ka mid ah soo galootiga. Inkastoo nidaamka wadankaan uu adagyahay ayaa hadana mararka qaar waxaa eeda la saari karaa qaar ka mid ah soo galootiga oo aan dhinaca wanaagsan wax ka eegin, isla markaana iskala weyn in ay qabtaan shaqooyinka hooseeya. Aniga laftayda ayaa wadadaan soo maray oo intii aanan wadanka shirkada ka furan waxaan ka soo shaqeeeyay jarida cowska.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. abdulahi says:

    jimcaale sxb shirkad miyaa kuu furan, maba ogeen walaahi.hadii shaqo lagaa soo codsado kawaran hee?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • bravom says:

      adoon baraaktiik soo marin shaqo saa ku hesho weey adagtahay walahi, anaga runta ma jeclin laakin xaqiiqada ayaa sidaa ah

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. sharlaawe says:

    (MURAADKAADA MASALA AY AYAA LOOGU SEEXDAA AYAY SOMALIDA KU MAAHMAAHAAN)
    paratiika qof kasto ayaa loodiraa oo shaqo raadis ah si qofkaas loogu ogaado qofka aw yahay, tusaale inuu yahay qofkaas caajislaw inuu yahay qof jecel shaqada. inuu ka muuqato baahi, MARKA somalida majecela paraatiiga intooda badan waayo intiisa yar ee ceerta ah ayuu ku qanacsan yahay. waxaan arkay dadka shaqo lasiiyay oo hadana diidsan sababta uu udiidsan yahayna waxay tahay in ay la egtahay halaha aw ceerta kahelo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. duceysane says:

    waxay ila tahay ama xaqiiqaduba tahay in shaqadu ay sharaf tahay cidkastana ay shaqeynkarto wax walbana laga shaqeyn karo haddii aad prv tahay iyo haddii aad alivbet tahay ogow pratigu waa shaqo waana tan qofka kartidiisa iyo dabeecadiisa lagu arko marka qofkasta oo soomaali ah waxaan dhihi lahaa shaqadii iyo pratigii aad hesho ku dhag oo haka fuqin anagana muslimiin baan nahoo subaxkasta markaad shaqada galayso duceyso oo salaada rabigaa gudo oo dheh yaa risaaq yaa fitaax.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. oday somaliyeed says:

    kkkkkk wanfilayay waxaas iyo waxkabanba inaan dadka qaar fahansanayn warwadankaan waa xirxiranyahay somalida ama sogalootigu waa shaqo jecalyihiin lkn fursadaha shaqo waa yaryihiin ninkaas nayjeriyaanka fiiriya xageen joognaa anaga waxbarashadeenu ay qubqacda tahay tusaale anigu waxaan ahay aabe haysta gabar yar oo7jir ah waxaan samaynayay mudo 6bilood ahparaktik iskoolna waan aadaa rajada shaqona waa yartahay wado qodxo badan inay iga horaysan aminsanahay marka yaan layska mala awaalin arimaha waxaa nooqoran xamaali.com nabadgalyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. maskiiinka says:

    asc all shaqada qofwalba oo damiirlehba wey uwanaagsantahay caafimaad ahaan iyo dadnimadiisa oo kusugnaato amaba sharaftiisa oo kor ukacdo halagu dadaaaaaaaaaaalo sida wiilkaas oo kaleeto wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. kariim says:

    Jimcaaale sxb shirkada ma waxaa ka wadaa web kaan ?? mise waa shirkad kale ??

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0