Jaaliyado been ugu qaraabanaya magaca Soomaalida

7

Beryahaan waxaa soo batay ururada ku qaraabanaya barnaamijka loogu yeeray argagixiso la dirirka, iyadoo qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee ka dhisan Sweden ay bilaabeen mashruucyo  been abuur ah oo dowlada la doonayo in lacag looga cuno, kuwaasoo ku salaysan in dhalinyarada laga celinayo in ay ku biiraan ururada lagu tilmaamo argagixisada ee ka dhisan Syria iyo Iraq.

Fadeexadaan ayaa ka bilaabatay bishii hore magaalada Umeå ka dib markii ay saxaafada Sweden soo qoreen sadex dhalinyaro ah oo garoonka diyaaradaha laga celiyay iyaga oo doonaya in ay u safraan dalka turkiga si ay ugu biiraan ururka ISIS. Urur magaciisa lagu sheegay SATA oo uu gudoomiye u yahay nin lagu magacaabo Mohamed Artan ayaa sheegtay in uu dhalinyarada ka joojiyay in ay u safraan Syria, iyadoo baaritaan ka dib la ogaaday in hadalkaas uu been abuur ahaa oo uusan waxba ka jirin, iyadoo la sheegay in ururkaas uusan ka dhisnayn magaalada Umeå. Markii baaritaanka soo kululaaday ayuu Artan ka dhuuntay saxaafada isaga oo diiday in uu telefoonka ka jawaabo.

Shalay ayaa telefishinka SVT waxa uu sidoo kale soo bandhigay labo wiil oo Soomaali ah kuwaasoo sheegay in lagu qalqaaliyay in ay u safraan Syria balse markii dambe uu badbaadiyay urur lagu magacaabo KAAH oo ka dhisan Stockholm. Wararka laysla dhexmarayo ayaa sheegaya in warkaas xitaa uu yahay mid la soo dhoodhoobay oo lagu doonayo in xoogaa kaalmo ah looga helo dowlada.

In xumaanta Soomaalida lagu doonto mashaariicda dowlada ayaan ahayn mid cusub iyadoo horay ay dad badan hawl ka dhigteen in ay alifaan oo ka badbadiyaan dhibaatooyinka soomaalida si ay ugu helaan dhaqaale, taasoo u muuqata in ay hada noqotay arimaha dhalinyarada u safraysa ku biiritaanka dagaalada. Magac xumada Soomaalida Sweden ayaa waxaa qeyb weyn ka ah ururada isku sheegaya jaaliyadaha Soomaalida ee hadalada been abuurka ah la dhex wareegaya umadaha kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here