Isbuuca Almedalen, maxaad ka taqaanaa?

Isbuucaan waxaa magaalada Visby ee gobolka Gotland ka socda bandhig siyaasadeedka caanka ah ee loo yaqaan Almedalen. bandhigyada ayaa la qabtaa inta u dhaxaysa Juli 1-8 ee sanadkasta. Hadaba waa maxay Almedalsveckan?

Almedalen ayaa ka soo bilaabatay sanadkii 1968 ka dib markii uu raysal wasaarihii sweden Olof Palme ee ka tirsanaa xisbiga Social Demokraterna uu halkaasi ka soo jeediyay qudbad lama ilaabaan ah. Isbuuca Almedalen ayaa hada ah mid ay wada xaadiraan guud ahaan siyaasiyiinta Sweden, kuwa baarlamaanka iyo kuwa degmooyinka. Waxaa la dhihi karaa waa xajka siyaasiyiinta Sweden.

Isbuuca ayaa maalinkasta waxaa leh hal xisbi oo soo bandhigaya siyaasadooda iyagoo qabta seminaaro looga hadlayo sida ay wax uga badalayaan arimaha siyaasada.

Siyaasiinta ka qeyb gala isbuuca Almedalen ayaa maalmaha uu socdo bandhigaas waxay sameeyaan xiriiro. Goobtaas ayaa ah goob muhiim u ah qofka doonaya ama ku jira arimaha siyaasada Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Barre says:

    Xajka miyaadan aqoon qiimaha uu ugu fadhiya ummada Islaamka

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. anwar says:

    Jimcaale nin yahow diinta miyaadan aqoon u laheyn maalin walbo adigoo lagu eedaayo waan arkaa weliba wax aadan ka fiirsan ayaad soo gudbisaa mararka qaar hadana shirweyne siyaasadeed miyaad ku tilmaameysaa rugni ka mid ah arkaanta islaamka oo weliba qolo gaalo shireysa shirkooda ku matashay, maxaa kaa qaldan waa adiga mar soo gelinaaya waxyaabo diinta quseeya mise aqoonta diinta ayaa kugu yar mise ula jeedo kale ayaa ku hoos duugan ogow culumada waxa aay ku tilmaameen qofka diinta qiima tira ama wax aan u qalmin ku tilmaamo qof xun zindiq ah ama caniid, fadlan isa soo sax

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. Noura says:

    Sorry wanka xumahay bowe in aad bandhig siyaasadeed xaj ku tilmanto waa mid waliba aad looga xuumado ee allah yisamxak

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0