Islaamka & Sweden: Kaniisad aadaanka diiday iyo arday ka carootay hilibka xalaasha

Magaalada Jönköping ayaa isbuucii la soo dhaafay waxaa ka taagnayd dood kulul ka dib markii kaniisada lagu magacaabo Sofiakyrkan ay Muslimiinta ka caraysiisay.

Arinta ayaa ka dambaysay bandhig nabadeed ay sanadkiiba mar qabato kaniisadaas oo caalamka oo dhan lagu qabto. Bandhiga ayaa waxaa loogu yeeraa dhamaan diimaha kala duwan iyagoo cidkasta ay salaad ku tukato kaniisada. Sanadkaan ayaa waxaa dhacday in kaniisadu ay sheegtay in ay Muslimiinta u waceen balse aysan ogolaan doonin aadaanka salaada. Arintaas ayaa ka caraysiiyay Jaaliyada Muslimiinta oo isaga baxday guud ahaan hawsha kaniisada.

Ka dib dood kulul iyo kulan xasaasi ah ayaa kaniisadu go’aansatay in ay ka laabato go’aankeedii iyagoo ogolaaday in Muslimiintu ay kaniisada ka dhex adimaan ama cajalad xitaa la daaro.

Dhinaca kale, magaalada Karlskrona ayaa arday dhigata iskuul lagu magacaabo Praktiska Gymnasium waxay mudaharaad ka dhigeen hilibka xalaasha ah. Arinta ayaa ka dambaysay ka dib markii iskuulku uu heshiis la galay shirkad uu leeyahay nin u dhashay wadanka Lubnaan oo cuntadii iskuulka inta badan ka dhigay cunto xalaal ah, inkastoo mararka qaar lagu soo daro hilibka doofaarka.

Qaar ka mid ah ardada iskuulka ayaa ka biyo diiday isbedalka lagu sameeyay cuntada, iyagoo soo ururiyay magacyada ardada arintaan diidan. Maamulka iskuulka ayaa markii wax laga waydiiyay arinta waxay sheegeen in ay yartahay tirada ardada cuntada diidan, isla markaana ay iskuulka u badanyihiin ardada soo galootiga ah.

Ujeedada ay ardada qaar u diidanyihiin cuntada xalaasha ah ayaa lagu sheegay in ay tahay in aysan jeclayn qaabka Muslimiintu ay xoolaha u qalaan iyo qaar kale oo u diidan sabab diimeed. Si kastaba ha ahaatee, ardada inta badan ayaa la sheegay in ay la dhacsanyihiin cuntada iskuulka. Maamulka iskuulka ayaa sheegay in ay cuntada la badali doono haddii ay dacwo badan ka timaado dhinaca ardada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. Dooyaale says:

    Yaab Badan,, Waa ADUUNYO AAKHIR ZABAAN !!

    Maxaa ku kalifay Muslimiinta ineey ka qeyb galaan Walaaleynta Diimada ! Ama in kaniisad lagu tukado iyadoon jirin wax dhibaato ah oo ku kaliftay !!

    Waa Xaaraam weliba danbi weyn waxa dadka qaar ugu yeeraan Walaaleynta DIIMAHA ,, Culumada Islaamkuna way ka digeen !!

    Miyuusan Diintiisa Islaamka kalsooni ku qabin qofka walaaleynaa diimaha , Yahuuda Hinduuska , Kirishtaanka iwm __ ? Xaqq iyo Baadil goormeey walaalo noqdeen ??

    Nabigeeyn ku dhaheen qureesh sanad asnaamteena nala caabud sanad ayaan adna kula caabudeynaa ,, waxaana soo degtay suuratu Kaarifoon*
    (Qul yaa ayuhal Kaafiroon)
    قُلْ يَا أَيُّهَا الْكَافِرُونَ (1) لَا أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ (2) وَلَا أَنْتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ (3) وَلَا أَنَا عَابِدٌ مَا عَبَدْتُمْ (4) وَلَا أَنْتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ (5) لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ (6)

    Fikrad lala dhacay Thumb up 20 Thumb down 2

  2. ahmed najid says:

    dooyaal jaxaakkallahu khayral jazaa walall

    waaa run baadil iyo xaqq walallo ma ahan qofka islaamka ah waa inuu diintiisa ku dhaganaada masajidka wa inoo kalsooni ku qabaa kaniisad kuu galoo iyagaaad ka mid tahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  3. NASRA says:

    asc inay kulanaka diimaha ka qaybgalaan islaamku waa wax fiican maxa yelay waba diinta kaliya ee saxdaa waa in loo soo bandhigaa dadkan galadaa diinta iyo sida ay ugu dhaqmaan muslinku mida kale kaniisada waa laga eedaami karaa wana lagu dukan karaa maha wax jira gaal iyo diinta aan ahayn tan xaqaa ee ah islaamka mida kale walaalayaal maha inaad wax aadan cilmi ulahayn ka hadashaa maha qofka kaniisad galaa inuu gal yahay diinta sas uma fududa in looga baxaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  4. fadoumina dadir says:

    biismi allah allahu akbar !!!!!!!!!!!!!! ninki nolow maxa aragti ku yaala mantana ma kanisad baa laga aadimaa yaab yaabkis

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Abdinuur says:

