Jaceylkii Cilmi Boodhari iyo Hodan oo lagu soo bandhigayo Sweden

21

Xaafada Angered ee ka tirsan Göteborg ayaa bisha Oktober 15-deeda  waxaa lagu soo bandhigi doonaa riwaayad xiiso badan oo ku saabsan qisadii jaceylka ee dhexmartay Cilmi Boodhari iyo Hodan.

Ujeedada laga leeyahay bandhigaan ayaa ah in la soo bandhigo sawir wanaagsan oo ku saabsan Soomaalida oo ka duwan midka foolxun ee lagu soo bandhigo saxaafada Sweden ee ku dhisan dagaalka, qaadka, cayrta, iyo dhibaatooyinka kale ee lala xiriiriyo dadka Soomaalida ah.

Tiyaatarka Angered ayaa lagu soo bandhigi doonaa riwaayada xiisaha badan oo uu ka qeyb qaadanayo nin cadaan ah oo  Afrika tagay gaar ahaan somaliya asaga oo kamiro sita markaas ayuu la kulmayaa gabar somaliyed. Riwaayada ayaa loogu magacdaray DET FÖRLORADE PARADISET ama JANADII LUNTAY. Riwaayada ayaa lagu soo bandhigayaa waraysiyo laga soo duubay soomaali badan oo ka hadlaysa waxyaabaha ay ku haminayaan.

Bandhiga ayaa ku saabsan murtida soomaalida iyo waxyaabaha mideeya bulshada, qaasatqan jaceylka. Waxaa riwaayada sameeyay nin lagu magacaabo Christofer Bocker. Daawo Videowga hoose.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here