Kaarka Aqoonsiga oo hada la sameysan karo

5

Sida aad la socotaan kaarta aqoonsiga ee Iswiidhan ayaysan hada heli karin dadka Soomaalida cusub waayo waxaa shuruuda in aad sugto 6 bilood. Hadaba Sida uu qoray Sveriges Radio shuruudaas ayaa meesha laga saaray hada oo waad sameysan kartaan kaarka aqoonsiga iminka.

Dawladda dalkaan Iswiidhan ayaa maanta go’aamisey in ay bilaabeeyso dhaqangalinta hab cusub oo teesarayaasha aqoonsiga loogu sahlayo dadka soogalootiga ah oo aan markoodii hore wadan waraaqo caddeeynaya qofka uu yahay, sidaas waxaa lagu sheegey war saxaafadeed ay dawladdu soo saartey.

Waxa ugu muhiimsan oo arrintaan iska badaley ayaa ah in hay’adda canshuuraha ee Skatteverket-ka oo iyadu qaabilsan bixinta teesarayaasha ay markaan isticmaali doonto macluumaadkii uu qofkaas soogalootiga ahi markiisii hore u sheegtey hay’adda socdaalka si loogu caddeeyo qofka uu yahay loona siiyo teesare aqoonsi u noqda.

Sveriges Radio

Update: Hay’ada Canshuuraha Iswiidhan ayaa noo xaqiijisay in uu go’aankaan cusub dhaqan galayo 1da Oktoobar 2010.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here