Jiilaalkii waa laga baxay oo gugii ayaa la gaaray

4

Qaybo badan oo ka mid ah Sweden ayaa isbuucaan waxaa ka dashay xiligii guga iyadoo laga baxay qabowgii iyo barafkii sanadkaan isaga laftiisu dhicisoobay.

Gobolada koofureed sida Skåne ayaa la galay gugii iyadoo lagu macneeyay in guga la gaaro marka la dhaafo 15 bisha Febraayo isla markaana 1 isbuuc aysan cimiladu ka hoos marin zero. Goobaha qaarkood ayaa waxaa soo baxay ubaxii lagu yaqaanay imaashaha guga.

Goobaha qaar ayaa lagu arkay xitaa shimbirihii markii hore ka haajiray qabowga oo hada dib ugu soo laabtay Sweden. Sidoo kale sanadkaan waxaa la filayaa in xiliga guga iyo xagaaga ay ka kululaadaan sanadihii hore.

Sanadkaan ayaa  la dhihi karaa waxaa dhicisoobay barafkii iyadoo uusan u soo dhicin sidii labadii sano ee la soo dhaafay looga bartay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here