Ka warama soo galootiga u codeeyay SD?

21

Shalay idaacada SR waxaa laga wareystay dhowr qof oo soo galooti ah kuuwaasoo codkooda ugu shubay xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) iyagoo idaacada ka sheegay sababtii ay ugu codeeyeen xisbigaas oo siyaasadiisa ay ku dhisantahay naceybka soo galootiga.

Mid ka mid ah dadka ka hadlay idaacada ayaa sheegay in uu wadanka joogay mudo dheer oo aysan waligiis ku dhicin shaqo la’aan, isagoo soo galootiga kale ku tilmaamay kuwo aan dooneyn in ay shaqaystaan oo keliya cayr qaadanaya, caruurna ku dhalaya wadanka. Waxa uu intaas raaciyay in dadka qaarkood aysan doonayn in ay la qabsadaan dhaqanka Swedishka, iyagoo wali xiran dharkoodii iyo diintooda isagoo qaasatan afka ku dhuftay Muslimiinta.

Mid ka mid ah dadka ka hadlay idaacada ayaa difaacay xisbiga SD isagoo sheegay in aysan cunsuriyiin ahayn oo aysan dooneyn in ay celiyaan dadka soo galootiga ah balse ay yihiin kuwo daryeelaya wadankooda.

Ma ahan markii ugu horeysay ee SD ay u codeeyaan dad soo galooti ah, iyadoo ay marar badan ka dambayso in ay laftooda cunsuriyiin yihiin, qaasatan kuwa neceb Islaamka. Iyo in ay meesha ku jidho maahmaahdii Soomaalida ee ahayd “martidu iyadaa is cusleysa”.

Sidee u aragtaa adigu in soo galootiga qaarkood ay u codeeyaan SD?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here