Kamuunka Norrköping oo ka walwalsansan Soomaalida badan ee imaan doonta

Qaar ka mid ah shaqaalaha kamuunka Norrköping ayaa walaac ka muujiay tirada caruurta Soomaalida ee la filayo in ay halkaasi yimaadaan sanadka soo socda ka dib marka la furo mideynta reeraha. Sida uu qoray wargeyska Folkbladet waxaa la filayaa ilaa 300 oo caruur Soomaaliyeed in ay yimaadaan magaalada Norrköping oo keliya.

Kamuunka ayaa sheegay in culeys badan ay keeni doonaan caruurta imaan doonta marka laga hadlayo daryeelka caafimaadka iyo guryaha. Caruurta cusub ayaa u baahandoonta iskuul iyo xanaano. Gacanyarayaasha Kamuunka Norrköping ayaa dalbaday in diyaargaroow loo sameeyo  soo dhaweynta dadka cusub.

Sidoo kale dhibaato weyn ayaa ka taagan guryaha oo xitaa dadka maanta degan Sweden ay dhibaato ku qabaan in ay guryo ka helaan Norrköping. “Xitaa hada ayay dhibaato tahay, qaasatan dadka aan shaqada rasmiga ah haysan in ay guru helaan” Ayay yiraahdeen Trysberg iyo Andersson oo gacanyaraal ka ah kamuunka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. waa iska caadi taas says:

    taas ayaga yaa lagaray in eey usii tabaabush teystaan marka aniga ilama ahan waxdhib badan waayo inta dagan iyo inta ilmo u dac wooneysayba ayaga lag rabay in eey tir koob kooda ogadaan eeyna ku sii xisab tamaan marka in ey calaacal sameeyaan ma ahan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. IFRAH says:

    ilahayow wadankeeni dowlad cadila oo deg deg ah noga dhali subxan allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. maskin says:

    amin yarabi.hadi e no imadan caruurteyna insha allah mel e ku hoydan ma waynayan illah aya u jogo neh alaxamdulilahi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. cadey says:

    asc wr wb horta allaha keeno tan waxaan u arkaa iney ka doodayan imanshaha dhan horta sanadka ha dhasho keenis ha bilowdo kadib waxii talaa waleysla jooga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Axmadeer diikow says:

    soomalida maxey wareertay dad la keenayo ma jirtro in sha alah hadaa dhaafi weysaan leemanka la gadanaayo oo xaranta ah iyo naag iyo nin is qabo is dhiibayaan fy fan somali

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Magaca...kulmgye maxamud kulmiye says:

    wal gomaa lagayaa baa iney furanto iswiirha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Faayey says:

    Maad waddankiina joogtaan. Soomalidu waa aboor ama gooryaan oo doonaya in ay dadka ku kor noolaadan. Soomalida waa dad aan shaqo rabinn oo ceyr o soo jeeda. Aabaha ama habarta oo “single mother” ha ku booqdaan dadkooda Kenya ama ethiopia. Ama hala heshiiyo. Oh.. waa i loobay Hawiye nabad dooni maayan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. daacad says:

    faayey waa qalad waxaad ku hadleeyso adiga hadaad maanta shaqo aad ku faanto heysatit intaan heysanin ilaahay ha,u sahlo soomaali shaqo wey rabtaa laakiin waxayna weli fahmin habka loo maraayo iyo cidii gacan ka siin leheed shaqada balse hawiye amaan sii wax maanta qabiil uu kuu taraayo malahane waxaana wanaagsan in ay waalid iyo waxey dhaleenba meel isla joogaan qaynuunkaas waa sharci u dagsan wadamada yiri qaxootiga ayaan qaabileeynaa marka insha alaah hadii ilmahooda loo keeno gurina ma weynaayaan insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0