Kala bar dadka Yurub ku nool oo madaxa looga jiro

32

Ku dhawaad 40% dhamaan dadka ku nool Yurub ayaa la sheegay in madaxa looga jiro. ilaa 165 milyan oo qof ayaa la sheegay in sanadkasta ay saameeyaan cudurada madaxa gala. Dadkaan ayaa la sheegay in a la ildarin yihiin walwal iyo walbahaar, hurdo la’aan iyo waali.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in sadexmeelood hal meel oo keliya ay daryeel caafimaad helaan dadkaas xanuunsan taasoo keenta in dhaqaalaha Yurub uu sanadkasta qasaaro balaayiin dollar oo ay ugu wacantahay shaqaalihii shirkadaha oo aan hawshooda si wanaagsan u gudan karin iyo familadii oo kala taga.

Waxaa kale oo warbixinta lagu soo bandhigay in shirkadaha waaweyn ee sameeya daawada lagula tacaalo cudurada madaxa ay hada bilaabeen in ay iska dhaafaan horumarintii ay ku hayeen baarista cudurada la xiriira madaxa.

Cilmi baaristaan ayaa lagu eegay ilaa 514 milyan oo qof oo ku kala nool 30 wadan oo Yurub ka mid ah. Cudurada maskaxda ayaa la filayaa in ay soo kordhaan iyadoo Hayda caafimaadka aduunka WHO ay fileyso in sanadka 2020 ay ka midnoqdaan kuwa ugu badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here