Jabuutiyaanka Soomaalida isku dhiiba miyay soo bateen?

Iyadoo aysan marnaba qarsoonayn in magangalyo doonka ka yimaada Jabuuti ay isku dhiibaan Soomaali ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa hada warar ay qorayaan saxaafada qaarkood ay sheegayaan in ay hada ooda soo goosteen tirada Jabuutiyaanka Soomaalida isku dhiiba.

Warbixin uu qoray bogg lagu magacaabo Mareega ayaa lagu soo bandhigay in tirada Jabuutiyaanka ay hada cirka isku shareertay oo ay bilaabeen Swedishku in ay fahmaan in wax qaldanyihiin. Warbixinta bogga lagu qoray ayaa waxaa ka mid ah in shaqaalaha ka shaqeeya arimaha isdhexgalka iyo iskuulada ay la yaabanyihiin Soomaali cusub oo Faransiis ku halaysa in ay wadanka soo galeen. Shaqaalaha ayay ku noqotay la yaab maadaama aysan horey u arki jirin tiro badan oo Soomaali ah oo Faransiis ku halaya.

Sidoo kale tirada jabuutiyaanka oo soo batay ayaa la sheegay in ay dhalisay qilaafaadka dhinaca dhaqanka ah. Warbixinta bogga lagu qoray ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah Jabuutiyaanka Soomaalida isku dhiibay iyo Soomaalida kale ay is qilaafeen, sida markii la wada dajiyay in ay isfahmi waayeen ama dhalinyarada Jabuutiyaanka ay qamri soo dhigteen iwm. Arintaas ayaa dhalisay in wiil Soomaali ah midi lagu dhaawacay ka dib markii ay isqilaafeen nin Jabuutiyaan oo ay guriga wadaagayeen.

Inkastoo tiradaas ay u muuqato mid aan sax ahayn ayaa hadana boggu lagu soo qoray in sanadkaan ay Sweden iska dhiibeen 7000 jabuutiyaan ah. Sababta aan qaladka ugu arko tiradaas ayaa ah in aysan guud ahaan sanadkaan iska dhiibin Sweden 7000 oo Soomaali ah. Sanadkaan waxaa Sweden iska dhiibay 2951 Soomaali ah sida ku cad warbixinada Laanta Socdaalka.

Mid ka mid ah Jabuutiyaanka isku dhiibay in uu ka soo jeedo koonfurta Soomaaliya oo u waramay wariyaha bogga Mareeg ayaa u sheegay in uu Jabuuti ka soo tagay sanadkaan isaga oo soo maray dalka Faransiiska. Waxa uu intaas ku daray in nolosha Jabuuti ay adagtahay balse Sweden ay fududahay, oo sharciga uu fududyahay. In aad shaqayso waajib ma ahan, waxaan asxaabtayda kula taliyay in ay halkaan yimaadaan. shan ayaa hada timid. ayuu yiri ninkaan oo magaciisa qariyay.

Ninkaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay qaabka uu Sweden isaga dhiibay oo la mid ah kan ay Soomaalida isaga dhiibaan. Waxa uu intaas ku daray in uu ku faraxsanyahay in Qamriga uu ka fududyahay Sweden, oo qaadka uu sahal ku heli karo. Sweden ayuu ku tilmaamay janada.

Mowduuca bogga Mareeg ayaa markii aan si fiican u dhuuxay waxaa uu iila muuqdaa mid aan si fiican loo soo tifaftirin ama laga leeyahay weerar gooni ah oo lagu qaadayo jabuutiyaanka. Wariyaha qoray mowduuca ayaa ku soo gababeeyay in “Madaxda Soomaalida ee Sweden ay dowlada ka codsadeen in ay Jabuutiyaanka u diiwaan galiso in ay Jabuuti ka soo jeedaan oo aysan Soomaali u qorin si loo xaliyo wixii isfahandaro ah”. Anigu ma maqal madax sidaa codsatay iyo xiliga ay codsadeen. Waxay iila muuqataa hadal uu wariyaha isagu iskiis ugu darsaday.

Ugu dambeyntii marka laga tago jaabuutiyaanka wariyaha Mareeg waxa uu ilaabay in Soomaali ay isku dhiibaan kuwo ka fog Jabuuti oo ka soo jeeda geesaha Afrika ilaa Nigeria. Dadkaas oo xitaa aan Af-Soomaali ku hadli karin ayay Sweden sharciga ku siisaa in ay Soomaali yihiin. Jabuutiyaanku waaba Soomaali balse maxaad ka leedihiin Kenyanka, Ugandheeska, Nigeriyaanka?

Halkaan ka akhriso mowduuca oo English ah. 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

74 Responses

  1. rashka says:

    waxan filayaa wax laga fiicanyahay in dadka reer jabuuti oo walalaheen ah inaan ka dhigno dad ajnabi ah sida Kenyaati ama Nigeria-yan.dadka wey isku dhigi karaan ayagoo meel wada dagan taas wax weyn mahan.Somali iyo jabuutiyaana wax ay ku kala duwanyihin xaga dhaqanka aniga shaqsiyan ma aqano.sidoo kale qamri cabis wayadaan danbe dhalinyaro iyo ragg waweyn iyo dumarba wey cabaan sidii biyahi.marka inta cabto Ilaah ha soo hanuuniyo inta aan cabina Ilaah wanag ha u kordhiyo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 0

    • gerisaboy says:

