Kala hadalka Denmark iyo Dr. Bilal Philips

18

War cusub: Sidii Qorshaha ahaa Dr Bilal Philips qudbadiisa waxa uu ka jeediyay magaalada Kobenhagen ee Denmark. Ku dhawaad 100 qof ayaa ku mudaharaaday goobta uu shiikha qudbada ka jeedinayay halka sidoo kale mudaharaad lagu taageerayo uu isla goobta ka dhacay.

Denmark waxaa ka taagan qaylo dhaan, axada soo socota waxaa booqasho ku imaanaya shiikha caanka ah ee Dr Bilal Philips kaasoo wax ka dhiga jaamacado ku yaala wadamada Qatar iyo UAE. Dr Bilal Philips waxa uu ku dhashay dalka Jamaica balse waxa uu ku soo koray Canada isagoo Muslimay sanadkii 1972. Waxaa uu ka baxay Jaamacada Madina isagoo ah nin qeyb weyn ka qaatay faafinta diinta Islaamka sanadihii la soo dhaafay.

Denmark waa wadankii laga bilaabay sawirada lagu aflagaadeeyay nabi muxamed (nnkh) iyadoo loogu yeeray xoriyada hadalka. Waxaa lagu marti qaaday dhowr jeer ninka sida joogtada ah u aflagaadeeya Islaamka ee lagu magacaabo Geert Wilders ee Holland ka soo jeeda. Hadaba siyaasiyiinta Denmark ayaa bilaabay qeylo dhaan ka dhan ah booqashada Dr Bilal Philips iyagoo sheegay in uu faafiyo xagjirnimada.

Xisbiyada kala duwan ee Denmark ayaa dowlada ugu baaqay in loo diido Dr Bilal Philips in uu dalka soo galo, iyadoo taas loo marayo sharciga oo la badalo. Arinta qosolka leh ayaa ah in markii nabigeena la aflagaadeeyay ay Denmark sheegtay in aan sharciga la badali karin oo dadku ay leeyihiin xoriyada hadalka. Hadaba maxaa ku dhacay xoriyada hadalka ee Muslimiinta ku nool Denmark iyo Dr Bilal Philips?

Arinta dhabta ah ee looga qaylinayo booqashada Dr Bilal Philips ayaa ah in uu yahay nin soo jiidasho badan oo laga yaabo booqashadiisa ay dad badan ku soo galaan diinta. Dr Bilal Philips ayaa horey looga mamnuucay in uu soo galo wadamada UK iyo Australia iyagoo ku eedenaya in uu aaminsanyahay waxyaabo ka soo horjeeda Qaniisiinta.

Kala hadalka wadamada Yurub ayaa soo ifbaxaya marar badan iyagoo markii arintu iyaga dhibaato ku tahay ku dooda xagjirnimo iyo wixii la mid ah. Halka markii arimuhu Muslimiinta lid ku yihiin la yiraahdo waa Xoriyada Hadalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here