Sharciyo cusub oo ay soo saartay Hay'ada Iskuulada ee Sweden (Skolverket) ayaa qabanaya ardada dooneysa in ay galaan dugsiyada sare. Ardada ka imaaneysa dugsi dhexe ayay qasab ku tahay in ay soo qaataan 12 ama 8 maado ayadoo la doonayo in ay maado kasta ka heystaan Godkänd G. Ardada dooneysa in ay sameeyaan waxbarashada xirfadeedka ee loo yaqaan (Yrkesutbildning) ayaa laga doonayaa in ay la yimaadaan 8 maado oo midkasta ay ka wataan G.
Hadaba kawaran ardeyda dooneysa in ay dugsiga sare bilaabaan kana taagnaa qaati SFI sidii ay ku dhamayn lahaayeen.
Markii hore waxa lagu gali jiray dugsiga sare maadooyinka loo yaqaano Kärnämnen oo loola jeedo Svenska/Svenska som andra språk, Engelska iyo Matematik balse iminka waa ay adkaatay waana in ay isku dayaan sidii ay ooga dabaalanlahaayeen arintaan adag. Shuruudahan waxay gaar ahan caqabad ku noqondoonaan ardeyda soo galootiga ah ee wadanka mar dhow yimid.
Sharcigaan ayaa dhaqan gali doona bisha Ogoosto ee sanadkaan marka uu bilowdo termiilka labaad ee sanadka. Sidoo kale waxaa  la badalay qaabkii loo bixin jiray Shahaadada oo loo badalay A,B.C.D,E iyo F halka meeshii hore ay ka aheyd G, VG,MVG hadaba hadaan u laabano qaabkan cusub oo loo bixin doono shahaadada A,B,C,D,E IYO F. A-E waxay ka dhigantahay in aad ku baasayso hada aad la timaado, F na waxa ay ka dhigantahay in aad ku dhacayso maadadii aad ka kensato. Halka maadooyinka laga badalay xarfihii ay wadin jireen tusaale ahaan Svenska A svenska B svenska C oo loo badalay Tiro Svenska 1,2,3 ama Matematik 1,2,3.
Waxaa soo diyaariyay Mohamud Momo
wixii faahfaahin ah ka dheeho Utbildningsinfo.se ama Skolverket.se

Isbedel ku yimid galitaanka dugsiyada sare

Sharciyo cusub oo ay soo saartay Hay’ada Iskuulada ee Sweden (Skolverket) ayaa qabanaya ardada dooneysa in ay galaan dugsiyada sare. Ardada ka imaaneysa dugsi dhexe ayay qasab ku tahay in ay soo qaataan 12 ama 8 maado ayadoo la doonayo in ay maado kasta ka heystaan Godkänd G.

Ardada dooneysa in ay sameeyaan waxbarashada xirfadeedka ee loo yaqaan (Yrkesutbildning) ayaa laga doonayaa in ay la yimaadaan 8 maado oo midkasta ay ka wataan G.

Hadaba kawaran ardeyda dooneysa in ay dugsiga sare bilaabaan kana taagnaa qaati SFI sidii ay ku dhamayn lahaayeen.
Markii hore waxa lagu gali jiray dugsiga sare maadooyinka loo yaqaano Kärnämnen oo loola jeedo Svenska/Svenska som andra språk, Engelska iyo Matematik balse iminka waa ay adkaatay waana in ay isku dayaan sidii ay ooga dabaalanlahaayeen arintaan adag. Shuruudahan waxay gaar ahan caqabad ku noqondoonaan ardeyda soo galootiga ah ee wadanka mar dhow yimid.
Sharcigaan ayaa dhaqan gali doona bisha Ogoosto ee sanadkaan marka uu bilowdo termiilka labaad ee sanadka. Sidoo kale waxaa  la badalay qaabkii loo bixin jiray Shahaadada oo loo badalay A,B.C.D,E iyo F halka meeshii hore ay ka aheyd G, VG,MVG hadaba hadaan u laabano qaabkan cusub oo loo bixin doono shahaadada A,B,C,D,E IYO F. A-E waxay ka dhigantahay in aad ku baasayso hada aad la timaado, F na waxa ay ka dhigantahay in aad ku dhacayso maadadii aad ka kensato. Halka maadooyinka laga badalay xarfihii ay wadin jireen tusaale ahaan Svenska A svenska B svenska C oo loo badalay Tiro Svenska 1,2,3 ama Matematik 1,2,3.
Waxaa soo diyaariyay Mohamud Momo
wixii faahfaahin ah ka dheeho Utbildningsinfo.se ama Skolverket.se
Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. Bishaar Ali says:

    Masha’Allah waa qoraal aan dhawr mar damcay in an Qoraha u qaato , balse walaalka ayaa ku fara yaraystay .

    Run ahaantii xeerkaa waan ka waryahaa inkastoo aan ahay inta fara ku tiriskaa ee si dirqiya uga fakaday , maxaa yeelay aniga wadankaan dhalinyarnimo ayaan ku soo galay dhawaan , waxaana 1 sano kedib ebyay SFI Svenska För Invandrare ,, kedib waxaan sii watay hardankaygii waxbarasho waxaana bilaabay qaybta Iv bass la yiraa oo dhalinyarada loogo tala galay , taana waxaan ka bilaabay Ingiriis , Xisaab iyo Iswidhiska , haddii aan si kale u qoro SVAS= Svenska Som Andra Språk , Engelska , Matte , anigoo Svas-ka iyo Matte dhameeyay ayaa xeerkaan cusub soo baxay , balse markii aan cabanay aana sheegnay in xeerkaan aanan xaq u lahayn in nagula qaado , waxaa la yiri waa laga soo baaraan degay oo adinka idin qaban maayo , ee waxaa aw qabanaa ardayda , sanadka 2011 bilaabee , Iv Bass amaba hadda Dugsiga sare gelee , balse waan sii duur xulnay waxaana noo soo baxday in dugsiga sare nala qaabilaa , haddii aan anahay kuwa wato shadaada Xisaabta , Swedidhka , Ingiriiska oo ah sanadkii hore !!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Yasin says:

    a.s.c dhaman qorayasha warbixintani muhimka u ah ardayada cusub sxba yal aniga waxan ku jira ardadayda cusub 2010 bilawday shado wan ka qatay Engeliska matte balse svaniska wali shahado kamma qadan hadi 8 mado ama 12 mado o xujo ah imado sweden wan is kaga tageyna wadama kale ayan wax barasho u radsaneyna shaqada sweden o adag iyo waxbarashada o lagu adkeyyey dadka so galotiga ah wa wax xujo ah loguna tala galay dadka ajnabiga ah hormarkoda in hos lo dhigo arday walba o cusub wa in u halgama sida wadankle u wax barasho ugu radsan laha ha ahato eshiya africa iyo wadama kale o her galbed ah intaba sharciyo lugu guri karo aya jiro
    tasina hadi wax laga badali wayo dhalin yaro badan o wax barasho iyo shaqaba heysan wey iskaga dareri donan sweden

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0