      WAXAN NII SHEEGAYA IMISA AYAA JOOGA OO KA YIMIID SOMALILAND PUNTLAND ITOPIA KENYA OO MOGADISHU SHEEGANAYA, how much from somaliland puntland itopia and kenya come to sweden as somalien from mogadishu. Den som har skrivit denna artikeln värför han har inte berättat hur många från somaliland särkild Hargeysa burco och Puntland och itopien och kenyen som har ljugit och sagt till migrationverket att de kommer från mogadishu. Jag tror att det är orättvis att påpeka bara djiboutienska.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. Dr naasir says:

    sxb qofka maqaalkas qoray SOOMALI ma uu metelo JABUUTI IYO SOMALIA waa ISKU DAD EHEL IYO WALAL WADA AH WALIGOODNA waa ahaanayaan, qof xun hadalkiis WALALAHEEN REER JABUUTIna waxba u arki mayaan anagana naguma xuuxin karo EHELKEENA IYO DADKEENA JABUUTI, SIDAAS DARTEED WAX QIIMO WAYN LA SIIYO MA ISTAAHILO XATAA dood la geliyo ama lasoo qoro aniga fekerkayga, wadankaan SWEDEN na qofkii ilaa huga qoray sharci wuu ka helin cidii uu rabo ah ahaadee, imisa somali reer MUQDISHO ah ayaa sharci la aan ku joogo halkaan, marka waligiin HA ISKU MASHQUULINA in DAD gobolo gaar ah kasoo jeeda ama JABUUTI kasoo jeeda inee cid kale culees ku hayaan ee ilaahay meshan dadka muslimiinta ah ee joga ee SOMALIYED ha ku badbaadiyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

  3. jimcaale ku cadeeye runta says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 17

    • layaab says:

      Hidden due to low comment rating. Click here to see.

      Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  4. cade says:

    As.
    Dhamaan waan salamayaa umuda Islaamka ah gar ahaan inta ku hadasha af somaliga ah.mar ka xigta qoraaga page ka wan salamaya sxb waxan ku leeyahay haka la saarin dadka Somalida ah shan Somaliyeed kuu doono ha ka yimaado waa dad isku diin ah isku jinsiyad ah s dhalay wada dhashay waa mid qur ah marka mowduucaan meesha ka saar kana cududaaro waxaa laga yaaba in aad jabuuti maalin mudatid shaqsiyan waxaan waa aduun.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 1

    • Muslima says:

      wsc wrx br.
      Walaala yaal Jimcaale wuu mahad sanyahay. Mana umaleynaayo in uu wax khalad ah sameeyay. waayo wax uu wargays soo qoray ayuu noosoo turjumay.
      Waxyna iila muuqataa. “War hayaay, War Hayaay” kafeejignaada waxa idinku soosocda. Mocduucuna sida meesha kuqoran nin gaal ah oo Swedesh ah ayaaa Ku qoray wargays kaasoo uu Jimcaale kasooxigtay. Ee walaala yaal eeda meesha kasaara.! Sida ay iila muuqato waa Swedesh edebrana oo intuu daciifnimada dhexdeena arkay raba in uu “Soomaali Jabuutiyaaan-Koonfur” noo kala saaro. Soomaali waa mid!! Haduu Jabuuti kayimid Ama Mogdisho Ama JigJiga,Ama Hargeeysa, Ama Garissa. Waayo waxaan nahay “Hal qabiil” “Hal qoomiyad” iyo “Hal bulsho”. Abti iyo Ina adeer ah. Waxaan ilatahay qofkii soomaaliwayn udamqanaya in uu Hadalkaan sida sax aha uga jawaabo. Dareemana micnaha kadanbeeya Hadalka. Ma,ahan gaalkaan in uu Jabuuti necbyahay Moqdishana Jeclyahay. Xaga qamracabdda iyo akhlaaq xumada Ummadu waa usimantahaye inta xun ,Allah hasoo hanuuniyo inta qaldanna Allaha hasaxo. Aaamiin….

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  5. ahmed baashi says:

    asc aqristiyaash page ka iyo jimcaale intab, salaan ka dib guud ahaan ma wanaagsano in dad magan galyo waydistay in la dhibo balse waxaa ka daran dhibka ugu imaan karo umad somaliyed waa laga yabaa in aan nahay dad walaalo sida dad badan ee aamin san yihin balse waxaa dhab ah in ee iyagu yihin dowlad gaar ah nagu neh aan nahay dowlad gaar ah yacni waxaan ula jedaa waa nation gaar ah ama umad gaar ah oo la dhaho jabuti anag neh waxaan na ladhahaa somalia, hadi ee dhibgestaan oo ee ku gestaan magac somaliyed jawaabta ka so baxdo anaga ayey na dhibesaa hadi aan nahay somalia cidii wax fahmeso ayaa fameso hadalkayga waxaana raacsisanayaa umada somaliyed meel walbo eee jogto way iska dhiban tahay waayo hadal ayaa lo shegayaa iyagow hubsa ayey meeshab qaribayaan yacni waxaan nahay umad iska qiresan oo qof walbo dhagta wax ugu shuban karo marka waxaan leyahay jimcaalo walaal alle ka cabsi iyo rag iska dhicis meel ma wada galaan ee hadi aad wax sharaxeso pasotiv ka aado mahad sanidin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. ismagabe says:

    somlisk waaba maalayacni walaahi kow jabutiyaan iyo somali bal kaala gur adiga oo jimcaale ah kkkkkkk

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

    • jimcaale waxa qalbiga kaga jira ayad noshegaysa says:

      waxanku leyahay jimacale sxb waxa negative ka ah webpage kaga madan so galiseen ee adiga ayaa damcay inaad waxas qortid hadii galo sharci sinayso jabuutiyaan masha alah weyan noo xasid nimo ugamaan xumi wabilatowfiq

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Jimcale says:

    lol war maxaa idinka qaldan maanta? mowduuca ma akhriseen horta mise commentiga ayaad ka bilowdeen? Anigu Jabuutiyaan ma necbi waa waalalahay aan soo wada nooleyn mudo..anigu mowduuca waxaan soo turjumay uu qoray bogga Mareeg oo aan dhaliilay waliba. Marka maxaa laygu eedeynayaa?

