Kaniisad lagu badalayo xanaano islaami ah

14

Kaniisad lagu magacaabo Hammarkullens kyrka oo ku taala magaalada Göteborg ayaa waxaa la wareegay jaaliyada Islamiska skolan si ay uga dhigaan xanaano caruurta.

Ka dib markii ay sanado badan hoos u dhacayeen dadka isticmaala Kaniisada Hammarkullens kyrka ayay maamulkeeda waxay go’aansadeen in ay iibiyaan kaniisada iyadoo ay tartan u galeen dhowr urur oo doonayay in ay la wareegaan kaniisada. Ururadaas waxaa ka mid ahaa kuwo Kiristaan ah oo ku doodaya in ay iyagu xaq u leeyihiin meesha maadaama ay kaniisad sii ahaanayso.

Balse go’aanka ugu dambeeya ayaa waxaa yeeshay cidii lacagta ugu badan haysata. Kuwaasoo noqday Muslimiinta jaaliyada  Islamiska skolan. Muslimiinta ayaa kaniisada u badali doona xanaano caruurta oo ku dhisan diinta Islaamka.

Jaaliyada Islamiska Skolan ayaan ahayn mid ku cusub arimaha waxbarashada iyaga oo sidoo kale masuul ka ah iskuulka lagu magacaabo Römosseskolan kaasoo sanadkii hore ay eedeyn u soo jeedisay hayda baaritaanka iskuulada (Skolinspektionen).

Ma ahan markii ugu horeysay ee Muslimiin ay la wareegeen goobaha cibaadada ee Kiristaanka. Sanadkii hore ayay ahayd markii ay Muslimiinta magaalada Flen ay la wareegeen Kaniisad ka dibna ay ka dhigeen Masjid.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here