Kaniisad shaqaaleysay imaam

6

Kaniisada Sofia ee ku taal magaalada Stockholm ayaa shaqaaleysay imam Muslim ah oo shaqadiisa noqoneysa in uu ka shaqeeya xiriirka u dhexeeya Kaniisada iyo Muslimiinta. Imaamkaan oo lagu magacaabo Othman Al Tawalbeh kana soo jeeda dalka Jordan ayaa ah qabiir ku taqasusay Islaamka iyo shareecada.

Kaniisada ayaa sheegtay in ujeedada loo shaqaaleysiiyay imaamka ay tahay in uu soo bandhigo Islaamka saxda ah oo uu ka hor tago neceebka iyo been abuurka laga sameeyo Islaamka sida in gabdhaha lagu qasbo niqaabka.

Khaar ka mid ah baadariyiinta Kiristaanka ayaa cambaareeyay imaamka lagu soo daray kaniisada Sofia ayagoo sheegay in aysan habooneyn in imaam Muslim ah uu dhex fadhiyo kaniisada maadaama farqi weyn u dhexeeyo Islaamka iyo Kiristaanka ayagoo intaas ku daray in waxyaabaha sida in gabdhaha lagu qasbo niqaabka aysan ahayn been abuur balse tahay xaqiiqo.

Ninkaan ayaa u muuqda mid weerar badan ka soo wajihi doono dhinacyo badan oo ay ku jiraan bulshada Muslimiinta ayadoo aan la fahmi karin sababta uu imam Muslim ah uga shaqeynayo kaniisad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here