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 11 Thumb down 9

  8. F.M says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  9. fahad says:

    asc dhamaantiin waa wax iska caadi ah in qofka saxafiga ah uu cabiro dareenkkisa ama saxaafaduba inkasta oo jemcaale uu sheegay inuu soo turjumay wargays kale , ani ahaan iilama muuqato wax qalad ah inuu kujiro maqaalka uu soo bandhigay waa qayb kamida maqaalada caadiga ah waxaan dhihi karaa xamaasad yaysan idin qaadin ree jabuti waa walaalaheen gacanteena midig ah maranaba xumaan uma ogolin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  10. hasan says:

    Jimcaale. walal waad kumahad santahay warka aad soo gudbisay bror waxaan ka cod sanay naawarka mesha aad kasoo qorto . waayo umada somaliyeed waa dad iska xanaaq badan oo jacel in ay ogadaan runta adigana waxa kaa gaha raya umdaan cay dooda iyo in ay kaa fahmaan nin iska soo qoraya wax uu jirin marka umdaan si aad is ku fahantaan waxa weye warka aad usoo qorayso in aad tusto mesha aad kasoo qadatay. waad kumahadsantahay wararka aad usoo gudbisay umada somaliyeed?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. supper says:

    Jimcaale sxb wax eed ah qofkii kuusoo jeediyay waa qof aqrisku dhibaa ama awalba xumaan raadis ahaay hadalkaan aad soo xigatay aqliyan meel waaka sax cid waliba ayaa og in jabuutiyaanku isku dhiibaan koofurta somaliya waana sax in eey ku faanaan luuqada faransiiska aniga ayaa skol la soo dhigtay ma qoraan luuqada somaaliya macalimiinta waa isku wareereen. Dhanka balwada qaasatan qaadka iyo qamriga ama dhaqan leesku qilaafo aniga shaqsiyan waxaan qabaa jabuutiyaanku in eey ka nadiifsanyihiin kuwa somaliland la baxay waa isku arkay 2 doodaba jabuutiyaanku ceeb malaha ee waxa magaceena dhulka ku jiiday waa ree waqooyiga lol qaldaamiinta waxaan ugu baaqa in eey cuqdada iska saaraan meeshii eey wax ka baran la haayeen waa mid caaytamo iyo mid qamri ku faano suuqa dhexdiisa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. abdirahman says:

    walaal jimcaale waad ku mahadsantahay ficradaada waxaa la arkay dad somaali ah oo somaaliyay toosa inta laqaaday ka xanaagay hadana somali isku dhiibaaya oon jabuuti ka imaan ee somaliya ka yimid marka sxbayaal maxaad ka leedihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. fuaad says:

    shaqo laanta waxaan ayay keentaa war ka fiikiir intaadan wax qoriin aama aadan wax sheegin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. axmed-jamac ducale says:

    sxb aniga waxan kasoo jeeda jabuuti hadan dal gooni ah nahayna wan idiin jeecelnaya siida aad inikuba inoo jeceshihiin dal shisheeye oo xooga cayr ah laga qaato yanan isku niciin hadan faranciisis kuhadlnona soomaalinimadu wey inaguweyntahay ilahay dalkeeni soomaaliya nabad hanooga dhiigo dadka rer jabuuti wey ogyihiin waxay soomaalia u qabatey commantigiina aad ayan ugu qancay intiina badan jimcaalena ma khaldana dadka jaalku akhlaaq xumada kusheegey nin xun meelwalba ujooga lakin bulsho mamataloo walaalkin axmed jamac from jabuuti

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 0

    • rashka says:

      sxb Axmed salaan sare qofka ugu horeyay oo ka bixiyay fikrada ayan ahay meshan kadibna qoraalkan man aqrin lakin maanta ayan arkay.somaali iyo jabuutiyaan waa hal sxb taas cidkasta oo caqli leh wey ogtahay dhaqan iyo diin kala saartana malahan.JImcaale sida uu inoo shegay wuxu ka soo qatay web kale wan ku xushmeyneynaa taas sababtoo ah wuxu fursad inuu siyay web uu leyahay xitaa inaan wax isaga lid ku ah aan ku qorno.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • kamadage says:

      waa laga fcn yahay in lagu mashqulo dad rer jabouti teda kale somali waa u dhaqn in leysku mashqulo qabiil ahaan iyo waxii lamid ah waxan ka cod sanayaa somalida in eysay ayada dhaxdeda isku so noqonin plz mudo badan ayaan ku jirnay qabiil natijana waan ka gari weynay caalamka wax hala qabsado hana leyska daayo dadnimo xumada by

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Abubakr says:

    ASC WR
    RUNTII WAA WAX LAGA XUMAADO INEY NAIGERIA IYO KENYAAN KA SHEEGTAAN, LAKIIN WAXAAN CEEB AH HADANA REER JABUTI WAABA WALAALAHEEN OO SOMALI AH CADOW UNBAA NAKALA JARAY EE HADANA AYAGAANBA NA RABIN QAARKOOD, OO AAN JECLEEN MARKAY SHARCIGA QAATAAN AY YIRAAHDAAN (HUUNO ANAGU JABUTIYAN BAAN NAHAY) BALSE ILAAHAY HASOO HANUUNIYO, TAN KALANA WAXAAN DHIHI LAHAA WAA ISTAAHILAN INEY SOMALINO SHARCI KU HELAAN OO WALIBA AY WADA SHEEGTAAN INAY (QORYOOLEEY) AYSAN WALIGOOD ARKIN SHARCIGA KU HELAAN, LAKIIN REER JUBUTAAY WALAALO BAYNU NAHAY. GET YOUR CHANCE.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  16. Super2 says:

    aniga waa sida walaalkey super sheegay aniga runtii waxaan jeclahay dadka reer jabuuti laakiin aniga waxaan necbanahay dadka reer waqooyi markey kula joogaan waxey iska dhigaan dad soomaali ah waxaan anagana markey soomaaliya naga wareystaan hawada u dirnaa oo aan ku nniraahnaa suuqa bakaaraha waxaa mara tareen waayo hoostey kaa soo galayaan markey wax helaana internetyada iyo meel kasta ayey kaa aflagaadeynayaa wasaqda

