Jaaliyada Soomaalida Skillingaryd oo lagu weeraray fariin nabiga (nnkh) lagu aflagaadeeyay

3

Jaaliyada Soomaalida ee ka dhisan tuulada Skillingaryd ee ka tirsan degmada Vaggeryd ee gobolka Jönköping ayaa weerar aflagaado ah lagu qaaday isbuucii tagay. Darbiyada dhismaha ay degantahay jaaliyada ayaa lagu qoray hadalo foolxun oo lagu aflagaadeynayo nabiga (nnkh).

Gudoomiyaha jaaliyada oo lagu magacaabo Abdullah Ahmed ayaa sheegay in uu aad uga argagaxay qoraalka, isagoo durbadiiba sawiro ka qaaday. Soomaalida ayaa dhismaha jaaliyada u isticmaala masaajid ahaan.

Booliska ayaa sheegay in aysan wali soo gaarin wax dacwad ah oo ku saabsan arintaan balse haddii ay jaaliyada Soomaalida sidaa sameeyaan ay cadahay in arintaan ay tahay dambi ku dhisan naceyb qowmiyadeed (Hets mot folkgrupp).

Ma ahan markii ugu horeysay ee jaaliydaan la weeraro, iyadoo ay ahayd bishii hore markii dhagaxaan lagu garaacay daaqadaha dhismaha jaaliyada. Weerarada ka dhanka ah jaaliyadaha Soomaalida iyo kuwa Muslimiinta ayaa ku soo badanaya Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here