Isbedalo lagu samayn doono sharciga Socdaalka Sweden

Dowlada Sweden ayaa diyaarinaysa isbedelo cusub oo lagu samaynayo sharciga migrationsverketsocdaalka qaasatan arimaha la xiriira mideynta reeraha iyo baasaboorka loo yaqaan Främlingspass-ka sida uu wargeyska Riksdag & Departement. Danaha caruurta ayaa la sheegay in muhiimada ugu weyn la siin doono.

Isbedalada cusub ayaa waxaa ugu muhiimsan in meesha laga saari doono shuruud culus oo ahayd in qofka doonaya in lala mideeyo caruurtiisa ama xaaskiisa uu wadanka dibadiisa ka soo dalbado sharciga. Haddii qofkaas uu wadanka soo galo ayaa horay diidmo loo siinayay oo lagu amrayay in uu sharciga dibada ka soo dalbado.

Isbedalka cusub ayaa lagu sheegay in haddii ay cadahay in qofkaas uu sharci ka heli karo Sweden aan loo baahnayn in uu wadanka ka baxo. Sababta isbedalka ayaa lagu sheegay in aysan habooneyn in la kala qeybiyo waalidka iyo caruurta isla markaana ay isdhexgalka u wanaagsantahay in uusan qofku wadanka ka bixin.

Dhinaca kale, waxaa waalidiinta caruurta wadankaan kaligood yimaada loo fududeyn doonaa sharciga. Waalidka caruurtiisa ay halkaan kaligood yimaadeen ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa DNA si loo cadeeyo xiriirkooda oo ay dowlada lacagta bixin doonto.

Ugu dambeyntii, qofka loo diido baasaboorka Främlingpass-ka ayaa fursad loo siin doonaa in uu maxkamad racfaan ka qaato, arintaas oo hada aan macquul ahayn.

Isbedalada cusub ayaa la filayaa in ay dhaqan galaan bisha July 1 sanadka 2015.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. nurshe says:

    saas waye jamac arimahan ayan karabna mida kale lacagtan wa labadaa ladhahayo mxey tahay news kaas soradi sxb lakin 2015 july wa nagu dhertahay runti

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. yaab says:

    waxan idiin weydiyay meesha kuma jiirto miiya dadkii labada sano ma waxa horyala sharuudi mise wax aya ka badalmay yadana waayo waxan arka uun dadka wadanka ku nol iyo caruurta wadanka joogta uun in lofududayay ??

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. mohamed says:

    sxb jimaac waxaan ku waydiiya shaciga ma waxa uu dhaqan galayaa july 2014 mise july 2015 ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. jamac xasis batahay waqtiga wad dhereysay wax kabadal ama runta kasheg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. muuna says:

    Asc wallo waxad nooweydisa siingalki xaladisa. Ariimaha cusub makujitaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. haaruun says:

    Asc aqyarey arinti 2 sano yaa war nooga haayo fadlan noo sheega

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. zaynab says:

    asc jimcaale walaal waxaan kuweydiiyay arintan maqusaysaa dadkaayaga 2da sano
    mise waa un inta aad meesha kusheegtay,noosoo jawaab walaal adoo raali ah hana na dhibsan dad waxaan nahay dhibane

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. abdulahi says:

    Asc dhamantin asxabta koxeran somaliska asxabta waxanqabaa sual ee shegadan maqoseydaa arintan aniga waxaa ijoga reer aniga sharci maheysto ah swedan wan codsaday wey igu adkeyeen sxb yal reerka karkadagnashaha weyhestaan ee Sharcigan 15 masogaa ama waa hata shegadaan xaqeeqdeyda ayaan o bahanahay ee qofka kawarhayo ama asxabta sogalisay fadlan jwab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. jaamac says:

    Dhamantina sharcigina wa fiyar in sha alah isdajiya ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. cabdi casiis says:

    waa arin wanaagsan arinkaan alle ayeeyna mahad usugnaatay waxaase culeeys nagu haaya waa 2 sano sharuuda ah ee arinkaas aqbaar manooga haaysaa ? yaa umaqan dadka 2 cunuga ama 1cunug leh ama iskuba laheeyn ilmaha ? meeshaas ayaa aqbaar rabta ee noo soo gudbi koley hadaanu nahay dadkaas cidna nooma maqna ceelna nooma qodna !!!! qooysaskii aan daraad isku dhibka nahaaystay maanta waa kaas markii aan la dhibtoonay waa naga sii jeesteen !!! !!! !!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Jimcale says:

