Iskuul islaami ah oo la gubay

7

Axadii ayaa iskuulka lagu magacaabo Bergholmsskolan sidoo kalena loo yaqaan Alzahraa Idealiska Akadem ee ku yaal Stockholm dab la qabadsiiyay. Dabkaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kuwa neceb soo galootiga balse ilaa hada dad looma soo xirin.

Dabka ayaa iskuulka ka kacay 5 subaxnimo iyadoo ay qaadatay mudo saacad ku dhow in la damiyo. Qeyb ka mid ah dhismaha iskuulka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac weyn balse maamulka iskuulka ayaa sheegay in ay ka badbaadeen dhibaatada lala damacsanaa oo iskuulka intiisa badan uu badbaaday.

Iskuulka Alzahraa Idealiska Akadem ayaa ka mid ah iskuulada madaxa banaan ee Muslimiinta Sweden ay furteen. Iskuulka waxaa dhigta arday gaareysa 900 iyadoo la furay sanadkii 1997.

Ma ahan markii ugu horeysay ee bartilmaameed laga dhigto goobaha Muslimiinta. Sanadihii ugu dambeeyay ayaa goobaha Muslimiinta sida masaajida iyo iskuulada waxaa bartilmaameed ka dhigtay kuwa neceb ajaanibta iyadoo xitaa meelaha qaar lagu weeraray rasaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here