Isku-dayga afgambiga Turkey iyo labo wajiile-nimada Swedishka

Sida aad la socotaan xalay saqdii dhexe waxaa wadanka Turkey ka bilowday iskuday afgambi oo ay sameeyeen qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee wadankaasi. Inkastoo uu fashilmay afgambiga isla markaana xabsiga la dhigay inta badan ciidamadii isku dayay, ayaa waxaa warbaahinta bulshada sida Facebook iyo Twitter laga dheehan karay dad badan oo Swedish ah oo taageersan afgambiga.

Dadkaas ayaa ku doodaya in madaxweyne Erdogan uu noqday mid xagjir ah oo kaligi taliye ah, isla markaana qaabka keliya ee awooda looga qaadi karo ay tahay afgambi. Dadkaan ayaa u muuqda kuwo labo wajiile-nimo ku socda oo markii ay rabaan ku doodaya muhiimada ay leedahay dimoqraadiyada, iyagoo si joogto ah u cambaareeya wadamada Afrika ee afgambiga uu ka dhaco balse markii ay timaado Turkey iyo dowlada sida xorta ah loo doortay ay yihiin kuwo waji kale la imaanaya.

Qaasatan arintaan ayaa salka ku haysa in kurdiyiinta ku nool Sweden, ay si weyn ugu guuleysteen in ay fikrado qaldan ka faafiyaan madaxweynaha Turkiga iyo dowladiisa.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Ayaan muuse says:

    nin ilaahay la jira cidna uma baahna

    Fikrad lala dhacay Thumb up 26 Thumb down 2

  2. Wewe says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 35

    • somali says:

      Caku jaahil ilbax isku maleeyo.
      Erdogan haduu nin xun yahay shacabkiisu ma difaaceen oo tankiyada iskuma dhigeen.
      Beenta gaalada ayaa run u qaadatay mise adigaaba gaal ah?

      Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 3

  3. haanim says:

    Ilaah ha ka qabto kuwa dhibta ku wado turkey

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 0

  4. Mohamed says:

    Aslaamu Caleykum bahda somaliska.com iyo shacabka somaliyeed. Koleey allah ayaa mahad leh fashiliye dhagartii gaalada iyo gaalo raaca, mida kale qofkaan WeWe soo qortay adiga somali matihit maxaa kasoo dhaxdoontay kanax oo naarta gal Koleey waa aragtay sida allah geesiga islamka gushing usiiye marka taas ayaa cadeen ku filan ah in uu ahaa nin wanaagsan , adne inaa somali aheen waxaa cadeen kuugu filan erdogan intuu somali u qabtay iyo abaalka uu noogalay mawa jiro qof soomaali eh wax ka sheegan karto.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 17 Thumb down 0

  5. luul says:

    asc
    runtii markan maqlay xalay waa ka naxay markaan saakey soo kacay ayaan maqlay in uu fashilmay aad ayaan u farxay turkey kor alle ha ka dhigo inti necebna cagtiisa ka hoos alle ha geliyo kurdida beenta ka sheegay waa dad aad u xun oo wada jabhad ah sweden wey arki doontaa waxa ey kurdi tahay maalin maalmaha ka mid ah sidedaba dadkan gaalada ah wey is qarinayaan maahee naceyb islaam ayaa ka buuxo taas waxaa daliil u ah markuu dal yurub ka mida dhib ka dhaco wey baroordiiqayaan klin kama hadlaan wadamada muslimiinta hadii wax walba ka dhacaan cadawti nimadooda wey iska cadahay laakin islaamka alle ayaa la jiro islaamka mid alle ha ka dhigo midnimo ayaa meel lagu gaari karaa insha allaah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 0

  6. xamda says:

    xaqdaro aya fashilisay calls his ushaqestayasha wayna ku fashilmen waxmagaratada

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. Ina Cali says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  8. baashiyare says:

    Turkey maxaa idinka quseeyo war niina kahadla turkey anaga waxbo nagama galin angaaba musiibo nahaysataa maxad turkey uqabankartaan teedakale wixii alle rido ayaa dhacaayo cadaw waxbo umadhimikaro turkey dantiina raacda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  9. Abdikadar says:

    Walee dadka turkida ah iyo dawladooduba waxa ay cadawgooda iyo caalamkaba tuseen qadiyadooda xorta ah iyo awooda wadaniyada ku dhisan ee ay ku jabiyeen afganbigii sharwadayaashu ka dambeeyen ALAH ayaana ku guuleyay xaqa ay rabeen HA DHOCO CADOWGA TURKIDA IYO CADOWGA ILAHAY

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0