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  17. ansal says:

    asc dhaman dad waynaha sarafta lee ee page kan istismala ani ahan tey waxan qaba fikir ahan jibusiyan iyo somalie wa isku mid wa dad mida, isku dina, isku dhaqana marka somalie wa wada somalie ninna caara ma dheera ee yan cadow gu isku kin dirin dad waxan nahay ul iyo dirkeyda wcs

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. Mustafa says:

    jimcalow, sheekadadu waaa ( ka waran hadan abaha waas ku yidhahoo) maan ku cayey ??
    dabcan wad ii caydaa , waxan hadalka ugaa socdaa waxad so qortay reer jabutiyanka wan jeclahay waa walalahay ee mowduc wargeys kale so qoray ayan so turjumay.
    waxaa xalkaa ku caad inad suxufinimo ad qon u laheen .
    suxufii wargeysku so qoro wanag iyo xuman isagaa ayey ku so labantaa.
    anoo hadalka ku dul mareyn sidaa ad u dulmartay , qoley umad wax walba waa lagaa helaa saaqran iyo sheikh baa lakiin su ashuu waaxa weyee, mowducan ad so qortay maa run ayaa laga so xigtey misee been ayu ku saleysan yahay ??
    an kaga jawaabo , reer jabutii waa dadka samcada somalidaa kor u qadaaa , waa dad inta qamriga cambtaa sidad kaa dhawaajisay ad u yaryihin marka somalida kale loo firiyo, waa dad aqon u leh is dhexgalkaa , oo dad meel walbaa kaso muqdaa wanad firin kartaa , waa dad shaqeysta , wad sharaf iyo karamo ku dhex leh bulshada ay laa nolyihin.
    markaa jimcalow hadad aqon iyoo waax korarsi kaa rabto adon caytamin walalahayow wax ii baraa dhee.
    koley mowducagu maser ayu u egyahay
    maserna raag loga ficniii

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  19. salah says:

    walaal jimcaale waxaan ku weydiiyay imise ayey qaadaney migrationdomstolen dacwada jirta imise ayey ku soo jawaabaan kama danbeys waana ku salaamay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. masayrbadan says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  21. najma says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

    • jilba says:

      asc waa dadnimo xumo in somalida dhaxdeda ey isku mashqusho maxayelay mudo badan ayaan wadnay qabiil iyo wax aan lo bahneyn hase ahatee natiijo waa laga gari wayay so plz waxaa fcn nan laheyn iyo calamka wax lala qeybsado in aan anaga dhaxden is qabsan laheyn

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

      • jilba says:

        markasta waxaa fcn in aan dhagaha u taagno xalada wadankena misna aan rajeyneyno in uu ILLAAH noo dajiyo walow ey hadana gordhow bilabanayaa dorashada madaxtinimada halka aan dad walalaheyn oo rer jabouti ah sheko laga dhigan lahaa aad ban idin salamayaa dhamaan

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. fatima says:

    waaka xumahay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  23. DAA,UUUUUS/ says:

    JABUUTIYAAN IYO WIXI RABO HA,ISKU DHIIBEE JIMCAALOW XAGEE MAREE XALADA FAMILADA,,,,,,,,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. kahiin says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

    • MrTapha says:

      to kahin gabadha laabaxday , koley fikirkaga aqon la’anta ku salensan ayunba kaa hadashay.
      cayna dacif ayunba caytama amba gabadh awod weydey.
      dhilo iyo saqrad cida dhaqan u leh somalida dhexdedu way is taqanaa tasna xalka ayan ku dhaafi.
      war murtii wuxu ku so biyo shubtay, inta yare ee xanunsaneysay ee caydhaa berka u laa jiftay maxad ku so kordhineysan sweden od yeli kartan jabutiyan.

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  25. mustafa says:

    salam calekum all, hadi aan fikirkeyga aan ka dhibto. Markad leydihin reer jabuti somali maha talow maxey noqon karan indien miise kurdi. Talabadna waxad kala sartin reer somaliya iyo somali. Aniga waxey ila tahay somali wa lawada yahay balse reer somaliya uun baa lagu kala duwan yahay, quwa soamlida ah ethiopia ka imada ama kenya waxba kama sheegtin kumana sheegtin meeshu ka imid ee maa quwa jabuti ka imid baa ka xuun tihin. ee somaliyee sidan si dhanta yela oo isku tanasula oo dhaafa xasidnimada qofna qof kaley arsaq maa siyo ee daadka kala saarka aa laga daayo daadkana kama xigtini somali ee inu reer somaliya baa tihin anaguna reer jabuti taasi waa magaca wadanka, balse somali waa lawada yahay aqli cafimad qaba baa lo bahan yahay…. waa bila tawfiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  26. muwadin says:

    sxb yaal kuwa bahda somaliska waxa ka codsanaya inaad ilaalisan wax ka baxsan saxaafada aniga runti somaali ban ahay hadane nin jabuuti ka yimid uma arko etopiyan mise kenya marka iska ilaaliya inaad dad sharaftooda meel ugu dhacdaan ano idinka codsanayo inaad barnaamijkan ad ka saartan meesha .. jabutiya wa somali nagu dhaqan ah nagu diin ah iyo nagu af ah marka hadalka dhahaayo mid qamri cabay bay isku dhacen somali … micnaheeda ma ahan jabutiyan dhan inay yahin qamri cabayaal thanks

