Kamuunka Botkyrka oo ogolaaday Aadaanka salaada

Masjidkii ugu horeeyay Sweden ayaa loo ogolaaday in ay sameecadaha masaajidka ka adimaan. MasjidkaFittja ku yaala xaafada Fittja ee ka tirsan kamuunka Botkyrka ee ku yaala duleedka Stockholm ayaa khamiistii ogolaansho rasmi ah ka helay maamulka kamuunka Botkyrka in ay adimi karaan jimca kasta.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ugu dambeeya ayaa waxaa laga sugayaa booliska. Go’aanka booliska ayaa la sheegay in uu yahay mid ku xiran qiimeynta amaanka. Booliska ayaa sheegay in ay qiimaynayaan oo keliya sida dhawaqa aadaanka uu u saameyn karo deegaanka. Waxaa la filayaa in go’aanka booliska uu yahay mid si fudud lagu bixin doono.

Masjidka Fittja ayaa qorsheynaya in uu bilaabo aadaanka ugu horeeyay ee laga maqlo Sweden dhamaadka bishaan Maarso. Arintaan ayaa ah mid taariikhi ah iyadoo Sweden aan horay looga ogolayn dhawaqa aadaanka. Masaajida kale ee Sweden ayaa la filayaa in ay ku dayan doonaan arintaan oo ay codsiyo u diri doonaan kamuunadooda si loogu ogolaado aadaanka.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. jamac says:

    Mashaa allah jimcaale wa arinlagu farxo iyo waliba guul usoohoyatay dhamaan muslimiinta kunool wadanka swedan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. ifrah says:

    wa ilah mahadii waxkasta fiilo waayo amarkan wa go aan ka yimi xaga allah wana ku farxay ruunti

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  3. Khadija says:

    MAASHAA ALLAAH WAA WAR FARXAD LEH RUNTII ALLOW DIINTA ISLAAMKA IYO MUSLIMIINTABA QAWIYEEY MEEL KASTOOY ADUUNKA KA JOOGAAN AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  4. mandeeq says:

    masha alaha wlh waa arin farxad leh hadiba adanka la maqlaayo waa guuul wayn masajid yadakalana inay ku daydaana yaa rajaynaa sha alaha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. maryama says:

    maasha alaah alle ayaa mahad iska leh
    alxamdulalaah waa arin lagu farxo
    inla maqalo aadaanka salaadaha
    alif alxamd shukri rabil caalamiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Sihaam says:

    maa shaa allaah alla ha noo siyaadiyo . intii ku dadaashayna mahad weyn haka gaarto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Ahmed Cumar says:

    Masha Allah Masha Allah Alle ayaa mahad iska leh marka hore iyo marka xigaba Allhamdulillah for everything
    alxamdulalaah waa arin lagu farxo dowlada Sweden waa u mahadnaqeyna haddii an anahay shacabka ku nool wadankan sweden wax ka badana waan ka sugeyna insha allah
    Allting kommer sakta sakta sakta men säkert men ändå vi behöver tålamod mer mer

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Gabadh Sool says:

    جاءالحق وزهق البا طل
    mansha allah waa wax ilahay loogu mahadiyo waana balan ilahay in muslimka arintiisu hirgalayso

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  9. qamar says:

    masha allaah ,masha allaah. alxmdulilaah, waa arin aad loogu farxo. ilaahay waxaan kabryayaa inuu gaalo badana kusoo hanuuniyo oo qalbigooda soo raaco aadanka macaankiisa markey maqlaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. maxamud says:

    masha allah waa wax lagu farxo arintan waa na soo dawenena

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. dek says:

    hadii qof aad u cod macaan loo dhiibo in uu eedaamo maalinta jimcaha laba jeeer waxaan filayaa in macaanka eedaanka dad badan oo swedish ah ku soo hanuuni doonaaaaan

    laakiin hadii loo dhiibo mid aad u cod liita waxa laga yaabaa in ay karaahiyaystaaaaaaan

    subxaana allah ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu inoo sakhiro arimaha aduun iyo aakhiroba insha alalh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Faa,id F.M says:

    Waa wax aad loogu farxo in Jimacahha laga adimo masaajikaas ku yaal Sweden laakiin inay wada fasaxaaan aadaanka dhan iyo in la iska daayo maxaa ka dhaxeeya ileyn waa shan waqti aadaamada Islaamkuye.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. amin mahamed says:

    aadaanka salada waa uqoolanyaa. rer stokholm

    rer malmø : waxay isu diyarinaya nabiga caleysaalm waa la aflagadenayaa oo lacaynayo.

    ka shegeyaa bal arinkas
    somaliye.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. cadde says:

    asc waa go’aan u wanagsan dadka islamka ah, Allah waxan ka rajeynaa in uu mar dhow islamku guleysan doono

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. bashir gaxnug says:

    Aniga wax

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. abdifatah says:

    Mansalh alah aloow alooow aloow diinteena kor ka yeeloo ilaahoow muslimiinta sweden iyo wadamada kale joogo ooga dhig iftiin dalalka ay lajoogaan

    si ay diinta islamka u fido gaartana kuwa aan islamka aheyn

    aloow kuwii guushaan soo hoyiyay ajar ka sii oo xifdi

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. heran jon says:

    good

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. deqa says:

    ala mansha alaah farxad badana ala meshas wa inan gurikasii adsada aan kuraxaystee adankaas ilahoow noogasooqaad amiin ya alaah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. Asha Halane says:

    maansha allah allow nooga soo qaad ayagana soo hanuuni, kuwi ka shaqeeyay qeerkana ka ajar sii, anagana alle ha naga dhigo kuwa ku dayasho mudan oo sabab u noqdo hanuun kuwa baadida ku sugan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0