“Islaamka ha laga mamnuuco Sweden”

11

Mid mid ah siyaasiyiinta xisbiga cunsuriga ah ee SD oo lagu magacaabo Pär Norling  oo u fadhiya magaalada Bollnäs ayaa ku baaqay in Sweden ay mamnuucdo diinta Islaamka, isla markaana wadanka laga musaafuriyo cidii ku dhaqanka Islaamka.

Hadalka cunsurigaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay shalay cunsuryiinta madaxa adag ee lagu magacaabo (Svenska Motståndsrörelsen) mudaharaad ka dhigeen magaalada Bollnäs. Mudaharaadkooda ayay sheegeen in looga soo horjeeedo kufsi gabadh Swedish ah loogu geystay magaaladaasi. Laakiin  dadka magaalada ayaa isugu soo baxay ka dib mudaharaadkii cunsuriyiinta si ay u muujiyaan in ay ka soo horjeedaan fikirkooda. Aniga laftayda oo ka qeyb galay mudaharaadka ayaan aad ula dhacay sida ay u yaraayeen tirada cunsuriyiinta iyo sidii ay u badnaayeen dadkii ka soo horjeeday oo meel lakala istaago la waayay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee cunsuriyiintu ay muujiyaan naceybka ay u qabaan Islaamka iyo guud ahaan soo galootiga. Isla isbuucaan ayay ahayd markii siyaasi kale oo ka tirsan SD uu ku baaqay in Soomaalida lagu dhagaxyeeyo meelkasta oo ay Sweden ka joogaan. Hadalkiisa ayaa ka dambeeyay ka dib markii Soomaalida ku nool tuulada yar ee lagu magacaabo Forserum lagu dhibaateeyay mudo badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here