Iska ilaasha daan-daansiga caado-qaatayaasha maqaarka madoow

9

Maalinta barito ah waxaa xaafada Rinkeby ee ka tirsan Stockholm halkaasoo ay ku badanyihiin Soomaalida lagu qaban doonaa bandhig ay soo jeedinayeen qolo cunsuriyiin ah oo diinta Islaamka neceb kuwaasoo ay hor-kacayaan caado-qaateyaal Soomaali ah oo diinta ka baxay. Dhacdadaan ayaa imaanaysaa dhowr maalmood ka hor dhalashada bisha Ramadaanka, iyadoo loo isticmaalayo in lagu cambareeyo Muslimiinta iyo Islaamka.

In cunsuriyiintu ay diinta Islaamka iyo Muslimiinta necebyihiin mid la yaab ah ma ahan balse arinta laga caroodo ayaa ah in ay hor socdaan Soomaali sheeganaysa in ay isaga bexeen diinta Islaamka isla markaana ay qaateen diinta Kiristaanka. Soomaalidaas ayaa waxaa beryahaan ugu afdheer haweeney lagu magacaabo Mona Walter oo markii hadalkeeda aad dhagaysato aad dareemayso in heerka aqoonta ay u leedahay diinta ay ka baxday iyo mida ay qaadatay in ay aad u hooseyso, oo ay ka buuxdo carro iyo xumaanta ay u qabto Islaamka iyo qaasatan dadka Soomaalida, iyadoo meelkasta oo ay tagto been abuur ka faafisa Soomaalida ku dhaqan Sweden.

Soomaalida nuucaan ah ayaa lagu tilmaamaa kuwo caado-qaateyaal ah oo aysan dhab ka ahayn diinta ay qaateen balse ay ka tahay sidii ay dhaqaale iyo magac uga heli lahaayeen dadka ay hor socdaan. Balse doqonimada iyo dulinimada dadkaan ayaa ah in aysan ogayn in iyaga xitaa ay necebyihiin cunsuriyiintu, oo aysan waligood aqbali doonin in ay ku heeryihiin xag diimeed iyo darajo midna.

Caado-qaateyaasha la midka ah Mona Walter ayaa waxay Rinkeby u imaanayaan in ay daandaasi ku sameeyaan Muslimiinta isku diyaarinaysa soo dhaweynta Ramadaanka, iyadoo ay muhiim tahay in aan laga jawaabin daan-daansigooda, oo waliba jawaabta ugu wanaagsan ay tahay in aan loo tagin , la dhagaysan, waxna lagu darsan. In laga doodo diimaha waa arin wanaagsan balse in lala doodo caado-qaatayaal maqaarkeena xiran sharafteena ayay hoos u dhigaysaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here