Kartoomo cusub oo lagu aflagaadeynayo nabiga oo lagu soo bandhigayo Malmö

43

Ninka lagu magacaabo Lars Vilks oo caadeystay aflagaadada nabi Maxammed (nnkh) ayaa waxa uu qorsheynayaa inSwedish artist Vilks poses beside his damaged kitchen window at his home outside Hoganas uu bandhig kartoomo cusub ku qabto magaalada Malmö. Kartoomadaan cusub ayaa ah kuwo uu ku aflagaadeynayo nabigeena isagoo ku tilmaamaya Ey iwm.

Bandhigaan ayaa la qaban doonaa bisha July ee sanadkaan isagoo ogolaansho ka helay goob madxaf ah in lagu soo bandhigo kartoomadiisa macno darada ah. ururada diiniga ah iyo siyaasiyiinta Malmö ayaa ka digay cawaaqib xumada ka imaan karta ficilada qalafsan ee uu ku kacayo Lars Vilks.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ninkaan uu aflgaadeeyo nabi Maxammed (nnkh) balse sanadkii 2007 ayay ahayd markii uu sameeyay kartoomo kuwaan la mid ah. Ka dib xiligaas ayuu shaqo ka dhigtay la dagaalanka Islaamka iyo aflagaadada nabiga.

Ninkaan ayaa ka dib markii uu sameeyay kartoomada ay noloshiisa ciriiri gashay isagoo hada ku nool dhuumaalaysi iyo ilaalinta booliska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here