Kamuunada Sweden ugu amaanka fiican iyo kuwa ugu amaanka xun

9

Baaritaan ay samaysay hay’ada qaabilsan kamuunada iyo gobolada Sweden (Sveriges Kommuner och Landsting – SKL) ayaa lagu soo bandhigay kamuunada Sweden ugu amaanka wanaagsan iyo kuwa ugu amaanka liita. Kamuunka Habo ee ka tirsan Jönköping ayaa noqday kan ugu amaanka fiican.

Baaritaanka ayaa lagu eegay dhowr arimood ay ka midtahay tuukada, dilka, dhaca, dabka iyo shilalka iyadoo ay si wada jir ah u sameeyeen hayada SKL iyo Hayada diyaarinta bulshada (Myndigheten för samhällskydd och beredskap, MSB). Kamuunka Habo ayaa waxaa soo raaca Öckerö, Salem iyo Lomma.

Dhinaca kale kamuunada lagu sheegay in aamaankooda uusan sidaa u wanaagsaneyn waxaa ugu horeeya  Malung-Sälen, Sollefteå ,Åsele, Sala iyo Hultsfred.

Waa kan liiska 20 kamuun ee Sweden ugu amaanka fiican.

  1. Habo
  2. Öckerö
  3. Salem
  4. Lomma
  5. Bollebygd
  6. Hammarö
  7. Mörbylånga
  8. Nykvarn
  9. Knivsta
  10. Orust
  11. Tjörn
  12. Staffanstorp
  13. Söderköping
  14. Pajala
  15. Vaxholm
  16. Danderyd
  17. Ã…tvidaberg
  18. Täby
  19. Vellinge
  20. Lidingö
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here