Jirdilka caruurta oo siyaaday iyo qaybta waalidiinta Soomaalida

17

Sweden waxay sharci daro ka dhigtay in caruurta gacan loo qaado sanadkii 1979 waqtigaas oo ay aad hoos ugu dhacday waalidiinta ilmahooda gacanta u qaada. Hoos u dhaca ayaa ka dambeeyay wacyi galin balaaran oo waalidiinta la siiyay iyo sharciga oo lala tiigsaday kuwa ku xad gudbay.

Sanadihii dambe ayaa waxaa 3 jibaar kor u kacay waalidiinta caruurtooda gacanta u qaada. Waxaa ka mid ah caruurta oo la dharbaaxo ama goobaha jirka oo lagu dhufto. Waxaa dhinaca kale hoos u dhacay waalidiinta sida bareerka ah caruurtooda u jirdila oo dhaawacyo waaweyn gaarsiiya.

Sanadkii la soo dhaafay oo keliya ayaa dhowr waalid oo Soomaali ah waxay xabsi ku galeen Sweden ama caruurtooda laga qaatay ka dib markii lagu eedeeyay in ay caruurta jirdilaan. Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa joojiyay gacan u qaadka caruurta cabsi laga qabo sharciga Sweden dartiis balse xitaa xaaladaha caadiga ah ayaa la soo bandhigay in gacanta loo qaado caruurta aysan wanaajin ee ay sii xumeyso dabeecadooda.

Waxaa taas marqaati ka ah caruurtii Soomaaliya la garaaci jiray, qaasatan kuwii dugsiyada quraanka lagu garaaci jiray in aysan waxba ka faaidin dugsigii oo ugu dambeyntii ay ka carareen ama markii ay quraanka dhameeyeen ay saaqidiinta ka mid noqdeen.

Hadaba, ma haboontahay in caruurta gacan loo qaado? Gacan u qaadku wax maka badali karaa dabeecada caruurta oo ma wanaajin karaa? Waa dood furan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here