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  27. wadani says:

    asc soomaali ween waan idin salamay war jabuutiyanga waa soomali ceebees xafadaan daganahay hada labo wiil jabuutiyaan ah ayaaba is qaba maxaa wax ka xun majiro qamri iyo qaad walakayimid nin nin guursaayo ayeey marayaan allaha naka baxsho kuwaas magaca soomali meel beey uka dheceen xida wan jeclaan lahaa in eeyba wadanka lakasaro maxayelay somali maba ahan duliyasha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

    • jilba says:

      sxb hal qof oo xun aad aragtay ma matali karo jabouti so sidas darted aqli xumada iska daa duqa aqligagana la tasho bro dadkana sharaf toda mel ha oga dhicin imisaa xun baa la arkaa misna aan la so bandhigin dadna aan lagu so qaban karin iyo walibana qabiil marka sxb waxaas waa wixii somaliya kala geyay waligaa haku dhaqmin qabiil iyo waxii xun aan horo aad ku gareyn

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. yeeene says:

    Marlay waxaad inuu JIMCALE soo turjumo waa laga quruxbadnaa waayo Djbouti waa umada Somaliyeed ee please JIMCALE sharafta wariye nimada ilaali, hasoo qorin wax Somali kala qaybinaya haa turjumin..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  29. abubakar says:

    Sharaafta wariye nimada ilaali, Hasoo qorin wax somali Kala qaybinaya haa turjumin. Waxaan ku dari lahaa sideg deg ah uga saar mowduc debat ah mahaa e wa Cay wadaan dhaan dadka kuu nool lacaynayo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. iftin cabdullahi says:

    aniga waxay illa tahay soomaali waa qalad ujoog laakiin in aan toosh lagu ifin ayagooba ayagu naftooda fashil ulataagan
    waxaan akey maalin yaab nin jabuuti yaan ah ayaa dukaan ka adeegtay markuu kabexey ayaa naag uu socodka kusii darsaday wuuna laqabsaday asoo ingiriisi ku hadlaya kadib cabaar magac yadii markii lays waydiiyay ayakoo hortayda socdo ayay dhahday soomaali miyaad tahay may uuyiri ani soomaali maahi soomaali baad u egtahay may may ayuu dhahay asoo hadalka xajinayo ani jabuu tiyaan aan ahay ayuu dhahay waana swedan goobta qaxooti soomaalida koonfurna wuu kujoogaa kawarama yaafashilaya ayakaaba isfashilayee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  31. iftin cabdullahi says:

    jimcaalle raali ahaw dadka isku si wax uma fahmayaan yaa keya iyo itoo biyaan kusheegay alow wax nafahansii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. faiza says:

    ASC ANIGA WAXAN LA YAABAY AYAGOO OG IN EYSAN KOOFUR KA IMAANIN HADA KU DHIIBAN KANA FANAYAN OO KU DHAHAAYO WAAN NECBAHAY KOFURTA WLH MARKA QAAR RUNTA AYAN U SHEGAA OO KU DHAHA MAAAD RUNTA ISKU DHIIBTAN HADIIBA AAD KOFURTA KA FANEYSAN WAXAA QALAD INTA DHAHAN SOMALI AYAN NAHAY OO SHARCI KU QATAN HADA KAA FAANA QALADKA WAXAA LEH DADKA U DHISAAYA INTERFIYUGA WLH WAXAN AAMIN SANAHAY HADII QOF SOMALI AH UU ISKU DHIIBI LAHAA JINSIYAD UU SAN U DHALAN WAA LA KASHIFI LAHAA INTA ANAGA NALAGU DHEX NOOLYAHAY NALAMA DHAFEEN SOMALILAND IYO JAPUTIYANBA WAANA SHEEGI LAHAYEEN
    AXSANA NOMA FALEYN ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  33. jamac Maxamad says:

    aad ayaan u taakeersanahay jaamac, arrintaan waa wax jira, jabuutiyaanka walaahi hadii aad u baahatid koob biyaa inaadan ka cabayn ee allow yaa idin yiraahda runta ka sheega, mar dhaw soomaalida koonfureed ayaaba minorety ku noqon doona sweden, swedishkuna waxay u malayn doonaan inaan anagu been sheegayno oo ayagu yihiin somalida dhabtaa ee runta ka sheega arrintaan. mahadsanid jaamac

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  34. cabdi casiis says:

    ASC salaan kadib waxaan dhihi lahaa ninkan maqaalkan soo qoray inaan lagu daysan sababtoo ah somali hadaa nahay jabuuti waa dad walaalaheena oo muslim ah mana ahan in xabadka xun la sheego kii wanaagsanaana la qariyo mar naba waa ka soo horjeednaa in jabuuti waeey naa gashay iyo waxeey noo guday waan wada ognahay wariyahan somaaliga ah oo maqaalkan soo qoray damiir xumaa waa la isku dhiibaa somali hadeey kuu marto waa caadi marka aniga wan ogahay kuwa saas u xun laakiin maku magacaabo jabuutiyaan waa shaqsiyaad xun ilaahow xafis somali meshey joogtaba oo dalka nabad nooga dhig aamiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  35. jabiiqe says:

    asc wa walalehen walaal ha leyska dayo
    lakin waxan le yahey
    haku hadlinina somalaiga barta sida loo qoro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. Geedi says:

    mowduucan kama helin waxaana kaxumahay wakhtigii iga galay oo ahaa 3 daqiiqo camal.asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Mika says:

