Kamuunada ugu taajirsan iyo kuwa ugu faqiirsan Sweden

Wargeyska Dagens Samhälle ayaa soo bandhigay xaalada dhaqaalaha ee kamuunada Sweden, iyadoo sanadkii tagay ay guud ahaan kamuunada Sweden u baaqatay lacag gaaraysa 15 bilyan oo karoon. Hadaba kamuunadee ugu taajirsan uguna faqiirsan Sweden?

Magaalada Stockholm Stad ayaa ugu taajirsan Sweden sanadkii tagay, iyagoo isku celcelis dhaqaalaha shaqsi kasta ee ku nool Stockholm uu noqday 110 997 kr. Waxaa ku soo xigay magaalada Skellefteå ee waqooyiga Sweden. Sadexaad waxaa galay Halmstad.

Kamuunka ugu faqiirsan Sweden ayaa waxaa galay Laxå oo ka tirsan gobolka Örebro län, iyadoo isku celcelis dadka ku nool Laxå lagu yeeshay -892 kr. Waxaa kaalinta labaad galay Surahammar oo ka tirsan Västmanland iyo Grums oo ka tirsan Värmland.

Halkaan (PDF) ayaad ka akhrisan kartaa liiska oo dhamaystiran. Sidee u aragtaa xaalada dhaqaalaha ee kamuunka aad ku nooshahay?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. daade says:

    Kommun ka an deganahay waxa ladhaha kristianstad waxuna katirsan yahay Gobolka Skåne aad buna u fcn yahay dhaqalo ahan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. asad abdi says:

    kamumka ugu faqirsan waxa waye västervik kammun

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. säffle kommun says:

    waa magaalo yar kamuunkuna waa fiqiir, dadka meesha joogana waxba mesha kuma hayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. Samatar Omar says:

    Kamuunadu waa kala dhaqaalo badan yihiin se laakin anaga maadaama aan nahay dad soomali ah wax nagu fiican magalooyinka aan shaqo ka heli karno

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. ismaaciil says:

    anigu waxan daganahay Laxå oo kamid ah gobalka narke ee orebro runtii maa mid fiqiir ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Abdi Yare says:

    Aniga waxan daganahay gobolka Närke ee Örebrolän waa Gobol iska dhax dhaxaad ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0