Isku dhexyaac! Nin dhididaya oo shaki dhaliyay iyo Booliska oo loo wacay

6

Isku dhexyaaca iyo jahwareerka haysta booliska iyo shacabka Sweden ayaa u muuqda in uu maalin-ba maalin ka sii darayo, iyadoo maanta lagu kala cararay shineemo ku taala fagaaraha Medborgarplatsen ee Stockholm ka dib markii dad goobjoogayaal ah ay booliska soo weceen, iyagoo argagixiso uga shakiyay nin aad u dhididaya.

Booliska ayaa markii ay goobta yimaadeen waxay arkeen in ninkaan uu hadda ka soo baxay jiimka oo sababtaas u dhididay. Dadka ninkaan soo dacweeyay ayaa xitaa sheegay in ninkaan uu gacanta ku haystay boorsada kaamirada, taasoo ay u qaateen in uu bombaano wato.

Ka dib weeraradii ka dhacay Paris, ayaa waxaa muuqata in Swedishku ay cabsi darteed isku dhexyaaceen, iyagoo booliska ugu wacaya qofkasta. Shalay ayay ahayd markii la sii daayay ninkii qaxootiga ahaa ee wadanka dhan lagu ceebaayay ka dib markii wax dambi ah lagu waayay.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here