Iswiiserlaan oo u codeeysay in muhaajinta dalkeeda qaadan karaan dhalashadda iyo soomaalida oo farxad gelisay

0

Codbixin loo qaaday muhaajirinta ku nool dalkaasi Iswiiserlaan ayaa la ogolaaday in muhaajiriinta dalkaasi jooga la siin karro dhalashada marka ay buuxiyaan sharuudihii laga doonayey.

Natiijadii codbixinta ee maalintii axadda la qaaday ayaa 60% (lixdan boqolkiiba) waxaa ay dadweynuhu u codeeyeen in la siiyo dhalashada dadka muhaajinta ah.
Dhinaca kale xisbiga lugu magacaabo SVP oo ah xisbi kuraas badan ku leh baarlamaanka dalkaasi ayaa wuxuu ahaa xisbi ka soo horjeeday in soo galootiga iyo guud ahaan ajaanibta siiba muslimiinta dalkaasi la siiyo dhalashada Iswiis-ka sababo la xirriiro cabsi ay ka qabaan muslimiinta iyo ineey la wareegaan dalkaasi saameyna ku yeeshaan.

Soomaalida oo ka mid ah qowmiyadaha dalkaasi yimid ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa haatan waxaa ay rajo iyo farxadba gelisay natiijada codbixintii la qaaday toddobaadkan hortaantiisi. Soomaalidan ayaa haatan runsan ineey helayaan  aqoonsi ay ku safri karaan kuna tegi karaan meel kasta oo ka mid  si la mid ah soomaalida kale ee Yurub ku nool oo iyaga noqday muwaadiniin heeysta baasaboorada dalalka ay u qaxeen ee Yurub ku yaala.

 

Somaliska.com
Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here