Qeybta Waxbarashada ee magaalada Stockholm ayaa dooneysa in ay irdaha isugu dhufato Iskuulka lagu magacaabo Bredbyskolan ee ku yaal xaafada Rinkeby ee Stockholm. Iskuulkaan oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaaliyeed oo macalimiin luuqada Soomaaliga ku hadla ay ku jiraan kuwa wax ka dhiga. Go'aanka lagu xirayo iskuulka ayaa la qaadan doonaa bisha May ee sanadkaan. Ardada dhigata iskuulka ayaa loo wareejin doonaa iskuulo kale ayadoo xaafada Rinkey uu ku harayo oo keliya hal iskuul. Ardada iskuulka ayaan ku qanacsaneyn arintaan ayagoo hada doonaya in ay badbaadiyaan iskuulka, ardada iyo waalidiinta ayaa sameeyay koox Facebook si ay u muujiyaan diidmadooda. Rinkeby ayaa ah xaafada ay ugu badanyihiin dadka soo galootiga ah ee ku nool Stockholm ayadoo lagu magacaabo Muqdishada yar. Dadka qaar ayaa sheegaya in dowlada ay barakicin ku wado xaafadaha soo galootiga oo adeegyada muhiimka ah si tartiib ah ay uga guurayaan.

Iskuul ku yaala Rinkeby oo la doonaya in la xiro

Qeybta Waxbarashada ee magaalada Stockholm ayaa dooneysa in ay irdaha isugu dhufato Iskuulka lagu magacaabo Bredbyskolan ee ku yaal xaafada Rinkeby ee Stockholm. Iskuulkaan oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaaliyeed oo macalimiin luuqada Soomaaliga ku hadla ay ku jiraan kuwa wax ka dhiga. Go’aanka lagu xirayo iskuulka ayaa la qaadan doonaa bisha May ee sanadkaan.

Ardada dhigata iskuulka ayaa loo wareejin doonaa iskuulo kale ayadoo xaafada Rinkey uu ku harayo oo keliya hal iskuul. Ardada iskuulka ayaan ku qanacsaneyn arintaan ayagoo hada doonaya in ay badbaadiyaan iskuulka, ardada iyo waalidiinta ayaa sameeyay koox Facebook si ay u muujiyaan diidmadooda.

Rinkeby ayaa ah xaafada ay ugu badanyihiin dadka soo galootiga ah ee ku nool Stockholm ayadoo lagu magacaabo Muqdishada yar. Dadka qaar ayaa sheegaya in dowlada ay barakicin ku wado xaafadaha soo galootiga oo adeegyada muhiimka ah si tartiib ah ay uga guurayaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. cade says:

    sas ayaa la rabaa somaliya dhamaantooda waa in leeska buriyaa maxaa yeelay wadankooda ayeey soo gubeeyn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. fikrad ku adan iskuulkla says:

    waxaan qabaa in aan iskuulkaan la xirin sababta ayaa waxa ay tahay ardayda wax loogu dhigaayo waa soomali mida kala waxa uu sii ad keenayaa iskuulkaan in aysan ardayda hilmaamin luuqadooda hooyo ee afsoomaliga waxaan rajeyn doonaa in uu jiro iskuulka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. fikrad ku adan iskuulkla moha wardi says:

    fikrad ku adan iskuulkla says:
    2011/02/03 at 7:48 pm
    waxaan qabaa in aan iskuulkaan la xirin sababta ayaa waxa ay tahay ardayda wax loogu dhigaayo waa soomali mida kala waxa uu sii ad keenayaa iskuulkaan in aysan ardayda hilmaamin luuqadooda hooyo ee afsoomaliga waxaan rajeyn doonaa in uu jiro iskuulka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Salaaxudiin says:

    Dabcan anigu waxaan qabaa in adeega xaafadaha qaxotigala yar yareeyo si xoogaa loo qafiifiyo meel ku koobnaashada maxaa yeelay , xaafadaay isugu tagaan waxaa ka dhalaaa dhibaatooyin badan sidaa awgeed in bulshada lagu dhex yaacsho ayaa wacan si guudse Muslimiin ahaan , soomaali ahaan hala isaga war qabo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. sharka says:

    waxaan idin leeyhaa away dadkii aad u dooratee balamaanka swedan aways raiswasre feinfeld oo aad dorateen naagta danteeda idnka hor marin jirtay dantiina aya jid cidla ugu tagteen marka skolka iska dhafee dukananada cuntada xitaa waa niilaga rarayee hadda ayahiin ogan weysaan wabilaahi towfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0