Isbedelo laga yaabo in lagu sameeyo SFI

12

Cilmi baaris cusub oo ay amartay dowlada Sweden ayaa lagu soo bandhigay talooyin dhowr ah oo ku wajahan isbedelo lagu sameeyo koorsada SFIga ee la siiyo dadka soo galootiga ah. Isbedeladaan ayaa waxaa ka mid ah in waqtiga koorsada lagu xadido 2 sano oo keliya.

Sidoo kale talooyinka ayaa waxaa ka mid ah in la boobsiiyo waqtiga ay ku dhameeyaan ardadu koorsada iyo in wax laga badalo buugaagta wax laga barto. Waxaa kale oo talo lagu bixiyay in ardada si shaqsi ahaan ah midkasta wax lagu baro.

Wasiirada Sinaanshaha Raga & Dumarka, ahna Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Nyamko Sabun ayaa sheegtay in ay qalad ahayd in loo arko SFIga wax marka uu qofku dhameeyo uu Swedish ku hadli karo ayadoo talada lagu daray in ardada aan ku dhameyn SFIga labada sano loo gudbiyo dugsiyada Komvux – ee waxbarashada dadka waaweyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here