Kaarka cusub ee degenaanshaha

5

Ka bilaabta 20 ka bisha May ee sanadkaan ayaa laanta Socdaalka Sweden waxay soo bandhigi doontaa kaarar cusub oo la siin doona dadka heysta degenaanshaha dalkaan. Kaararkaan ayaa badali doona warqada hada la siiyo dadka hela deganaanshaha Sweden taasoo sidoo kale lagu dhajiyo baasaboorka.

Kaarkaan cusub oo lagu magacaabo UT ayaa la mid ah kan ay bixiyaan bankiyada kaasoo ay la socoto siimkaar ay ku jirto macluumaadka qofka sida faraha iyo warbixino kale ayadoo ay dusha kaka qorantahay “UPPEHÃ…LLSTILLSTÃ…ND“. Kaarkaan ayaa laga bixin doonaa guud ahaan wadamada Midowga Yurub (EU) asagoo isku mid noqon doona dhamaan wadamadaas.

Warqadihii hore ee aqoonsiga degenaanshaha ayaa la badali doonaa ayadoo qorshaha uu yahay kama dambeys 1da May 2015 in dhamaan dadka la siiyo kaararka cusub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here