      Here is the specification, would atpiecrape a reaction and any suggestions is useful. (PC is created for actively playing games like BF3 and Skyrim on max or close to max settings). Everything on this checklist arrives to a complete of a31250.34 ($2019.17). I want to know is this really worth the money, is there anything I Am lacking and anything I should substitute or do not need. Thanks.Intel Core i7-3820 3.60GHz (Sandy Bridge-E) Socket LGA2011 ProcessorKFA2 GeForce GTX 570 1280MB GDDR5 PCI-Express Graphics CardAsus P8Z68-V GEN3 Intel Z68 (Socket 1155) DDR3 MotherboardSeagate Barracuda 2TB 7200RPM SATA 6GB/s 64MB CacheSamsung Green 8GB (2x4GB) DDR3 PC3-12800C11 1600MHz 30nm Twin Channel KitAsus Xonar D2 7.1 PCI Audio CardLB BH10LS38 10x BluRay-RW / 16 x DVD +- RW Light Scribe DriveAeroCool Sixth Component Entire Tower CaseCorsair Gamer Sequence GS 600 80 Plus Power SupplyRazer Naga 5600DPI MMO Laser Gaming MouseNZXT Havik 140 CPU CoolerRoccat Isku Illuminated Gaming KeyboardAkasa BayMaster Card and Drive ReaderOzone Gaming Gear Ground Level XT Gaming SurfaceSkyrimBattlefield 3

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. abubakar says:

    XASIDNIMADAA ILAHAAY MA OGOLAA E DADKA HAA LA ISKA DAYO . JIMCALENAA ADEERKI AYAA SOMALIYA BURBURIYAAY general AIDID e muxuu u kala qaybinayaa dadkaa mowducaan o kale caan lagumaa noqdoo fuck.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  38. cashira says:

    asc wr wb walalo wa ni salamay ee war ma nishega somalia iyo jibuuti way ka yihiin wixi so qoray aya shegiiye ee iniga inu gaalka iyo caadawku inaga faidaysan walalyaal dadka xaaska ee isqaabana ha isku diiraan somali iyo jibuuti ba leeh inta ayan kuso gobay anigu
    wa asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. abdi says:

    xiishoda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. saad says:

    slc jimcale mowducaan adiga mia turjimay balse maxad ulajeday waxaan umaleya inaad somalinimo iyo islam aqlaqdedou umad walalaha ad gala geyso wa bilah tawfiq adiga ayana qoray allah ku hanosho

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  41. BEEL DAAJE says:

    kaagan labaxay super waad xanuun hadashay oo waxaad tahay nin liita,sababtoo ah reer somaliland kumaba oga in aad jirto iyo inkale ee maxaad necbaataa yaase kujecel weeye iswaydiintu waa adiga leh reer somaliland baan dadka ugu necbahay, teedakale maxaad uga gubanaysaan haddii laysku kiin dhiibo ileyn idinkaa olalayee had iyo goorna meesha gubanaysa uun baa laysku dhiibaa ee taa hadhibsanina ilee waxaad tihiin umad heshiin kari wayday oo caalamkii oo dhana layaabsan yahay. maxaase la idin caayaa idinkaaba iska caayane,qof markiisahoreba iska dhiban oo dhibaato iska haysato in lacaawiyo mooyee in wax layidhaahdaba mataal meesha, soomaalidana ilaah baa badiyay oo saasay magaceedu ku asturmay ee cida magaca soomaali hoos u dhigay waa dadkiinan anbadka ah ee ee kasoojeeda soomaaliya, magacii dadka kawada dhaxeeyayna idinkaa dilay, somaliland sida jabuuti ayay bari dhow bedelaysaa magacan aad kutumateen.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. hasan omar ali says:

    walaal ana kou somalida wan ja elnaheh lakiine mataa waxad natous teen inad reer jabutii na ebtihiin wa aadi wa raga nimoo waxa la waxa jaechi hine kou sokoora war geysaada ana kouna haada somalidaa iskaa egeynaa mataa laga bilabaa ha dou ilahay irahdoo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  43. hasan omar ali says:

    reer jabuutina ma abban xamrii bashaal na ou mey imane sweden haadey kaate tahayna wa la waada ouna lakine aydaa inta leek aad mataa nogaay sateen somaliyeey iskou malihine lakine haa kalii xiishonoo respect baa laa iskou layahay hadaa franssiis kou hadal noo ilahay baa nabaray ee aydaa dariifka haan iska deyno walala heena somalidow haadi kaale sidaan fidnaa wee yinee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  44. ifrah liban xuseen says:

    asc walaal maga aygaa waad arkeysaa mahaa reer jabuti baan yahee wa kaasee ougee madaxaa lantaa emigrationka baal lakiine waxaan modeyneeh inaa walaalo nahee lakiine haada ayaad natusteen waxaad tihiine somaliyeey arsaa kadanaa ilahayba qofkasee siyaa swedeena waa losimane yahay walaal anigaa reer jabutiyeh wakaase magaayga ougeh migrationsverketka sory itaana sokorine walaal otoo sidaa tahy ismaad eegiine adoo sidaa ou eeg ayaad ayasaa dad waxbaa ad kagara neyne sawirkakaa aya iidilay walhi djimaalow

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  45. maxamuud cheek says:

    asc bastoow xichoo walaal somalie anakou hada nahay reer jabuuti aay naga mageyane wa dad charafleh oo wanagsane oo lagaranayoo walaal aydou ma fiineh dad ad garaneyne haa ayiine

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  46. Jimcale says:

    Fadlan qofka doonaya in uu mowduucaan fikrad ku darsado waa in uu la socdaa…HALKAAN AFLAGAADO SHAQSI, QABIIL, IYO WADAN INTABA WAA MAMNUUC. Intaa wixii ka baxsan qofkasta xor ayuu u yahay in uu fikradiisa ku darsado. wsc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  47. fouad farhan says:

    jimcale ad baan uga xumahay sidad reer jabutiga duulka ula dhacday sxb ee waax iskula haad ninyahow

