Jaamacada Lund oo diiday in ay la shaqayso jaamacadaha Somalia

9

Jaamacada Lund oo ka mid ah jaamacadaha ugu caansan Sweden ayaa dhawaan waxay bilowday wadashaqayn ay la samaynayso jaamacado badan oo ku yaala Afrika balse markii loo soo bandhigay in ay wadashaqayn la gasho jaamacada Golis ee ku taala Hargeisa ayay diideen, iyagoo aan muujin wax xiiso ah.

Mubarak Abdirahman oo xiriirka la sameeyay jaamacada Lund, isla markaana ka mid ah dadkii horey wax uga bartay jaamacada Lund ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in albaabada laga xirto jaamacadaha Somalia, iyadoo aan xitaa la siin fursad ay ku soo bandhigaan waxqabadka jaamacada Golis.

Pär Svensson oo ah qabiir ka tirsan jaamacada Lund oo ka jawaabay eedeynta Mubarak ayaa sheegay in Somalia aysan ku jirin wadamada ay muhiimada siinayaan, isla markaana aysan doonayn in ay wadashaqayn cusub la furaan. Waxaa uu intaas ku daray in aysan jaamacadaha Somalia haysan fursad dhaqaale isla markaana ay liidato xaalada amaanka.

Mubarak ayaa dhinaca kale, ku guuleystay in uu abuuro wadashaqayn ka dhaxaysa jaamacada Golis iyo jaamacada Malmö Högskolan, kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay si fiican ula kulmaan, isla markaana ay wada abuureen wadashaqayn xaga maktabada ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here