    Arinta labada sano wax cusub lagama sheegin balse dowladu waxay sheegtay in ay danta caruurta muhiimada siinayso marka waa laga yaabaa in ay shuruudaha kale qafiifiyaan. Mida kale arinta labada sano waxaan sugeynaa go’aanka maxkamada sare ee la filayo bilaha soo socda. isbedaladaan waxay dhagan galayaan 2015 haddii baarlamaanka uu isku raaco taasoo la filayo in ay dhacdo maadaama dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet isku raaceen isbedelkaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. haaruun says:

    Ok mahadsanid jimcaale wixi kale oo so cusbonado nola so dhaqso thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. jimcaale sxb dadka labada sano waan fahanay dadka singalka waxnooga sheeg thnks

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  14. malesku ciyara arinka yurub in ilmaha leskugu keno waridkoda waxa ladhahay waxow hirgala sanadka cusub wa dhalayay marka maxey tahay arinkan hadana wa logu lifaqa 2015 arinkan hadi ey tahay macanaha wa dadka africa mahe dadki yurub iyaga arinkoda meshaas ayow maray marka ninki yurub dhaxdeda loga xiray 2 sano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. H,YM says:

    ASC, aniga waxaan ahaa dadkii iyagoo ka maqan wadanka lagu xiray caruur iskuma dhalin oo guurkiina ma aaminsanin lakin diidmada lagu siiyey somalinimadaada soo cadee. kadib waan soo gallay sweden waxaan la noolahay odayga lakin hadana diidmo kale ayaa la i siyey…..hadaba ma waxaan ku jiraaa dadka 2015 lala sugayo- mahadsanid jimale jwaab walalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Abdi Ali says:

    ASC. dhamantiina . waxan ahay akhristayaasha somaliska . waxan doonayaa in aan waxoogaa sharaxaada ka bixiyo qoralkan uu jimcaale soo qoray. marka hore sharcigan wax ka badalka lagu samaynayo ee muhiimada la siinayo caruurta wuxuu khuseeyaa oo kaliya dadka wadanka sweden dhexdeeda ku ah magangalyo doon , oo kala ah mid sharicii loo diiday iyo mid sugaya jawaabta 1.ee ay caruuri u joogto sweden dhexdeeda ama uur sugaya iyo 2. caruurka kaligood timaada ee dalbanaya waalidkood iyo reerkoodi inta ka maqan in wax loo fududeyo.sharciga soo baxaya wuxuu qorayaa meela uma baxayaan ee sweden dhexdeeda ayay ka dalbanayaan sharciga . marka la gaadho july-1-2015 insha allaah wixii gaadha ee wadku daayo waad mahad santihiin dhamantiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. matka says:

    goorma ayuu dhaqan galaya sharcigaan janaury mise bile kale jwb waafi ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. xaaji says:

    laalaabka nagadaay maxaa nooleedahay 2014 marna 2015 nookala cadeey sida u dhaqsiyaha badar

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. abshir maxmed says:

    Asc walal jimcale waxan ku weydinaa aniga xaskeuga waxey jogtaa africa waxan ahaau dadkii 2 sano waxa la iga qaday DN A kadib waxa isiyeeyn diidmo kadid waxan maxkamada sare ka qatay racfaan kadib maxkamada sare waxan ka helay ogolasho 17 dec ka imigartion ayaan warqadii udiray aan maxkamad sarr ogilashah uga helay ila iyo hadan wax jawab ah kama helin ee malaga yabaa in ay imigration ayan didmo isiyaan mase hadan maxkamad sare ogolasho ka helo imigration diidmo ma isiin karaa plz jimcal walal iyo intii wax iga fa ideen karto ha iga so jawabeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. mohamed qasim sheikh says:

    asc walal jimcale waxan joga adis ababa waxan codsaday daganasha sweden si an ulamidobo xaskeyga oo dagan sweden waxan wadaa caruur iskugujirto kuwo an dhalay iyo kuwo xaskeyga dhashay oo agoon ah abohood dhintay aniga wax ay idhashay mid qura xaskeyga waxan wada noleen modo 3sano ah waxan so marnay aniga iyo curutaba tijabada DNA 8\7\2013 mana jirto wax lagaday xaskeyga oo ah tijabada DNA hadaba walal maxa kenay dib udhacaas muda dheer ah kana badan 7bil ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. maiza says:

    walal waxaan wadanka soo galay 1 sano iyo bar ka hor sanad gudihiis ayaana sadex diidmo laygu siiyay waxayna igu dhaheen luuqada ayaan kugu haysataa walal jimacaale ma laga yabaa in aan wadanka mustaqbal kuu yeesho oo daganasho isiyaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. fartuun says:

    walal ani wadanka sharci kuma lihi diidmo ayaan lay siiyay waana guursaday nin sharci leh walal waana is qoranay isaga wadanka waxa uu kuu joogaa 19 jir ilmana iskuma hayno ma laga yabaa aan rajoo yeesho aan helo walal jimcaal plz sii dedeg ah iga jawab

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0