Ka baro imtixaanka Teoriga iskuulka internetka ee Somaliska

14

Sidii aan ka dhawaajiyay isbuucii hore waxaan xarun waxbarasho isla markaana noqondoonta xafiiska rasmiga ah ee Somaliska.com ka furmay magaalada Fagersta ee gobolka Västmanland. Xaruntaan ayaa noqon doonta goob waxbarasho oo Soomaalida magaalada ku nool ay ku bartaan Teoriga, kombutarka iyo luuqada Swedishka.

Maadaama Somaliska laga akhristo guud ahaan wadanka ayaan sidoo kale go’aansanay in aan waxbarashada xarunta NPC u gudbino Soomaaliweynta ku firirsan daafaha Sweden. Si aan taas u suurto galino ayaan ku soo darnay bogga qeyb aan ugu magacdarnay Somaliska Online Skolan oo ah iskuul internetka ah oo lagu baran doono Teoriga iyo luuqada Swedishka. Iskuulkaan ayaad si toos ah oo muuqaal ah ugala socon kartaa casharada ka baxaya xarunta NPC, maalinkasta waxaan soo daabici doonaa casharka maalintaas oo Somali iyo Swedish ku quran isla markaana ay la socdaan su’aalo la mid ah kuwa imtixaanka ku imaanaya. Koorsada ugu horeysa ee aan bixin doono waa Teoriga.

Adiga oo gurigaaga jooga ayaad fasalada NPC si toos ah ula socon doontaa oo markii koorsada dhamaato waxaad diyaar u tahay in aad gasho imtixaanka. Faa’iidooyinka iskuulkaan ayaa waxaa ka mid ah.

  • Meelkasta oo aad Sweden ka joogto in aad ku soo biiri karto, waxa keliya ee aad u baahantahay waa kombutar muuqaal laga daawan karo.
  • Casharada aad qaadan doonto waxay la midyihiin kuwa ardada iskuulka timaada ay qaataan.
  • Iskuulka waxa uu leeyahay imtixaano aad ku baraagtigareyn karto oo la mid ah kuwa imtixaanka teoriga.
  • Haddii su’aalo aad qabto ayaad isla casharka hoostiisa ku qori kartaa adigoo uu kaaga soo jawaabaya macalinka.
  • Waxaa uu iskuulka leeyahay Chat aad ardada kale aqoonta isku dhaafsan kartaan
  • Haddii casharka ku dhaafo ayaad waqti kasta dib ugu ceshan kartaa

Koorsooyinka xarunta NPC ayaa bilaabanaya 1-Augusti, hadaba cidii dooneysa in ay ku soo biirto iskuulka Somaliska Online Skolan halkaan riix. http://somaliska.net/skolan

Koorsada luuqada Swedishka dib ayaan ka soo galin doonaa faahfaahinteeda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here