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  48. ali mohamed djama says:

    horta qof waliba iyo umaad waliba oo mel dagan in lafadhaxadayo maha lakine waxaan uu sheegaya oo ka jawabaya wiilal oo fadaxadanaya umaad somaliyeed oo meel dagan oo waliba haysta calaan markaas konfurta anigu waan uu dhashay wiil iyo gabadh baa waan garanaya waa umaad uu ka qayliye jaale maxamed siyad bare markaa waan ogaysinya iin reer konfurtu aye ka washeen af iyo iibta oo dhumarkoodi lafulo igayo waliba xaas ah marka reer djibouti waa umad haysata shaaraf iyo asluub waxan wareystay dad dagan meshaad oo ishegey inn gabadh guri leh oon gogol dhaaf leyen lakine reer konfurto waa umaad laga yabeh oo ciyala suuq waxan kuu dhameysiraya walani yaqana reer konfuray inan kawalatayen af iyo hoostiinaba oo dumarka la qaboo ood fushiine oo waliba gabadhi ee raari ay ka tahay anigu waan arkey gabadhe leh 7 caruura oo 7 raag oo kadaduwaan ay dhashay oo rabto uun tumasho gabadhas dadeydu waa 43 sano waa cajiib waa yaabe walahi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  49. ali mohamed djama says:

    markaas dad lama fadaxadeyoo hidigoo soo gubay wadankeyni oo waliba dhafada aduunka aad xumayseyne baan dad iskadagaad aad cayeysiine markaas reer djibuti waxay ino galayne abaal oo shirkii somaliyeed baa lagu qadtay markaas abalkoodi maa ina caynaa baa oo xumayna waxane ka baxaya markaas waley yaqaana ee ceybtinna banaan ka hasodhigina waad salamaan tihiin inta akhrisatay baqayka waan idiin salamaya asc reer konfurta caadi ma tihiin walahi kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk laxola waala quwatii ina bilahi cadiime

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  50. ahmed hassan says:

    marka hore waxan salamaya dadka rer djabouti ee an nahay walalaha waxan uu shegaya niga raligalinaya khaladkas wa khalad ad uu weyn koley wuxu hadlay garadkisa ayan uu maleynaya djabouti waxey uu qabato somali wa waxan la taban karin waxan uu maleynaya marku kaso dhargay khamri iney ni tustay qururada anakana waxad nogu fikireysin inad no nistin dalkena isna wuxu ka fikiray qoxoti wan ka xumahay rer djaboutow

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • Mr Tapha says:

      to ahmed, wad ku mahadsanatahay sxb , koley waa in yare waa cadifad iyo aqon daroo qaday , waa reer badiyeydikini han dhahoo , lakiin hadal aya odhan jirey (qashin kasto lagu shuboo badu maa wasaqowdo ) markas wax kasto jahil ama garad lawee yidhah walee inu DJIBOUTI waxba samen ku yelaneyn.
      markas sxb wan ka gudoney fikirkaga salimka ah adiga iyo walalaha kale ee webka farimaha qaliga ah ee saxda ku so qoray iyago mujinayaa damqashada iyo xumanta ay ka xumaden , fadexadan dacifka ah ee nin weriye isku sheeg so qoray.
      wad mahadsanihin

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  51. njb says:

    Ops ceeda ha la dhaafo dadoow maxa laga rabaa sharciga idinka ma siiya ma idinka leh …. gardaradu ma ficno dadyahoow kibirka wa lagu kufaaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  52. fadoumina dadir says:

    to layaab !!! waxn ku weydiyey maa adiga oog meshay kaso jeedan walalahena jabutiyanka ah midakele waaxan ku sheegi raabay tuumasho iyo khamribaa meeshi igu horaysay ee lagu caabo waaxay ahayad somaliya maarka af lagadada kaa jooji walalahena somaliyed ninyahow mahmah ba tirahdaa <af nooli waa hadla ayna waa ciiya< adigo kale in wax lagu weydiyoba maa ahan waxan ad uga xumahaynaa aflagadada lagu so qaaday walalahenaa jabutiyanka ah booqol yeer raali nocdaa walalayal mahadsanid walashin fadoumina konfourow !!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  53. nasma says:

    Horta waxaan layaabay dadka dhahaya djboutianku yaayna adunka nigu cadhiidhin war djiboutianka arsaqdooda soomalia maad umalayseen in ay hayso.tan kale kuwan leh djiboutianku af fransiis ayaay ku hadlan oo soomali ma ahan idinka maa somali ah jareer iyo baantu ayaad tihiine uuf nacalaa axee axee da iyo afka fooshaxun idinka taale afransiisku waa luqad caalami ah tii rabta in aan baro bienvenu.qamri iyo qudhum na idinka ninigu yaqaana wale markay qurbaha so galaaan xamarawiintu ayaay tu wal oo xijaab cabsi u wadatay turtaa ay fusuqa bilowda naagahoogana annaku waanba ka shikina uff islaan laqabo oo nin kale soo xeraysanaysa dhaqaanka xagay ka keeneen ayaan layaabay.hadaad dad aqli leh tihiin wadankiina dhawr iyo labaatan sano sidaas u silcaaya ka fakara intaad dadka kale ku mashqulaysan goorma ayaad ilbaxaysan oo qabiilka iyo jahilnimada ka baxaysan adunka ayaad ugu dambaysane nolosha ayaad ku qudhun teenee.djibouti waa wadan hal gobal oo wadankiina ka mid ah ka sii yar handana adunka la jaan qaaday waxa inika ni reebay ma iswaydiiseen wali waa xaasid nimada iyo qabyaalada.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  54. fatima says:

    walee waa qoslay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  55. abdillahi says:

    waxan uu jeeda jimcale dhig-cabka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  56. mahad says:

