Isbarbardhiga magangalyo doonka ee sanadihii 2010 iyo 2011

8

Imisa qof oo Soomaali ah ayaa iska dhiibtay Sweden sanadkii 201o ama 2011? Maxaa iska badalay tirada Soomaalida magangalyada ka dalbatay Sweden? Su’aalahaas jawaabtooda waxaa noo haya warbixin cusub oo ay soo saartay laanta Socdaalka (Migrationsverket).

Sanadkii 2010 ayaa ahaa sanadkii Soomaalida ugu badan ay iska dhiibaan Sweden. 5 553 qof oo Soomaali ah ayaa magangalyo ka dalbatay Sweden sanadkaas. Soomaalida ayaa kaalinta labaad kaga jiray dadka ugu badan ee magangalyada ka raadsaday Sweden sanadkaas ka dib Serbia.

Sanadkii hada tagay ee 2011 ayaa waxaa Sweden iska dhiibay 3981 qof oo Soomaali ah taasoo hoos u dhigtay tirada -28%. Arintaas ayaa loo macneeyay in ay ka dambayso shuruuda adag ee la hordhigay mideynta reeraha Soomaalida.

Magangalyo doonka ugu badan ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay ka yimaadaan wadankaasi Afghanistaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here