Jaaliyada Fagersta oo hogaan cusub dooratay

Jaaliyada Soomaalida ee magaalada Fagersta ayaa maanta hogaan cusub dooratay kadib markii la qabtay doorasho si heer sare ah loo soo agaasimay.

Hogaankii hore ee jaaliyada ayaa si sharaf leh xilka u wareejiyay ka dib markii ay hawsha soo wadeen mudo 1 sano ah iyadoo kulan ay isugu yimaadeen Soomaalida inteeda badan looga hadlay muhiimada ay leedahay midnimada bulshada yar ee ku nool Fagersta iyo in ay sii wadaan wadajirka ay ku mideysan yihiin jaaliyada.

Soomaalida Fagersta ayaa waxay ka mid yihiin kuwa fara kutiriska ah ee ku mideysan 1 jaaliyad oo aysan ka garab dhisneyn kuwa kale. Soomaalida magaalada iyo maamulka kamuunka ayaa isla gartay muhiimada ay leedahay in Soomaalidu ay mideysnaadeen oo ay ceebtooda asturtaan.

Hogaanka cusub ayaa loo doortay labo gabdhood in ay hogaamiyaan sanadkaan jaaliyada Somaliska Förening i Fagersta. Hogaankii hore ayaa lagu amaanay in ay ka shaqeeyeen midnimada bulshada iyo xiriir wanaagsan oo ay la sameeyeen maamulka degmada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Jimcale-Assad says:

    Niman yaho jaliyada maxey qabataa waa iga su al ?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Mohamed says:

    Jimcale waad mahadsantahey. Waa arin soo dhaweyn mudan. Aad baan idiin soo dhaweyneynaa walaalaheena qaaliga ahoow. Ilaahey hawaafajiyo towfiiqdaas oo kale dhamaan Jaaliyadaha Somaliyeed ee wadanka Sweden.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Deqa says:

    Assalaamu caleykum! Waxan idiin leeyahay (HANBALYO) waa wax qurux badan umadu iney ka tashato bad baadinta diintooda iyo dadnimadooda jammaacana waa wax qeyr badan, aduunka mucaarad lama waayo ee dulqaadka laazima, jaaliyadiina hadii ay tahay mid ka madax banaan Qabiil ama dano gaar ah waxaa guuleystay ajar fara badanne ku gaari doona hool wadeenyada waayo waa cajiib umada oo leesku wado keeda fiican iyo keeda xun Allaah dartiis. Jzkumullaahu kheyran.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ahmed says:

    waa arin fiican oo lagu farxo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abdullahi says:

    a.s.m. jaaliyad loo doortay haween an fac miyaa ka soo baxayo haday saas tahay Asaxaabtii Rasuulka S.C.W ayaa dumarka dooran lahaa marka adinka rayigiinu intee ku maqnaa waa iga su aal ileen haween wax xasuusa mahayaan sida diinta ku cad?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1