Juholt oo lagu dhaganyahay

Hogaamiyaha xisbiyada weyn ee Social Demokraterna Håkan Juholt ayaa fadeexad balaaran ku soo baxday maalmihii ugu dambeeyay. Juholt ayaa lagu haystaa in uu qaatay lacag guri kabis ah oo dheeri ah. Baaritaan dambiile ayaa lagu bilaabay hada isagoo xubnaha xisbigiisa qaarkood ay ugu baaqeen in uu iscasilo. Juholt ayaa ku doodaya in uusan warba ka hayn waxyaabahaan oo ay been abuuryihiin.

Juholt ayaa diiday in uusan si kas ah u dalban wax lacag uusan xaq u lahayn balse haweenay ka tirsan maareynta baarlamaanka ayaa sheegtay in qaladaadka jira ay ogeysiisay Juholt xagaagii la soo dhafay.

Ka dib kulan uu la qaatay xubnaha baarlamaanka ee xisbigiisa ayay u muujiyeen taageero in ay garab taaganyihiin in uu sii ahaado gudoomiyaha xisbiga S. Dhinca kale codbixinadii tusaalaha ahaa ee la sameeyay isbuucyadii ugu dambeeyay ayaa soo bandhigay in tiro yar oo ka tirsan shacabka Sweden ay taageeri lahaayeen Juholt.

Juholt ayaa bilowgii sanadkaan gudoomiyanimada xisbiga Social Demokraterna kala wareegay haweenay lagu magacaabo Muna Sahlin ka dib markii looga itaal roonaaday doorashadii 2010.  Haddii ay ku cadaato in uu si qayaano ah u qaatay lacagtaas ayay u badantahay in uu iscasili doono.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Massago says:

    Inoow is casilo xal u dhaama maleh,
    Qaladka ugu weeyn ee aw sameeeyay waxaa waaye hanti qaran iyo hanti shaqsi aw isku lama qasay flickvän tiisa aw yiri ila dag kaalay guri lacag la,aan ahaan noo hayaaaa kabis been ahna waa ku qaadtay guruga, Taageeradii loo hayay Socialka 20% dhulkey gashay inta aw talada haayo Håkan saas ayeey u sii yaraaneee 214-ta doorashadana rajakama qabaan ineey soo galaaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. asc says:

    waxaas majiraan gudumiya ayantagersana hay xilkisana inow siwatan rajeynayaa wayo xisabtan qalat waa dhicikara lakin ma umaleynayo inow sicaat usameeye arintaas marka halatagero gudomiya ha wabilahi tow fiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. asc says:

    asc aniga waxan tagersana hay juhot gudomaiya ha wayo ninkaas waa nin xilka kuwanaagsan fikrdisana at uficanta hay waxa owna ka sha qeyaa ama ow jclya hay inow inow shacabka wadanka rer swedan waxa uqabto xilkisana inow si hufan uguto asigana nofican marka wan tagersa nahy gudomiya ha sween ayana utagersnahay waxana filaya waxa lagu she gey inaa waxa kaso bixi donin /jimcale bor adigana wan kusalamey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0