    Asc Dhamaan Akhiyaarta sharafta leh horta diintaan alle ayaa keenay waana diinta kaliya ee xaqa ah marka aniga waxaan qabaa ma xuma in gaalada loogu yeero diinta alle xaqana la tuso hadii aad dhahdo waan ka cararaa meelaha ay isku yimaadaan oo ay ku caabudaan waxaan jirin see u fideen dacwada alle kuu xilsaaray aniga waxan qabaa hadii laga adimo waa guri laakiin iyagu ay ka dhigten meel ay wax ku caabudaan waxaana islee yahay hadii xaq meelkasta lagu shido dad badan ayaa alle ku soo hadaynayaa marka midii ahayd xaligii rasuulkeena scw waa sax oo ila caabud ma wacan taas iyo tana farqi weyn ayaa u dhexeya walalyaal hadii aad xasuusataan hada ka hor saud afrika waxa ka dhacay wadaad muslim ah ayaa alle sabab uga dhigay maaliyiin dad oo gaalo ahayd markii ay dood ku dhex martay dadka amisan diinta kiristanka iyo yuhuuda iyo diinteena xaqa ah oo markii la weydiiyay gaaladii kiristanka ahayd la yiri sheega diinta kowaad waxay dheheen waa anaga yaa ku xiga islaamka yuhudiina markii wayaydiyay waxa yiraahdeen wa anaga mida kowaad labaadna waa muslimka marka maxaa meshas ka soo baxay in markasta diinta xaqa ah ay tahay diinta islaamka wadaadkii muslimka ahaa ayaa la weydiiyay muxuu ugu jawaab kow waa diinta islaamka laba waa islaamka seddex waa islaamka markas ayay dadkii arkeen in ay kuwa kale yihiin wax been abuurah marka sas wax u fahma walalayaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. fatimaa says:

    abdinuuroow meesha diin laguma fidineen boowe

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. sheekh maxamuud jönköping says:

    asc wr wbr waxaan aad iyo aad u salaamayaa qoraha webka oo aan marna kukulanay nörrköping isaga oo la socda qoloda diinta faafisa halkaas oo aan markaa ka jeediyay muxaadaro cinwaankeedu ahaa ku cibra qaadashada qisaska quraanka kariimka ah hadaba waxaa is waydiinleh jimcaale miyay banaantahay in kaniisad la galo ama la tagaa se maxay diinteenu ka qabtaa jawaabtu waa maya waxaana daliil u ah
    65. أصل الدين الإسلامي وقاعدته أمران فما هما؟
    الجواب: الأول : الأمر بعبادة الله وحده لا شريك له ، والتحريض على ذلك ، والموالاة فيه ، وتكفير من تركه .الثاني : الإنذار عن الشرك في عبادة الله ، والتغليظ في ذلك والمعاداة فيه ، وتكفير من فعله . diinta islaamka asalkeedu waa laba qaacida 1-in illaah kalidii lacaabudo cibaadaddaana la isku booriyo ama la isku tirtirsiiyo cidii allaah caabudaysa ee islaam ahna la xidhiidhiyo iyo in lagaaleeyo cidii illaah ka gaalawday lana gooyo 2-inla iskaga digo kufriga iyo gaalnimada sida quraankuba uga digay hadaba kaniisada maxaa yaala ma xaqbaa mise waa baadil taa dadwaynaha ayaan uga tagayaa waxaan leeyahay ma banaana in kaniisad lagalo in loo dhawaadaana ma banaana maxaa yeelay waa meesha kufriga u asalka ah ee laga faafiyo takale markii muslimiinta waddanadooda la gumaysanayay ama la qaybsanayay 1884 waxaa ol olihii ugu horeeyay ka billaabmay kaniisadaha yurub waxaana ugu horaysay kaniisad norwey ku taalay waqtigaa markaa waxaan kulla talinayaa umada iyo dadka aqoonta lihi inay allaah ka baqaan diintoodana u tudhaan iyo ubadkooda iyo aakhiradooda
    67. هل يجوز تسمية الكنائس بيوت الله؟
    الجواب: لا يجوز تسمية الكنائس بيوت الله لأنها بيوت يكفر فيها بالله، والبيوت بمنزلة أهلها وأهلها كفار، فهي بيوت عبادة الكفار.

    68. هل يجوز لمسلم الاستجابة لدعوة بناء مسجد وكنيسة ومعبد في مجمع واحد؟
    الجواب: لا يجوز لمسلم الاستجابة لدعوة بناء مسجد وكنيسة ومعبد في مجمع واحد،لما في ذلك من الاعتراف بدين يعبد به الله غير دين الإسلام، وإنكار ظهوره على الدين كله، وأن الإسلام غير ناسخ لما قبله من الأديان.. هل يجوز تسمية الكنائس بيوت الله؟
    الجواب: لا يجوز تسمية الكنائس بيوت الله لأنها بيوت يكفر فيها بالله، والبيوت بمنزلة أهلها وأهلها كفار، فهي بيوت عبادة الكفار

    68. هل يجوز لمسلم الاستجابة لدعوة بناء مسجد وكنيسة ومعبد في مجمع واحد؟
    الجواب: لا يجوز لمسلم الاستجابة لدعوة بناء مسجد وكنيسة ومعبد في مجمع واحد،لما في ذلك من الاعتراف بدين يعبد به الله غير دين الإسلام، وإنكار ظهوره على الدين كله، وأن الإسلام غير ناسخ لما قبله من الأديان

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. Mukhtar haaji says:

    waxa an ad ula yabay in an maqlo in kanisad lga adimayo wana wax lala yabo ugdanbeyna waxan leyahay somaliyey nabad baa wanagsan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Mukhtar haaji says:

    Dhaman shaqalaha wapkan wan idin salamay salan kadibna waxn jeclahay in an somalida wey diiyo hal su’aal war somaliye hadii aad wadanka ka wada dhoftan ma ethopia burndhi uganda iyo dalal kale ayad u hibeysen dalkiini hooyo. Yaabaye mey la yaabten!?

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0