Jama waa 16-jir loo diiday in lala mideeyo hooyadiis, maxaa sababay?

16

Wiilka lagu magacaabo Jama oo da’diisa tahay 16-sano jir ayaa loo diiday in lala mideeyo hooyadiis xitaa markii uu cadeeyay dheecaanka DNA. Migrationsverket ayaa sheegtay in Jama, walaalihiisa iyo hooyadiis ay kala hadleen. Jama ayaa wargeyska Aftonbladet u sheegay in uu isaga oo 14-sano jir ah ka soo cararay xarakada Al-shabaab.

“Ina adeerkey ayaa ku biiray al-shabaab isagoo dilay labo walaalahay ah iyo walaashay. Waxaan ka cabsaday in uu anigana i dilo ama uu igu qasbo in aan ku soo biiro, sidaa darteed ayay hooyaday i caawisay in aan soo baxsado” ayuu u sheegay wargeyska isaga oo ka hadlaya sababtii uu uga soo tagay hooyadiis.

Markii sharciga la siiyay ayuu Jama dalbaday in lala mideeyo hooyadiis balse sanad ka dib ayaa diidmo loo soo tuuray. Dheecanka DNA ee laga qaaday isaga, walaahiis iyo hooyadiis ayaa muujiyay in uu saxyahay. Migrationsverket ayaa xaqiijisay in Amina ay tahay hooyada Jama balse maadaama aysan aqoonsi wadan laga doonayo in wareysi laga qaado, kaasoo dhibaato la soo daristay Jama iyo qoyskiisa.

Migrationsverket ayaa sheegay in markii wareysiga laga qaaday in hooyada ay sheegtay in caruurta aabahood la waayay sanadkii 2013 balse Jama iyo walaalihiis ayaa sheegay taariikh kale. Waxaa sidoo kale lagu qabsaday in dhalashada mid ka mid ah walaalaha Jama oo mar lagu sheegay in uu dashay November 20 halka markale la sheegay in uu dashay November 21.

Haweenayda lagu magacaabo Agneta Deros oo wakiil u ah Jama ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horeysay ee ay aragto qof diidmo lagu siiyo arimahaas. Maadaama uu dheecaanka DNA cadeeyay. Waxay wargeyska u sharaxday dhaqanka Soomaalida iyo in dad badan aysan aqoonin taariikhda ay dhasheen. Hada ayay racfaan ku celiyeen Migrationsverket oo go’aan kale laga sugayo.

Arintaan ayaa muujinaysa muhiimada ay leedahay in dadka isku dacwoonaya aysan kala hadlin oo ay si qoto-dheer uga baaraan degaan waxyaabaha ay u sheegayaan Laanta Socdaalka maadaama ay hada raadinayaan sabab walba oo ay qofka ku diidi karaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here