Isticmaalka Facebook oo la sheegay in uu dhibaato caafimaad keeno, sidee uga foojignaan kartaa?

2

Baaritaan dhawaan lagu sameeyay 3000 qof oo aad u isticmaalka Facebook iyo aaladaha kale ee lagu wada-xiriiro ayaa muujiyay in dadkaasi ay la soo daristo hurdo xumo taasoo sababta dhibaatooyin caafimaad. Baaritaanka ayaa lagu sheegay in ay sabab u tahay isticmaalka moobeelka ama kombutarka ee marka aad hurdada isku diyaarinayso.

Qaar badan oo ka mid ah dadka baaritaanka ka qeyb qaatay oo u badan dad dhalinyaro ah ayaa sheegay in ka hor inta aysan seexan ay moobeelka isticmaalaan, taasoo quburada caafimaadku ay sheegeen in ay keento hurdada oo qofka ka xumaata. Sababta ayaa ah in markii iftiinka moobeelka uu indhaha qabto uu jirka qofku dareemayo in ay maalin tahay oo sidaa darteed uusan hurdada u diyaar-noqonayn.

Hurdada oo qofka ka xumaata ayaa iyadu keenayso dhibaatooyin joogto ah sida in qofkaasi uu hawlgab noqdo oo uusan si wanaagsan u shaqayn ama uusan wax u baran haddii uu arday yahay. Taasi waxaa sii dheer in saameyn weyn oo caafimaad ay arintaan ku yeelan karto shaqsiga, sida in uu noqdo mid walwalsan ama madaxa laga galo. Isla markaana uu qaadi karo cudurada sida wadno-xanuun iyo sonkorowga.

Sida looga badbaadi karo arimahaan ayaa ah in aadan isticmaalin telefoonka xiliga jiifka isla markaana haddii aad caruur leedahay aad ka mamnuucdo in aysan isticmaalin moobeelka ama kombutarka xiligaasi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here