    asc dhamantinba wan idin salamaya salan kaa dib waxan idin leyahay mawduca mesha uu ino soo dhigay xarifku waa baa mawduc bila macne ah in an kaa bixino comente shaqoyinka migrationsverket waa nagu qalad ee haa ino keno mawduc fican oo ka hadlaya dib uu eshinta wadankena labad ee somaliyed wayo manta runti dhib badan aya kaa jirta anigu 21 sano ayan dagan ahay wadankan sverige ano ku hadlin afka franciska in kaste oo an is kuu dayey in an qoro afka ay walalayashay ay kuu hadlan iga ralinoqdana hadi an qalad uu qorayona markas waxan hadalykayga kuu soo xidhilaha wadankayga djibouti haa nolado somaliyana waa wadankeyga labad haa nolato somalilandna haa nolato wilkan yar ee wax soo qoraya waa sidi lagu shagay djibouti waa dalkagi labad haa qaldamin qaladu in ay ben kuu shegin kaa firso waxad soo qorayso manta laga bilaba cafis naa waa tahay waa bilahi toofiir

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  57. asad says:

    jimcaale web ka wax so qorey iyo somaliska waa same ,,, ninyahow saxaafada soo baro wali dhalin yaron ayaa tahaye ,,, reer miyi web helay ayaa tahay ,,, reer jabuuti waa somali, hawiyahana iyaga ka sharaf fiican ,,,, web ka hadalkiisa ma tafatirna kulahaa ma kaaga ka waran ahahahah ma tafatiranyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  58. nuuradiin says:

    aniga waxeey ila tahay waxa laysku hay weey qaldantahay waxa loo baahanyahay wax le.ysku qabsankaro jauuti waxaan u aqaanaa qeeyb jirkeena ka mid aha hadii aan soomali nahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  59. Djiboutiano says:

    Asc dadweeynahay reer sweden anigoo Samatar Ahmed Mohamed ah oo ka soo jeedo Jabuuti waxaan isku dayayaa inaan fikradeyta dhiibto iyo sida aan wax u arkayo inaan nii falanqeeyo. Marka hore Jimcaale yaana lagu qaldamin inta aqoonta leh wee u jeedan waxa qoran inta jahilnimada ku dheer tahay-na si foolxun wexee u la kaceen in Somaalida ey kala saaran siiba cambaareeyaan reer Jabuuti. Marka xigtana waxaan aad ugu farxay dhab ahaanti bulshadan badan ey si muxtarim ah uga dhiibtay fikradey ka qabaan reer jabuuti iyakoo u arkayo iney dad isku mid ah inaynu ahnay. Taasi wuxu shaki ugu jiraa nimaan tariikhda somaaliya aan ogeyn ( Waa dal iyo dad uu guumeysi kala gostay). Waxaa dalkeyna burburiyay qabyaalad adeegsi taaso u sababtay jaahilnimo aan xaad laheen maantana dadkii qurbaha ku noolaa iney far isku taagan wa sharaf daro iyo weliba dib u socod. Soomaalidu meshay doonaan ha ku noolaadan waa “One nation” dhegtii doontay maqal. Risiq Eebe ayaa haya gaal kuuma hayo xaasidnimo laguma aflaxo. Hadelkeygu wuxuu beegsanayaa inta jaahiliinta oo isku dirka soomaalida ka shaqeyneyso. Mida khuseyso qamriga iyo balwadoo dhan-ba umad kaste waa laga helaa. Anigoo u hadlayo dadka reer jabuuti waxaanu ahnay dad walaalihiin oo aad uga qiireysan dhibaatada ey soomaaliya ku sugantahay ni jaycel oo hiil iyo hoo-ba aad ka heleysaan goortaad doontin. Kuwa fidnada ka shaqeynayo waxaan uga baxayaa mahmaah tidhaahdo “walaalkii lo xiiryow adna madax soo qoyso” Allow na hanuuni intayada ka foogaatay islaamnimada Jazaa’ kumullaahu kheer

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  60. muumin says:

    ASC dhamaan aqyaarta sharafta leh waxaan u shwgaya kuwa jecel somali magadceeda inay kala saraan inay yirihin dulli cadow aha gumaysiga u nacamleeya waana ka raali gelinaya aflagadada loo geysatay walalaheena jabbuti meel walba oo ay jgaan wwaa dhiigeena waana soomali ilahay cadowgooda ha jaebiyo kuwa duliga ku dhwgay iyaga dulli ah xaaidna ah maxay idnka haystaan kuwa iyga ka shisheeya aya sheegta somali mida kale ninka mareeg qoray wa nin xun o cunsuri ah ceebtoodan inuu sheego maahin qammro umad cabta aya badan mida kale war loo shegay ayuu saxafad ku soo qorayaa ilalahey kaas oo kale ha ka qabto umadda wa sida jimcaale mar mar yeelo wax ceeb la qariyo ma yaqanan waxay iska gadan shisheyaaha qofna asxana u smaayn maayana wa adanahooda keliya ayey ilaahadaan marka ilaahey umadda soomalieyed iyo umada djabuuti ee is jecel ma kala dilo intiina wax garadka ahainin ha ku racina inta jecelka kal didlka walaalah soomalieyeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  61. muumin says:

    waxan u mahad celinaya walaaka la magac baxay Djiboutiano sida wanagsan ee u u ahdlay walaal wa qalda yihin kuwa aan ka fiirsan hadalada ay iska soo qoraan ama aya ka yiraahdaan saxaafada waxan leenahay ilahay ha so hanuuuniyo damaca qaldan ee galayna ilahay ha a saro waxan kale oo aan u shegay dadka akale ee iyaguna ku hdlaay magaca reer jabuuti ha ceytamina oo ha ku daysaninan dad xumaaday waa inad u ahdashaan Djiboutiano
    sida walalkena oo u shegtan qofkaan inuu qif xun yay keliay lakin ceyda iyo afla gadada aad jjojisana

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0