Kaniisada Sweden oo hogaamiye u dooratay haweenay

Kaniisada Sweden (Svenska Kyrkan) ayaa baadari u dooratay haweenaydii ugu horeysay. Haweenaydaan loo doortay in ay Antje-Jackelénhogaamiso kaniisada ugu weyn Sweden ayaa lagu magacaabaa Antje Jackelén iyadoo lagu tilmaamo qof dhexdhexaad ah oo ah waxa loo yaqaan liberal.

Haweenaydaan ayaa shaacisay in ay doonayso in ay wada shaqayn la yeelato dadka dimaha kale qaasatan Muslimiinta. Waxay sidoo kale qiratay in kaniisada Svenska Kyrkan ay dadku ka sii baxayaan taasna aysan dabaqabasho lahayn balse ay tahay xaqiiqada ka jirta Sweden oo ah dadkii oo isbadalay iyo waayeelnimada. Balse waxay amaantay in Sweden ay noqotay wadan diimo badan ka jiraan taasina ay u aragno arin wanaagsan.

Doorashada haweenaydaan ayaa waxaa cambaareeyay qaar kamid ah Kiristaanka ku nool Sweden iyadoo laga cabsi qabo in ay abuurto kala qeybsami soo kala dhexgasha kaniisada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. seytuni says:

    asc dhamaan asxaabta somaliska waa arin lagu qoslo hadalka haweneydan maxay diinta islaamka carrabka ugu dhufatay waxay aragtay in ay dadka caalamka dhan soo wada gelayaan ilaahay ayaaba noo sheegay in ay diinta islaamka mashriq iyo maqrib gaari doonto wax ay ka qaban karaana ma jirto aslan ilaahay agtiisa waxaa diin ka ah islaamka oo kaliya ilaahay waxaan ka baryayaa inuu xaqa na fahamsiiyo islaanimadeenana noo adkeeyo aamin yaa rabi

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  2. abdifatah says:

    waa runtaa mashriq iyo maqrib ayay gaaraysaa ilaahow muslimiinta wixii cadow ku ah ka qabo aaaaaaaami amin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0