Iswiidhan oo dhaliilsan hindisaha heshiis u dhaxeeya Yurub iyo Liibiya si loo xakameeyo qaxootiga doomaha kaga yimaada dalkeeda

0

Wasiiradda arrimaha dibadda Iswiidhan Margot Elisabeth Wallström, ayaa aad u dhaliisay hindisha deg dega ah ee uu soo jeediyey ra’iisal wasaaraha dalka jasiirada Malta ee Joseph Muscat, kaas oo ku sheegay in bilaha hore ee sanadkan la filayo in qaxooti tirro badan dhinaca badda ka soo galaan dalka Liibiya islamarkaasina ay haboon tahay in heshiis deg deg ah lala galo.

Wasiiradda ayaa sheegtay iyadoo u wareemeysay idaacada wararka Iswiidhan u faafisa wararka ee Ekot in heshiis noocaas ah aanu iminka hirgaleyn karin marka loo eego heshiish-kii bahwadaagtu la galay wadanka Turkiga.

” Waa in ogaalkeed loo lahaada dhibaatooyinka taagan, tanina waa mid ku saleeysan cida aan heshiish-ka la galeeyno, iyo deganaan la’aanta siyaasadeed ee halkaasi ka jirta aysana muuqan dhinac ilaalin kara heshiish-ka uu galay, waxaa haboon in marka hore la helaa deganaan ka hor intaan heshiis ceynkaas ah la gelin” ayey tiri Margot Wallström, oo carabka ku adkeeyneysay in xilligan aan aheyn mid sahlan heshiis lala gala Liibiya oo ah dal ay weli xiisado siyaasadeed iyo kooxo iska soo horjeedo ku hardamayaan tan iyo markii meesha madaxweynihii kacdoonka lugu af gambiyey ee Mucamaral Qadaafi.

Sanadkii ina dhaafay ayaa wararku sheegayaan in dalka Liibiya ay soo gaareen qaxooti gaaraya 180 000 kuwaas oo doomo kaga soo galay dalkaasi Liibiya. Talyaaniga ayaa toddobaadkan noqday wadankii ugu horeeyey ee ka tirsan Midowga Yurub ee markale ka fur safaarad magaaladda Teriboli ee caasimadda Liibiya, halkaas oo heshiisna  lugu xakameeynayo qaxootiga la gaartay maamulka taagta daran ee ay Qarammadda Midoobey taageerto.

Talyaaniga ayaa la filayaa inuu gacan ka geeysan doono ilaalinta iyo baaritaanka koonfurta Liibiya ee xadka la wadaaga wadamada Neeyjar , Jaad iyo Maali. Wadanka Maalta oo sanadkan heeysa hogaanka Midowga Yurub ayaa iyagoo ka faa’iideeysana talaabada Talyaanigu qaaday, ayaa waxaa uu soo jeedisay in la dar dar geliyo heshiis ceynkaas ah si looga hortago qaxooti farro badan oo la saadaaliyey ineey bilaha soo socda ku fool leeyihiin qaarada Yurub.

Dhinaca kalena ra’iisal wasaaraha Maalta Joseph Muscat, ayaa waxaa uu doonaya in la sameeyo ciidamo meleteri oo ilaaliya xeebahada baddda dhexe iyo howlgal loogu magac daray Operation Sophia (Howlgalka Soofiya). Ciidamaddan oo midowga Yurub ay leeyihiin ayuu sheegay ineey gaaf wareegi doonaan xeebaha Liibiya si ay uga hortagaan doomaha halkaasi ka soo daabula qaxootiga. Wuxuu sidoo kale sheegay in heshiis-kii lala galay Turkiga ay natiijo wax ku ool ah keeneen. Taas oo marka la eeggo aan suuragal noqon karin maxaa yeelay midowga Yurub wuxuu talabadan ku bixiyaa lacago aad u fara badan.

Haddii midowga Yuurb haatan doonayo in la xakameeyo qaxootiga ka imanaya qaaradda Afrika waa in dalalka waqooyiga Afrika ku yaala la siiyo lacago la mid ah ama ka badan tii Turkiga la siiyo. Ugu dambeyntiina wasiirada arrimaha dibadda Iswiidhan, waxaa ay sheegtay inaan la is bar bar dhigi karin Liibya iyo Talyaaniga oo ay farta ku fiiqday in Turkigu ka amaan iyo awood badan Liibiya oo ah dal ay xilligan weli hor boodayaan kooxo siyaasadda isku diidan iyo ammaanka oo aan cago badan ku taagneyn.

 

Somaliska- Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here