Iswiidhan oo kaalinta koowaad ka gashay daryeelka caafimaadka

0
Akademiska sjukhuset Uppsala fasad entré ' Fribild

Dalkan Iswiidhan waa dal horumar baaxad leh ku tilaabsaday marka dhinacyo badan laga eeggo. Hadaba warbixin  dhawaan soo baxday oo caalami ah ayaa lugusheegay in daryeelka caafimaad ee dalkani ahay kugu wanagasan caalamka.

Idaacadda caalamiga ah ee raadiyo Iswiidhan ayaa sheegay in warbixin ay soo saartay jaamacadda Washington ee dalka Mareykanka lagu sheegey in bad baadinta dadka noloshooda caafimaad khatarta ku jirto iyo daaweynta cudura badan ay kaga horeeyso dalalka caalamka oo dhan.

Roger Molin oo ka tirsan hey’adda dalkaan u qaabilsan maamulka degmooyinka iyo daryeelka caafimaadka ayaa u sheegay idaacadda in warbixintu tahay mid ahmiyad leh iyadoo hey’adda warbixintan diyaarisay ay aad ugu kuurgashey sida adeega daryeel caafimaadkayagu u shaqeeyo.

“Nidaamka daryeel ee caafimaadka dalkani waa mid aad ugu fi-rfircoon la jaanqaadista cilmiyadda ugu danbeeyey ee caafimadka la xiriira, tusaale ahaan adduunka oo dhan waxaanu nahay dalka kaliya oo qofks mar wadnaha looga soo boodo uusan mar labaad arrinkaasi qabsan ee aan ka badbaadino” ayuu yiri Roger oo u waramayey idaacadda wararka Iswiidhan ee Ekot.

Baaritaankan ay jaamacadda Washington ee dalka Mareeykanka sameeyey ee caalamiga ah ayaa waxeey fiiro gaar a iyo kuuragalid la xirriirta dhanka daryeelka caafimaad ku sameeysay  195 dal oo caalamka ku yaala waxaana si taxadar leh loogu dhabagaley daryeelka caafimaad ee dalalkaasi leeyihiin sida ay dhimashada ugu badbaadiyaan dadka bukaan-socodka ah, sida dadka wadnaha looga soo boodo u badbaadiyaan, sidoo kale daryeelka  dadka qaba cudurada kala duwan ee uu ka mid yahay cudurka halista ah kansarka, sonkorta, cudurada kalyaha iyo ka hortagga dhimashada ilmaha dhalaanka iyo hooyadda.

Ugu dambeyntiina warbixintu waxaa ay  sheegtay in dalalka dunidda ku yaala iyo qaaradda Afrika, Afgaanistaan iyo Haayti (Haiti) ay yihiin kuwa kaalimaha ugu dambeeya ka galay qiimeeynta iyo baaritaankaan la xirriira daryeelka caafimaadka caalamka.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here